|
Sida aysan dadka Soomaalidu uga faa'iideysan
internetka
Qore: Abdi Hassan Welli |
welli6@hotmail.com
|
Waxaa waayadaan dambe ku soo batay shabagadaha
internetka dad doonaya inay soomaalida ka waaniyaan dhibaatooyinka ummadda
soomaaliyeed haysta ee ah colaadda sokeeye ee dalka iyo dadka ku habsatay iyo
dad aragtiyo kala duwan qaba oo qoraallo isugu jawaaba kuwaas oo sababay in dad
badani internetkaba iska daayaan.
Hadaba, dadkaas iyaga ah qaarkood waxay sheekadooda la aadaan xagga diinta
maadaama ay ummadda soomaalidu muslim tahay, qaar kalena waxay soo qaataan wax
uun ka mida murtidii soomaalidii hore ee xeerarka iyo kala dambeynta lahayd iyo
qaar kale oo iyaguna si toos ah wax uga sheega meelo ka mida dalka soomaalya
iyo shaqsiyaad ka mida dadka soomaalida, soomaalidu waxay ku maahmaahdaa ”
meeshaad nin ka qaadatay nin baad kaga tagtay”, maxaa yeelay dhammaan wararka
iyo sheekooyinka hareeyey internetka kuligood waa wax qofka qoraya aad
hadalkiisa ka dhadhansanaysid in soomaalida qaarkeedna la fiican yahay
qaarkeedna la xun yahay, waayo sheekadooda ayaa laga garanayaa cidda ay diidan
yihiin iyo cidda la fiican oo ay ayidsan yihiin, tusaale ahaan qarkood waxay
dhaleecayn xun dusha uga tuuraan wadanka Ethiopia, markaas baa la fahmaa
hogaamiye kooxeedyada ay u dan leeyihiin sida Cabdullaahi Yuusuf iyo Mohamed
Dheere, qaar kale waxay hiftaan oo wax ka sheegaan wadamada carabta, kuwaasna
waxaa horay laga gartaa inay ku kacsan yihiin dawladda ku meelgaarka ah iwm.
Sidaas darteed ayaad mararka qaarkood waxaad
arkaysaa dad jawaabo isu celcelinaya oo la moodo sida marka carruurtu dirirto
oo mid waliba rabo inuu isagu jugta ku dambeeyo si kan kale caro ula tago,
marna arki maysid qof leh qaladkaas iyo qaladkaas baa dalka iyo dadka ka dhex
dhacay ee sidee haatan wax u furdaaminaa? Haddii aynu nahay ummadda
soomaaliyeed waxaad moodaa in kuligeen uu ina ku rakiban yahay madax aan
keennii ahayn sababtoo ah, dhammaanteen ama badankeennu waxaynu ku mashquulsan
nahay wax aynu ognahay innaan faa’iido inoo ku jirin oo waxaad moodaa in layna
yiri qofwalboo soomaali ahi xabaashiisii ama qabrigiisii ha sii qoto, dadka
ummadda masaakiinta ah iyo maxasta dambiyada xun xun ka gala waxaynu ugu
geernaa geesiyaal, waxaana laga yaabaa in qofku isagoo laftigiisu dulin iyo xad
gudub wada inuu haddana isku dayo inuu dadka wax u sheego, taasina waa waxa
marxadda aynu haatan ku sugan nahay ina baday, hadaba waxaa ila habboon inay
ummadda soomaaliyeed dhammaanteed is weydiiyaan su’aalaha soo socda:
Maxaa waajibaad ah oo la iga rabay tan iyo
intii wadanku burburay? Maxaase haatan aniga qof ahaan la iiga baahan yahay?
Sidee dhibaatada looga bixi karaa? Yaanse ka sugaynaa inay dhibaatada inaga
saaraan?, Inaan su’aalaha noocaas ah is weydiino ayaa inoo dhaanta inaan qof
qof isu cayno, waayo dadku waxay heshiin karaan markay is weydiin karaan
dhibaatada dhex taal iyo cidda ka dhex wada, sidaas darteed waxaynu ognahay in
ummadda soomaaliyeed ay dhibaato ku filan soo martay ayna haboonaan lahayd in
dib la isugu noqdo oo laga talo baxo sheekada ah in qof walbaa ku fekero maxaad
adiga keligaa qaban kartaa?
Qofkii dadnimadiisa iyo ilaahiis talo saartaa
wax weyn buu qaban karaa, hogaamiye kooxeed iynu isku qabiil nahay
taageeriddiisa iyo qabiil X baan qabiil Y ka hormarinayaa iyo in dadka hilow
kooxeed ama shaqsi qaado, sidaas ummad jirta laguma noqdo waana aynu wada
ognahay, markaa waxaa iga su’aal ah maxaa dhacaya haddii aynu internetka aynu
cayda iyo aflagaadhada isugu qorno, aynu u bedelano wax macwuul ah oo dan inoo
ah, dabadeedna aan suurta gelino in dadku ay mashaakilaadka jira si rasmi ah
uga sheekaystaan, iyadoo aan qofna wax ma garad lagu tilmaamin. Aragtidaani
waxay khusaysaa dadka intiisa dareensan in dhibaato jirto, waayo waxaa laga
inay jiraan dad badan oo marxaladda maanta lagu jiro ay la fiican tahay.
Qore: Abdi Hassan Welli |
welli6@hotmail.com
Afeef: Aragtida Qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | July 29, 2003
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|