SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - UK
GOLAHA WADATASHIGA SOOMAALIYEED

G/W/S/023/03 London, 22/07/2003

Ujeedo: Joojinta dagaallada "Beydhaba"

KAAH


Golaha Wadatashiga Soomaaliyeed wuxuu ka xun yahay soo noqnoqoshada dagaalada dagaalada ka dhaca magaalada madaxda gobalka Bay ee "Beydhaba" iyo hareeraheeda una dhaxeeya madaxda ururka RRA, sababayna qasaaroyin isugu jira mood iyo noolba.

Golaha wadatashiga Soomaaliyeed wuxuu cambaareynayaa cid kasta oo ka mas'uul ah dagaaladan, isla markaana ugu baaqayaa in dhinacyada isku haya gacan ku heynta magaalada ay joojiyaan dagaallada shuruud la'aan, kuna dadaalaan joojinta dhiiga walaalaha daadanaya.

Golaha Wadatashiga Soomaaliyeed wuxuu ugu baaqayaa qeybaha uu khilaafku ka dhexeeyo in ay wada hadal ku xaliyaan, kuna dadaalaan sidii loo suurta galin lahaa nidaam suura galiya dib u soo celinta nabadda.

Golaha Wadatashiga Soomaaliyeed wuxuu aaminsan yahay in sii socoshada dagaalan ay wax yeeli karto heshiiskii kooxaha Soomaalida ay gaareen 27/10/02 iyo dadaalka loogu jiro dib u heshiisiinta kooxaha Soomaalida iyo shirka ka soconaya duleedka magaalada Nairobi, Kenya.

Kaaliyaha Xoghayaha arrimaha Dibedda ahna wakiilka

Golaha Wadatashiga Soomaaliyeed u jooga dalka Talyaaniga

C/casiis Cali Ibrahim "xildhiban"

xildhiban@hotmail.com


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

Afeef: Aragtida Qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | July 22, 2003

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD