SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - FAALLO
WAXAY SNM MEEL MARISAY ARAGTIDII XASAN-KAYD IYO SAAXIIBADII

Diyaariye: Caqiil Sh.Yuusuf | qamuuda@webmail.co.za

KAAH

Ururradii mucaaradka ahaa ee la dagaallamay xukunkii maxamed Siyaad barre ayaa waxay ahaayeen afar urur oo kala ah SSDF, SNM, SPM iyo USC, ururradaasi waxay dhammaantood xidhiidh la lahaayeen oo ay taageero ka heli jireen dowladdii Itoobiya ee xilligaas uu madaxweynaha ka ahaa Mangistu Haile Mariam, waxayna saldhigyo iyo xeryo tababar ku lahaayeen gudaha Itoobiya, haddaba ururradaas iyaga ah oo gabi ahaanba sameysmay intii ka danbeysay dagaalkii 1977kii way kala ujeeddo iyo hadaf duwanaayeen inkastoo ay jireen waxyaabo ay ka mideysnaayeen oo ay ka mid ahayd in ay dhammaantood gacansaar la lahaayeen taageerana ka heli jireen dowladdii Itoobiya oo ay soomaaliya colaad xun ka dhaxeysay, waxaa kaloo ay ka mideysnaayeen aragtida ah in ay la dagaallamaan maamulkii markaas soomaaliya ka jiray oo uu madax u ahaa Gen.Maxamed Siyaad Barre, Waxaa kale oo ay ka mideysnaayeen in urur walibaa uu u badnaa qabiil gaar ah, sidoo kale waxay kaloo ay ka mideysnaayeen in madaxda urur kastaa si uu taageero u helo uu qabiilkooda u sheegi jiray in ay u istaageen in ay soo dhiciyaan xaq kaga maqan dowladda hadda jirta iyagoo qabiilkooda u tusayey in iyaga si gaar ah loo cadaadiyo oo loo takooro, runtiina arrinkaasi way u meel martay jabhadahaas.

Waxayse SNM mooyee saddexda jabhadood ee kale ay soomaalida kale u sheegi jireen in ay rabaan oo kaliya in haddii la taageero ay dadka ka dul qaadi doonaan xukuumaddan Millatariga ah ee naxariista daran, waddankana u dhisi doonaan dowlad shacabku soo doorto oo loo simanyahay. Xaqiiqaduse waxay ahayd in dhammaan jabhadahaasi ay ahaayeen kuwo aan wax dan ah iyo wanaag usoo wadin soomaalida ee ay madaxda jabhadahaas hoggaaminayey ahaayeen kuwo ay hadheysay ama ay madax martay fikir aad u gaaban oo salka ku haya cuqdad qabiil iyo madaxtinimo jaceyl waana arrinta kaliya ee ay si ay u gaadhaan Itoobiya ugala tashan jireen arrimaha dalkooda iyo dadkooda, Itobiyana waxay jabhadahaas u taageereysay oo kaliya in ay wiiqdo cududda iyo wadajirka cadowgooda oo ahaa soomaaliya ee ma kala jecleyn soomaalida wanaagna uma soo wadin, in ay arrintu sidaas ahaydna waxaa daliil u ah markii uu maamulkii lala dagaallamayey meesha ka baxay ayaa waxaa bannaanka usoo baxay wixii nin walibaa ama jabhad walibaa u qarsoonaa oo ay natiijadiisii noqotay waxa maanta soomaaliya ka jira ee uu qof walbaa indhaha ku hayo, laakiin saddexdaas jabhadood inkastoo aanay dhibaato mooyee wanaag dalka iyo dadka u keenin haddana waligood lagama maqal mana aanay aaminsaneyn wax la xidhiidha kala googoyn soomaaliyeed.

XIRIIRKII SSDF iyo SNM ... GUJI [XagarYare]

Ururka SNM wuxuu isagu la gaar ahaa oo uu kaga duwanaa ururradii kale in uu ahaa mid kasoo hor jeeda midnimada soomaaliya iyo wadajirkeeda una dagaallamayey in uu gobollada waqooyi ka gooyo Soomaaliya inteeda kale, aragtidaasuna waa midda keentay in xidhiidhka ay jabhadahaasi la lahaayeen Itoobiya ay SNMtu ugu xoog badneyd oo xataa ay kaga dheereysay jabhadda SSDF oo iyadu ahayd saldhiggii xidhiidhkii dhex maray Itoobiya iyo SNM. Wuxuu urukaasi dagaal hubeysan kusoo qaaday sannadkii 1988kii gobollada waqooyi ee jamhuuriyadda soomaaliya waxayna ujeeddadiisu ahayd in ay kala gooyaan jamhuuriyadda xorta ah. Weerarkaas waxaa ka hortagay oo waxba kama jiraan kasoo qaaday dowladdii dalka ka jirtay kaddib markii ay cagta marisay xoogaggii SNM ee isusoo kaashaday in ay fuliyaan aragti hooseysa oo soomaali diid ah oo ay rabeen in ay meel mariyaan.

Aragtidan ku dhisan kala goynta Soomaaliya iyo soomaali naceybaka ma aha wax ay SNM ugu horreysay ee waxay daba socotaa mid tan la mid ahayd oo ay aaminsanaayeen una howl galeen meel marinteeda koox uu madax ka ahaa ninka la yidhaahdo Xasan Cabdullahi Walanwal (Xasan-kayd) oo isagu wax yar uun ka dib xornimadii jamhuuriyadda soomaaliya isku dayey in uu sameeyo dhaqdhaqaaq uu ku doonayey wax la mid ah waxa ay maanta SNM kaga dhawaaqeen Hargeysa ee ay u bixiyeen Somaliland, waxaase isku daygii Xasan-keyd iyo saaxiibadii dharbaaxo ayna kasoo waaqsanin ku dhuftay dowladdii markaas waddanka ka talineysay, midnimadii iyo qaranimadii dadka iyo dalka soomaaliyeedna ka dhigtay mid waarta.

Duullaankii SNM ee xaq darrada ahaa waxaa fashiliyey oo seedaha iyo halbolayaasha gooyey ciidamadii xaq u dirirka ahaa ee Soomaaliyeed waxayse dhibaato aan la koobi Karin kasoo gaadhay shacabkii soomaaliyeed ee dagganaa gobollada waqooyi ee aan waxba galabsanin kaasoo ahaa mid uu ka xumaaday oo ka damqaday qof walba oo ay soomaalinimo ku jirto, waxaana dhibaatadaas ku dhacday shacabka masuul ka ah oo aan lala wadaagin eeddeeda ururkii SNM ee duullaanka indho la’aanta ah soo qaaday kuwaasoo xabbad ka dhex bilaabay dadweynihii ay u sheegeen in ay xuquuq u raadinayaan, waxayna SNMtu shacabka reer hargeysa usoo jiideen eed kaddib markii ay qaadeen tillaabooyin howlgallo dagaal ah kuwaasoo ku saleysan qabiil iyagoo weeraray oo bartilmaameed ka dhigtay qaybo ka mid ahaa xeryihii qoxootigii soomaaliyeed ee ku yaallay agagaarka Hargeysa, arrintaasuna waxay qaybo ka mid ahaa dadweynihii reer waqooyiga usoo jiidday dhibaato ilaa maanta dhagahooda kasii dhawaaqeysa.

Dowladdii iyo dadweynihii Soomaaliyeed ee la dagaallamay ururkii SNM waxay ahaayeen kuwo ku khasbanaa oo ku saxsanaa in ay ka hor tagaan ururkaas maxaa yeelay waxay difaacayeen midnimada, wadajirka iyo qaranimada soomaaliyeed, waxayna ka hortagayeen koox si xun u fakartay oo xambaarsan figrad iyo siyaasad cadow oo salka ku haysa duminta qaranka soomaaliyeed, beereysana nacayb kala dhex gala shacabka soomaaliyeed ee walaalaha ah, waxaase iyadu mar kastaba khalad ahayd dhibaatada gaadhay shacabka ee kasoo gaadhay goobihii lagu hardamayey.

Habeen madow ayuu la wareegay, habeen madowna waa lagala wareegay Qoraalkii axamed Ingiriis

Bilowgii sannadkii 1991kii ayaa waxaa magaala madaxda Muqdisho laga saaray Madaxweynihii Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed Jaalle Maxamed Siyaad Barre, oo waxaa ka awood ronaaday labadii jabhadood ee SPM iyo USC halkaana waxaa kusoo gabagabowday dowladdii Millatariga ahayd ee muddada labaatanka sano ka badan dalka ka talineysay. Haddaba markii ay dowladdii burburtay ayaa waxaa laga sugayey jabhadihii in ay isu yimaaddaan oo ay ku dhawaaqaan in uu dagaalkii dhamaaday isla markaasna ay dadkii dalka ka qaxay u sheegaan in ay dalka kusoo laabtaan si dowlad loo dhisto hase yeeshee nasiib darro waxaa awood siman yeeshay dhammaan dadweynihii oo taladii ayaa faraha ka baxday waxayna arrinkii isu baddashay oo si hor leh u bilowday dagaallo iyo kala aar goosi qabiil ku saleysan taasoo ah midda ilaa maanta ka jirta soomaaliya. Dagaalladaasi sii qaraxay ee daba dheeraaday waxay fursad siiyeen SNM oo dharbaaxadii lagu dhuftay sannadkii 1988kii awgeed aan lahayn wax haba yaraatee awood ah oo ay ku meel marin karaan waxa ay doonayaan waxayna ku dhawaaqeen in ay yihiin jamhuuriyad gaar ah, kana xoroobeen soomaaliya ama waxa ay ugu yeedheen reer koonfureed oo ay ku tilmaameen in ay reer koonfureed oo wada jira ay gumeysanayeen reer hargeysa waxayna fagaaraha si isla qumanaasho ah ulasoo istaageen madaxdii SNM waxaan nahay jamhuuriyad gaar ah oo ka xornimadeedii labaad qaadatay maanta kana qaadatay Soomaaliya.

Ugu danbeyntii waxaa qof walibaa oo soomaali ah waajib ku ah in uu ilaaliyo wadajirka, midnimada iyo ehelnimada dadka iyo qaranka soomaaliyeed, waa in uu qof walibaa ka hor tagaa waxa ay kooxda SNM tu fagaaraha magaalada hargeysa lasoo taaganyihin lagasoo bilaabo sannadkii 1991kii ee ah kala geynta walaaltinimada soomaaliyeed. Waxaadna ogaataan in ay iska dhammaan doonaan colaadahan iyo dagaalladan aafeeyey waddanka iyo dadka ee ay wadaan qabqablayaasha u adeegaya cadowga soomaaliyeed, wayna soo noqon doontaa sharaftii soomaaliyeed laakiin ha laga digtoonaado oo ha laga hortago cid kasta oo beereysa dhaxal xun oo soomaali nacayb ah oo ay dhaxlaan da’yarta soo kaceysa, arrintaasuna waa waajib saran qof kasta oo soomaaliyeed.

Diyaariye: Caqiil Sh.Yuusuf

qamuuda@webmail.co.za ama yucub@hotmail.com

» MAQAALADII KALE EE TODDOBADKAN KA AKHRI HALKAN. GUJI


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh oo ay gaar u tahay qoraaga ku saxiixan.

Faafin: SomaliTalk.com | July 2, 2003

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhex jooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]