SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - SOOMAALIYA
MUQDISHO: MADAXA SHIRKADA DHISMAHA EE EAMECO, INJ. C/RASHIID (SHIIKHAALOW) OO XALAY GURGIISA LAGA AFDUUBAY)

SomaliTalk.com | Muqdisho | July 27, 2003

KAAH

WAXAA XALAY SALAADII CISHAHA KADIB ISAGA OO GURGIISA SII GALAYA LAGA AFDUUBAY INJ C/RASHIID MAXAMED AXMED ( SHIIKHAALOW) OO AH MADAXA SHIRKADA DHISMADA EE "EAMECO". GURIISA OO KU YAALA XAAFADA SUUQA XOOLAHA AYAA LAGU KEXEEYE GAARIGII UU ISAGU GAARKA U LAHAA EE UU MARKAA WATAY, ILAA IYO HADDA OO AAN QOREYNO WARBIXINTAN LAMAHAYO  HALKII UU KU DANBEEYEY INJ.C/RASHIID ( SHIIKHAALOW), MAR AAN SAAKAY LA XIRIIRAY MUQDISHO WAXAA LA II SHEEGAY IN SAAKAY LAGA HELAY XAAFADA BEEXAANI GAARIGIISII, GAARIGUNA MARKAAS WAA UU BURBURSANAA SIDA UU WARKU SHEEGAYO.

MUDANE C/RASHIID WAXA UU KAMID YAHAY INJINEERADA UGU MAGACA WEYN MAGALADA MUQDISHO IYO DALKA SOOMAALIYABA, 13.KII SANO EE AY COLAADU JIRTAY MARNABA KAMA SAFRIN MUQDISHO, WAXA UU BULSHADA SOOMAALIYEED U HAYEY WAXQABAD AY DADKA R/MUQDISHO AAD UGU RIYAAQSANAAYEEN, WUXUUNA AQOON XEEL DHEER U LEEYAHAY HAWLAHA DHISMAHA, DADKII UGU DHAW-DHAWAA EE AAN LA XIRIIRAY WAXAY II SHEEGEEN IN ILAA IYO HADDA AAN LA GARAN KARIN JIHADA AMA GOOBTA LAGU HAYSTO INJINEERKA IYO CIDDA HAYSTA, WAXAYSE II XAQIIJIYEEN INEY WADAAN BAARITAANNO FARABADAN OO LAGU OGAANAYO BAL HALKA UU KU DANBEEYEY INJ.C/RASHIID.

LIFAAQ

BAHDA SOMALITALK.COM WAXAY KA TIIRAANYEYSAN TAHAY DHIBAATADA SOO GAARTAY AQOONYAHANKAN SOOMAALIYEED EE AY DADAAN WAXBA GARANEYN U HAYSTAAN MADAX FURASAHDA, WAANA FAL AAN SI KULUL U CANBAAREYNEYNO, WAXAANA ILAAHAY KA BARYEYNAA IN AQOONYAHANKAAS SOOMALAIYEED AY XORIYADIISII DEGDEG UGU SOO LAABATO.

EDITOR@SOMALITALK.COM


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Faafin: SomaliTalk.com | July 28, 2003 

Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Doodii gabdhaha Soomaalida Minnesota

 


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]