SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA
Tarzan iyo Eng. Yarisow oo kula kulmay Nairobi David Bell u qaabilsanaha arrimaha Somaliya ee Dowladda UK.
KAAH


Mudane Mohamud Ahmed Nur (Tarzan) iyo Eng. Abdirahman Omar Osman (Yarisow) oo beryahanba ku sugnaa magaalada Nairobi ayaa shalay (July 10) kula kulmay xafiiskiisa Nairobi David Bell iyagoo kala hadlayey arrimaha Somaliya guud ahaan iyo shirka dib u heshiisiinta Soomaalida ee ka socda Magaalada Mbagathi ee waddanka Kenya.

Mudane Tarzan ayaa su'aalay safiirka siyaasaddooda ku aadan Soomaaliya iyo sababta ey si muuqda uga qeyb gali waayeen shirka soomaalida uga socda Mbagathi. David oo aad ugu mahad celiyey Tarzan iyo Eng. Yarisow kulankooda ayaa ku tilmaamay siyaasadda Dowladda Ingiriiska mid dhexdhexaad ka ah arrimaha soomaalida uuna sheegay iney la shaqeeyaan EU da iyo IGAD isla markaana ey taageersanyihiin shirka ka socda Mbagathi. David waxa uu sheegay iney Somaliland ula dhaqmaan sida UN ta iyo EU du ula dhaqanto oo eysan aqoonsaneyn ha yeeshee bacdamaa ey nabadi ka jirto ayuu yiri waxaan kala shaqeynaa arrimaha bulshada iyo bini'aadanimada, wuxuuna sheegay in sanadkan ey u qoondeeyeen lacag gaareysa 5 milyan oo dollar itooda badana ey ku baxaan Somaliland, sanadka danbena uu sheegay iney kordhin doonaan deeqdooda eyna gaarsiin doonaan 10 milyan oo dollar.

Eng. Yarisow oo u mahadceliyey safiirka waqtigiisa qaaliga ah ayaa u sheegay in markii ey noqdaan ey warbixin ku saabsan safarkooda ey u gudbin doonaan dowladda UK una sheegay safiirka in maanta jaaliyaddaha soomaaliyeed ee dibedda jooga ey diyaar u yihiin ka qeyb qaadashada sidii waddanka dib loogu dhisi lahaa isla markaana uu ka codsaday safiirka iney kordhiyaan howlahooda ku aadan waddanka oo Eng. Yarisow uu ku tilmaamay lama huraan in Dowladda UK ey qeyb libaax leh ka qaataan howlaha bini aadanimo ee bulshada soomaaliyeed u baahantahay, isla markaana ka codsaday iney xagga siyaasadda sidii waddanka xal loogu heli lahaana ey xoojiyaan iyagoo la kaashanaayo jaaliyadda soomaaliyeed ee ku dhaqan UK.

Mudane Tarzan ayaa tafaasiil dheer siiyey safiirka una caddeeyey ujeedadda safarkooda iyo iney soomaalidu ey diyaar u yihiin iney soo celiyaan sharaftii iyo karaamadii waddanku lahaan lahaa. David ayaa u sheegay mudanayaasha iney howshooda sii kordhiyaan eyna xirriirkooda joogteeyaan, isla markaana inta ey joogaan Nairobi la haddlaan hoggaamiyeyaasha kooxaha iyo siyaasiyiinta soomaaliyeed kala hadlaan sidii ey tanaasulaad ula imaan lahaayeen.

Warkaan waxaa SomaliTalk soo gaarsiiyey:
Abdirahman Omar Osman yarisow70@hotmail.com


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

-dhammaad-

Faafin: SomaliTalk.com | July 12, 2003 

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri

 


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD