SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - USA
WARSAXAAFADEED AFHAYEENKA GOLAHA SRRC EE W/AMERICA

BEEN ABUUR AAN RAAD LAHAYN

Shabakado Caadaystay Been Kasheega Moorgan

abdibarre ahmed jabriil62@hotmail.com | Faafin: July 23, 2003

KAAH

Waxaa wax lala yaabo ah in maalmahaan lagu shaaciyey warar been ah oo ujeedada laga leeyahay ilaa hada aan lagaran kariin, Arrintaas waxaan uga jeedaa in ay qoreen Webseedyo caado ka dhiigtay ( BEEN ABUUR) ku salaysan been aan raad lahayn, saxaafadana waxaa fiican in aan been laga sheegin oo wixii xaqiiq ah laga sheego.

Hadaba shabakadahaas Internetku waxay baryahaan caado ka dhiigteen in ay faafiyaan war aan sal iyo raad toona lahayn, hadii aan tusaale u soo qaado waxay qoreen hadal aad u liita oo been abuur ah taasoo ay soo qoreen in ay Jen. Morgan waraysi la yeesheen, taasina waa been Abuur ay jeebkooda ka sameyeen, waxaana bulshaweynta u sheegaynaa (iyo inta kaleba warkaas ay soo daabacdayba) in uu san sal iyo raad toona lahayn oo ayagu ay jeebkooda ka sameeyen ujeedada ay kalahaayena ay tahay in QABAA'ILKA lagu kiciyo,
waxaase wax lalayaabo ah sida ay ku hindiseen warkaas been abuurka ah oo ay ugu daabeceen webseedkooda ummadana ugu soo bandhigeen, Halkaas waxaa kacad in ay ku gaamuurtay qabiil iyo shaqsi
nacayb intaba, waxayna indhaha ka qarsadaan dhibka iyo halaaga ka taagan xamar wax kama sheegaan ee
waxay been joogta ah ka sheegaan meelo ayna kawarqabin waxa ka jira.


Websaydkyadaas qaarkood waxay caado ka dhiigteen Moorgan oo duulaan soo ah,
Moorgan oo itoobiya hub soo siisay, Moorgan oo cidankii kakala tagey, Mooorgan oo xanuunsan, akhyaarey intaas oo dhan oo aan soo sheegay soo wax lalayaabo ma'ahan, bal ila eega 16/07/003 waa maqaalkii u danbeeyey oo ay shaaciyaan oo ay leeyihiin Morgan oo xanuunsan oo ay waliba raaciyeen gudaha puntland ay ku xanuunsan yahay, hadaba shabakadahaas maxaa lagu tilmaami karaa? soo kama litaan BBC!.

Halkaas waxaa ka muuqata shabakadahaas in ay ka siman yihiin Nacaybka ay u qabaan qabaa'lada qaarkood
iyo shakhsiyaad u ka mid yahay Morgan oo ay had iyo jeer Been ka sheegaan.

Shabakadahaas waxay ka idhaqarsadaan oo ayna waxba ka soo qorin dhibka iyo halaaga ka taagan Xamar oo
ay ka mid tahay KUFSIGA, DILKA, DHACA, iyo QAFAALASHADA, ma arkaan TAKARTA SAARAN, hadaba waxaan kula talinayaa in ay ka foogaadan xumaanta ku raagtay oo ah mid aad diciif u ah.

Waxaana qofka saxaafada qora ka reeban been abuur iyo war aan sal iyo raad toona lahayn oo
uu qoro oo waliba sumcadiisa hoos u dhigaysa, marka waxaan kula talinayaa in ay Raali galin ka bixiyaan
khaladka ay galeen oo beenta ah oo ay ummada u soo qorayaan (waa is-ogyihiin, waana la ogyahay shabakadahaasiye).

Waxaan si buuxda shabakadahaas ugu xaqiijinayaa warka ay qoreen in ayna sal iyo raad toona
lahayn oo wax iyagu daabacdeen u yahay, waxaana kula talinayaa in ayna caadifadi qaadin iskana ilaaliyaan
beenta ay kabaha u galinayaan.

 abdibarre ahmed jabriil62@hotmail.com | Faafin: July 23, 2003


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

Afeef: Aragtida Qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | July 23, 2003

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

Afeef: Edited by SomaliTalk.com

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]