SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - SWEDEN
KAAH

Kooxda Ingiriiska oo guul darro la hoyatay iyo Denmark oo markale loo awood sheegtay.

Ikraam Cali-kaar
Gothenburg, Sweden
ikraam@journalist.com 

Iyadoo ay weli si habsami ah uga socdaan magaalada Gothenburg tartanka ciyaaraha kubada cagta soomaalida Yurub iyo North America, ayaa maalintii axada waxaa ciyaar aad u xiiso badan dhexmartay kooxaha Norway iyo Al-Hijra (Ingiriiska) oo soo bandhigay ciyaar aad loogu boggay, hadana kooxda Norway ayaa sadex gool ku hubsatay shabaqa kooxda Al-Hijra oo iyadu taageerayaasheeda filayeen iney wacdarro muujin doonto, hase ahaatee kooxda Norway ayaan iyadu wax fursad ah siinin, halkaasina ay guusha ku raacday kooxdii Norway.

Dhinaca kalena waxaa markale goolal aad u tirro badan dhabarka loo saaray kooxdii ku ciyaareysay magaca dalka Denmark, kadib markii ay ciyaar iskaga horyimaadeen kooxdii ku ciyaarisay magaca Stockholm Sweden, oo iyadu 11 gool faraqa ugu shubtay halka ay kooxda Denmark ka dhalisay 2 gool oo qurra.

Inkastoo guud ahaan cimilada magaalada ay aad u liidatay roob badan oo da'ayey awgeed hadana ciyaartii dhexmartay afartaasi kooxood waxey kala tageen garoonka guul iyo guul darro.

Lasoco warbixinta: cayaartii kooxaha Gothenburg, Sweden iyo Holand, ciyaartaasi oo lafilayey in ay noqon doonto mid raali gelisa daawadayaasha tirada badan ee u soo daawasho tagga maalin walba ciyaarahan sida habsamida leh uga socda magaalada Gothenburg, ee dalkan Sweden.

Ikraam Cali-kaar
Gothenburg, Sweden
ikraam@journalist.com 

KOORSO "C PROGRAMMING" AH
waa koorso lacag la'aan ah oo aad ku baranaeysid sidii aad adigu u samayn lahayd barnaamijyo aad aliftey..... www.somalitalk.com/program

 



Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

 

Faafin: SomaliTalk.com | July 29, 2003

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD