SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - SWEDEN
David Kelly - Xaqiiq Weli Dahsoon.

Ikraam cali-kaar | Sweden | July 20, 2003


David Kelley, SAWIRKA: CBC TV


Ma ahayn keliya khabiir hubka ah oo ka soo shaqeeyay Iraq, booqdayna Baqdaad in ka badan 40 jeer, kuma ekeyn keliya shaqadiisa wasaaradda difaaca ee Briton iyo shaqaale UN-ka ah, balse odaygaas garku caddaaday, ee ay ka muuqatay diiftu, wuxuu fekerkiisu ka fogaa intaas oo dhan.

Kelly wuxuu noqday ninka keliya ee ka gelgishay xaq darrada ay maleegayaan kuwo badan oon sawiradooda ka daawanno TV-yada, looga istaago kuraasta, loona sacabbo tumo markay hadlayaan.

Maanta Kelly waxa uu boos u sii xaarxaarayaa George J. Tenet, madaxa sirdoonka Maraykanka, labada nin oo ay ku xuubsiibteen Bush iyo Blair, balse Kelly waxa uu kaga duwanaa Tenet isagoo runtii uu hayay faraha u geliyay Andrew Gilligan - wariye BBC-da iyo Susan Watts oo iyaduna “Newsnight” ka BBC-da ka ah analyst . [
Daawo Halkan - ITV]

Haddaan haddaba is weeydiinno ma ahayd inuu Kelly dhinto ciddii doontaba ha dishee, mase ku filan tahay taasi inay meesha ku daminayso dabka hadda dogobada la sii saarayo ee ka aloosan xukuumadaha loo caalwaayay ee Maraykanka iyo Ingiriska, amaba si kale haddii loo dhigo ma tahay mid bannaanka soo dhigaysa xaqiiqdii la raadinayay, si aan xaqiiqdaas u helno waa inaan wax yar taariikhda dib u jalleecnaa, inagoon meel fog aaddina, keliya soo rog baalkii ay baarayaasha hubku ku qornaayeen xilligii la daandaansanayay Ciraaq.

“Waqti ayay qadanaysaa ogaanshaha hubka ay haysto Ciraaq” Hans Blix.
“Nooma ogolaan Maraykanka iyo xulufadiisu inaan ka gungaarno hawlaheenna’ Mohamed El Baradei.
“Nolosheenu Qatar ayay ku jirtay labada dhinacba-dhanka Ciraaq iyo Dhanka Xulufada, mana igu noqonayso lama filaan geerida Kelly, wuxuu ahaa nin aan waqti badan isla soo shaqaynay, waan tabaynaa Kelly, wuxuuna u dhintay xaqiiq uu sheegay awgeed” sidaas waxaa u sheegay Telefishanka Al-Jaziira Madaxii hore ee baarayaashii hubka ee Ciraaq.

KAAH

Waa maxay xaqiiqda dhabta ah ee uu u dhintay Kelly ? BBC-daa xoogaa baalka ka feyd-day oo tiri “Waxaan kadib markaan ka cudur daaranay eheladii Kelly, aan si dhab ah u sheegeynaa inuu ahaa Kelly isha aan ka helnay Xaqiiqda aan hayno ee ku saabsan in la buunbuuniyay hubka Ciraaq”.  [Dhegeyso Halkan VOA].

Meeshaas haddaba aqristoow waxaa nooga caddaanaysa :-
1-In Ciraaq loo burburriyay dano kale balse aysan ahayn tan lala wareegayay saxaafadda horteeda ee ahayd inay haysatay hub qatar ah oo ay 24-saac gudahood ku isticmaali karto.
2-In haddana lagu socdo isla waddadii loona danleeyahay waddamo ay ugu hooreeyaan Iran iyo Syria.
3-In si kasta oo ay isugu dayaan kuwa awooda sheeganaya aysan marnaba qarin karin soo if-baxa xaqiiqda maalinba maalinta ka dambeysa.

Guntii iyo gabagabadii, waan arki doonaa meesha uu ka biyo cabbo sahanka xaqiiqo doonka ah ee uu garhayeenku ka yahay ninka dhintay ee David Kelly, inagoo sidaas oo kale quud darraynaynaa inuu George Tenet-na soo bandhigo waxa uu hayo dhankiisa.

Aan ku soo gabagabeeyo maqaalkeyga xusuusin ah maahmaahdii Soomaaliyeed ee oranaysay "labadii Xaq Darro ku heshiisa Xaqa ku dirriraan."

Waxaa isku duwday,
Ikraam cali-kaar
Gothenburg, Sweden.
ikraam@journalist.com 

 QORAALADII HORE EE IKRAAM

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

Faafin: SomaliTalk.com | July 20, 2003

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD