Iyada oo ay labada ummaddod ee ku kala nool Somaliland
iyo Jabbuuti uu ka dhexeeyo xidhiidh qoto dheer , dadka ku nool labada dalna ay
isku midyihiin , Marka laga reebo qawmiyadda Canfarta.Halgankii gobanimo doonka
eey laba dal kula jireen gumaysta yaashii reer Yurubna ay labada ummadood hiil
iyo hooba aanay iskula kala hadhin, ayaa nassib darro markii uu siyaad barre
xasuuqayay qaybo ka mida bulshada Somaliland , ayaa waxa jirtay in Ismaaciil
Cumar Geele, oo markaa ama 80 tameeyadii ahaa madaxa wassaradda nabad sugidda
ee Jabuuti , xidhhiidhna fiicana la lahaa Siyaad Barre iyo NSS tii Somaliland u
joogtay, , wuxu si naxariis darro ah ula dhaqmay dad reer Somaliland ahaa oo
markaa ka cararay mucangagii Siyaad , si magan galyo siyaasadeed uga helaan ,
dalka ay walaalaha yihiin ee Jabbuuti.
Ismaacii Cumar Geele wuxu kumnaan reer Somaliland ah
gacanta u galiyay taliskii Siyaad Barre si isla markaa qudha looga jarro . Dad
ciidaa ka badan oo ka soo qaxay xasuuqii ka socday dhulkooda ayaa markay Law
Yacaddo, xuduuda Somaliland iyo Jabbuuti, jogaan lagu yidhi idiinma aqoonsanin
qaxooti ee halkaa ha soo dhaafina,taas oo sabatay in dad aad u farabadan oo aan
wax shaqo ku lahayn siyaasad , nafla cararna ku tagay xudduuda Jabbuuti in
halkaa uu Siyaad Barre ku xassuqay.
Waxa ay dawladda Jabbuuti la wareegtay hanti cidaa ka
badan, Baabuuro iyo lacag malaayiin dolar kor u dhaafay oo ay la haayeen dad
reer Somaliland ah , markii la xidhay xadkii Somalia iyo Jabbuuti, sababta
qudha ee xoolahaa loo xalaalaystayna ay ahayd reer hebel baa leh oo kelya.
Arinta qudha ee ay dawlladda Jabbuuti isgu taxa lujisay
in ay soo dhoobdhoobto dawllad ku sheegii lagu soo dhisay tuuladii Carta, ee ay
hormoodka ahaayeen hadhaagii Siyaad Barre, may ahayn wanaag ay u qabtay ummadda
Somaliyeed, ee waxa qudha ee ay dhabtu ahayd ka hortga sheegashada ama soo
qaadida gafkii ay ka gashay qaybo ka mida bulshada Somaliland. Dhacdadan oo ay
ummadda koonfur Somaliya waxba habayaraatee ka ogayn.
Arinta labaad ee ay dawlladda Jabbuuti u dhoobdhoobtay
koxdii Carta ayaa ahayd in dakadda Barbara oo fara kulul haysa dhaqaalaha
dakadda Jabbuuti mar labaad loo gaca galiyo hadhaagii Siyaad, oo markuu Siyaad
joogay ku qasbay ummadda Somaliland in ay wax kala soo dagaan dakadda Jabbuuti,
taas oo ay u darsatay dawlladda Jabbuuti immika.
Waxa ka dhacay dalka Jabbuuti in nin macalin ah oo
dhashay Jabbuuti , kana soo jeeday beel ahaan Somaliland , in uu Yasiin Yaabe
oo markaa boliska Jabbuuti haystay uu gacantiisa ku dilay kadib markii ay
gabadh yar uu dhalay ka soo cabatay macalinkii. Yaasiin Yaabe sababta qudha ee
uu macalinkaas u dilay waxa ay ahayd adiga oo reer hebela sidee buu nin reer
hebl ihi kuu la hadlaa. Ala ha u naxariistee macalinkii habayaraatee wax rali
galin ah ama mag oo qoyskiisii la siiyay ma jirto, Yassiina waxa ay dawladdu ka
qabatay ama dacwad la gu oogay majirin.
Yassiin Yaabe waxa ya aad isgu dhawayeen Cumar Geele ,
yaraantiina meel bay ku wada koreen. Yaasiin markii dambe waxa uu noqday
mucaarid , waxana uu hormood u ahaa Boliskii dhawaan isku dayay in ay
afgabiyaan taliska Cumar Geele, waxana uu sanadkii na dhaafay ku geeriyooday
dhakhtar ku yaal Jabbuuti.
Waxa iswaydiin muddan goorma ayaa dadkaa reer
Somaliland ee aan waxba galabsan hantidoodii lagula xisaabtamayaa Taliska Cumar
Geele?
Iyada oo ummadda reer Jabbuuti ay ogtahay in koox yar
oo ku shaqaysata magac qabiil u taliso Maandeeq , iyo dhawr sawir oo
habayaratee wax awooda lahayn oo marba dhan loo jeediyo oo la yidhi waxa aad
matashaan beel heblaayo, ayaa taliska Jabuuti si dadka aan ogayn isgu
ekaysiiyaa dawlad ay reer Jabbuuti u dhan yihiin.
Waxa u caaddo ah budhcadda haysata Jabbuuti , marka ay
damcaan in ay kaala wareegaan hantidaada ha ahaato ganacsi ama guryoba in ay ku
yidhaahdaan cashuurtii ayaad bixin wayday intaas oo sanadood markaa dawlladda
ayaa kaala wareegaysa hantidaadii .
Waxa ay xaaska Cumar Geele la wareegtay hanti , dhul
iyo dhismo ganacsi oo uu lahaa wadani ganacsade ah oo reer Jabbuuti ah,
dhismahaas oo ahaa dukaan wayn oo la odhan jiray BRISNIIK, meeshiina waxa ka ay
dhisatay marwadu goob ay caruutu ku ciyaaraan iyo ganacsi la ugu iibiyo
waxayaabha qabaw sida ayskiriimka.
Maanta ummadda reer Jabbuuti ma haystaan xornimada
saxaafadda iyo xorayatul qawlka ay hastaan dadka ku nool Muqdisho inkasta oo
aan sharci iyo dawladi ka jirin. Xurnimada ay reer Somaliland haystaan ma
yaqaanaan dadka reer Jabbuuti sababtoo ah waligood may arag. Markii ay maandeeq
u curatayna halaq, abees iyi good ayay afka ooga gashay.Tabtii ay ummadda
Somaliyeed ku jirtay markii uu Afweyne haystay ay ku suganyiihn reer
Jabbuti.Dadku way ka baqaan in soo qaadaan magaca Cumar Geele oo caruurta yar
ayaaba ka baqda. dukaan kasta sawirka Cumar Geele ayaa ka sudhan, haddii aan
sawirkiisu kuugu ool dugaanka waxa tahay Cumar diid, waxa ay gaadhay in ay
dadku ka baqaan sawirka magiisaba daayoo.
Waxa kala oo iswaydiin muddan inka oo og waxa ay ku
sugayihiin walaaheen reer Jabuuti maxay ka waddaa dawlladda Jabuuti marka ay ka
hadalayso danta ummadda Somaliyeed, gaarahaan shir ku sheegga dib u
heshiisiinta Somalida ee ka socda Keenya? Mase ka warqabaan reer Somaliya waxa
ay sugantahay meendeeqdii Jabuuti?
mahamud
samatar | samatarapt@yahoo.com
QORAALADII HORE EE
MAXAMUD SAMATAR...