SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Shirka Mbaghati Kuma Sifoobin Karin Wacan

Wq. Abdallah Moallim Mahamud 

Moallem10@hotmail.com 

July 30, 2003 

 

KAAH

Muusa Suudina waa soo xaadiray ,Cabduqaasim oo weli gorgortan ku jirana waa kaga horeeyay, Hiraalana waa la filayaa, kuma kala maqno Qabqable iyo hogaan doon mid dhiig badan daadshay iyo mid doodiisa tahay aniga difaac ayaan ku jiraa ee dilka ma'aqaan inta laga helayo dowlad caadil ah oo loo dhan yahay, odayaashi dhaqankana waa kuwaa ku sii qulqulayo gogasha Soomaliweyn u taal dalka kenya ,xerada Mbaghati ama doofareey sida ay u yaqaaniin Soomali badan, maareynteedana uu gacanta ku haayo egrgay gaar ah oo ay u soo magacawday dowladda Kenya oo iyada martigelisay ka soo qeybgalayaasha gogashaas loogu magac daray "shirka dibuheshiisiinta Soomaaliyeed ee Mbaghati ", maareyntaasna kama marno gacan gurracan oo gadaal kaga tidcan gacanta Kiplat mareeyaha gogasha amaba dowladda Kenya naf ahaanteeda.

Waxaa hubaal ah in uu shirkan mar kale haleelay waddo lagu tilmaami karo in uu ka duwan yahay shirarki dib uheshiineed ee Soomaaliweyn loogu qabtay dalka Soomaaliyeed debadiisa geddigoodna ku dhamaaday isma naqaan iyo fashil, marka laga fiirsho dhinaca ka soo qeybgalayaasha Waxaa shirkan ku dhan dhamaan hogaamiyayaasha lagu tiriyo in ay iyaga gacan weyn ku leeyihiin dhibaatada dalka Soomaaliyeed ka jirto , hogaamiyayaasha dhqanka , aqoonyahanno isxilqaamay iyo kuwa danaystayaal ah ee gudaha dalka iyo debadiisa ka yimid iyo wax loogu yeero bulshada madaniga ah(NGO) oo iyaga uunan damacooda ka marnayn gacan ku lahaashada dowladi halkaa ka curato waa hadii taa la helaba, waxaa shirkan intaas u dheer in ay iyagana ka soo qaybgelidiisa qeyb ka yihiin dowladdaha deriska la ah Soomaaliya oo ay saameyn toos ah ku yeelan karto nabad la'aanta dalkeena ka jirto iyo haddii nabad ka dilaacdaba dalkeena waa Kenya,Itobiya iyo Jabuti iyada oo ay dowladda Itoobiya iyo Kenya gaar u tahay cadowtooyo soo jireen ah oo kala dhexeyso dadka iyo dalka Somaaliya kuna saabsan in uu dhinacooda naga jiro dhul iyo dad Soomaaliyeed taasoo iyagana aynan ogalayn soo hadal qaadideeda iyo dowladdaha daneynayo in ay Soomali heshiiso halkaana ku soo dhistaan dowlad nabad ku soo dabaasho dalka Soomaaliya, waxaasa su'aal in la iska weydiiya mudan shirkan ma u muuqdaa in uu yahay mid ay ka soo baxayaan mira lagu nasto, dadka iyo dalkana ka helaan dowlad caadil ah oo loo dhanyahay ,kuwi horana kaga duwanaato ka soo qaybgalayaasho oo daneeyo danta guud ka hor waxay ugu yeeraan danahooda hoose, waxaa iyadana su'aal isweydiin mudan ah ragga iyo dumarka isu soo sharaxay qabashada jagada ugu sareyso ee dalkeena ma ku jiraa hogaamiya la dhihi karo alley lehe waa kaa, waana fulaan.

Ka hor kor u qaadida qalinka aan kaga jawaabeyno su'aaladaha kor ku xusan waxaan isla qaadaa dhigaynaa sifaha uu leeyahay dheraga saaran dabka ku jiro jigada taal xerada Mbaghati iyo cuntada gudahiisa ku karsamayso oo dhinacyada isku haayo maareynta arrimaha Soomalida mid walbo dhararayo ka dhur sugida bislaashada cuntadaas iyo isaga in uu dhinac walbo noqdo kii ku gacan roonaado maareynta karintiisa,qeybintiisa oo ay udheer tahay damac kaga jiro helitaanka qeyb libaax, haddaba Soomaaliweyn ceeb kuma aha in ay wax wadaagaan gogolna kuwada cunteeyaan dhaqanka siduu ahaa iyo somaalida waxay arrintaa ka tiri "qeybshaa ama waa qadaa ama quutaa" waxaasa ceeb iyo lama arag ah kan dhab u leh qeybinta cuntadaas dheraga ku jirto , bislaashadeedana laga sugayo, martidana loo yahay in uu yahay koreeye(ajnabi) oo ay taa soo wehliso iyada oo aan la ogayn ,lagana wada hadlin halki lagu cuni lahaa cuntadaa , kii lahaa qeybinta iyo kan doonayo in ay qeyb libaax ka soo gaarto gogashaas in uunan midnaba ogayn warna u hayn maxaa lagu karinayaa dheraga gudhiisa .waxaa taa ka daran ergada Soomaalida in mid u sheego kariyaha jigada iska leh in ay cusbada ku yartahay cuntada ,mid kalana u sheego in loo baahan yahay in la badiyo cuntada maadaamo ay isaga u muuqato cuntada dheraga ku jirto in ayanan ku filnayn dadki loogu talagalay,mid kalana wuxuu ugu tagayaa kariyaha in uu tuso in cuntada dheraga ku jirto ay faraha ka badatay loona baahan yahay in mar kale la saaro dheray hor leh oo cuntada lagu karinayo uu isaga xadiday, midna wuxuu leeyahay kariye naga dhex bax oo annaga noo daa ka tashiga cuntada nooca la karinayo iyo cida iska leh qeybinteeda ,waa la yaab iyo amagaag dheregan haddii aad u fiirsato qaabka loo karinayo waxaa kuu soo baxayso murti Soomaaliyeed oo dhaheyso "dheregi fara badiyo waa fuud xaraareeyaa".

Fiira gaar ah
Shirka Somaaliweyn uga socdo dalka Kenya inti lagu jiray qabanqaabadiisa in uu qabsooma ayaan ka saadaal bixiyay sida uu ku dhamaanayo haddii uu qabsoomo,waxaana maqaalkaas ugu magac daray "Shirka Neyroobi Ma naruuraa Misa Waa Nabar Hor leh Bal aqriye in yar dib ugu noqo taariikh aan fogeyn10\03\2002 .

Aan dib ugu noqono ka jawaabida su'aaladaha aan kor ku soo xusnay, taabashada xaqiiqada waa lama huraan Soomalida waxay tiraa "run sheeg waa ceeb sheeg "laakin xaqiiqada taa ma ahan ee waa"run sheeg waa wanaag sheeg".Shirka Mbagaathi uga socdo Somaaliweyn kuma taagna wado la dhihi karo waa mid lagu heshiisiinayo hogaamiyayaasha, qabaa'ilka iyo degaanada Soomaaliyeed ee colaada ku dhexmartay maamulida deeganada ay ka soo jeedaan iyo maareynta halbowlaha maamul dhexe ee dalka yeesho, Shirka Mbagathi wuxuu shirarki hore kaga duwan yahay oo kaliya ka soo qeybgalayaasha shirka oo ka tira badan inti hore u imaan jirtay shirarki hore ee fashilka ku dhamaaday iyo hogaamiya aan horay ugu soo qeyb gelin shirarki hore oo ka mid ah hogaamiyayaasha ka soo qeyb galay shirkan oo markan la soo taagan hadal wax ku ool ah, abuuri karana in ay soomaali arrin uun ku heshiiyaan haddii loo dhega dhuglaado warkiisa walow aanan filayn taa in ay dhaceyso waayo inta badan kasoo qeybgalayaasha shirka nin walbo wuxuu jeebka ku sitaa riyo uunan iska weydiin maanta Soomaaliweyn ma ka dhex socon kartaa, hogaamiyahaas wuxuu leeyahay gogasha la joogo aan ku heshiino ,wada hadalna aan ku gaarno xal u helida dhibaatada ay Soomaaliweyn kala tirsaneyso, ka bacdina annaga aan ka shaqeyno wejiga ay yeelanayso dowlad mustaqbalka dhow iyo dheerba hogaamiso dalka Somaaliya iyo yaa mudan daadihinta hogaanga sare ee dalkeena, waxaa kale oo uu leeyahay dowladaha deriska la ah Soomaliya iyo dowladaha daneynayo arrimaha Soomaliya ha ku ekaadeen kor joogto iyo in ay naga kaalmeeyaan taaba gelinta heeshiiski aan isla wada meel dhigno.shirkan haddii uu ku sii socdo qaabki uu ku jiray tan iyo intuu bilowday sagaal bil ka hor oo ahayd heshiis ayaa arrin fulaan laga gaaray iyo lagama gaarin, muran aan dhamaan, is eedeyn,isdaba marin ,heshiisyo la saxiixo oo aynan jirin meel looga wada hadlay ,fulaan iyo koox hebel waxay doonayaan in uu shirka fashilmo laguna kala tago,aniga ha lay doorto oo ragga leh tiro iyo afartan kor u dhaafeen, hebel ayaa baxay, hebel ayaa yimid ,dowlad fulaan faragalinta ha joojiso IWM oo aan lagu soo koobi karin halkan .

Shirkan uma muuqdo mid ay ka soo baxayso dowlad loo dhan yahay oo dalka oo idil ku soo dabaasho nabad lagu nasto iyo kala danbeyn waayo marki aad Hoos iyo dushaba ka fiiriso qaabka uu shirkan ilaa hadda u socdo waxaa kuu soo baxayso in uu ku socdo waddadi ay mareen kuwi ka horeeyay oo fashilkooda uu ka danbeeyay maareyn xumo salka ku hayso dana gaar ah oo ka timid soo qabanqaabiyaasha shirrarki hore iyo midkanba.

Midda kale ragga iyo dumarka isu soo sharaxay qabashada jagada u sareyso ee dalkeena ilaa iyo hadda kuma jiro mid u qalmo jagadaas ilayn gogasha ay doonayaan in lagu soo doorto midkood kuma laho gacan muuqato oo ka shqeyneyso isu soo dhoweynta ka soo qeybgalayaasha shirka iyo sidi xal loogu heli lahaa dhibaatada kala gaartay ummadda Soomaaliyeed,waxaa taa ka daran ragga lagu tilmaamo in ay ugu firfircoon yihiin musharaxiinta in doodooda qabashada jagadaas ay asaas u tahay aniga waxaan ku fiicanahay dowlad fulaan,Madaxweyne fulaan ayaan la sawiranahay , tuugsiga waa kaga wacanahay ragga kale iwm, halheyskoodu kuma jiro aan shaqeynsano iyo soo bandhigida barnaamij cad oo fududeeyo taabagelinta in ay Soomaaliweyn heshiiso iyo sidi dhulkooda ugu filnaanlahaa iyaga oo aan u baahan dawarsi iyo iska gedida dalal kale . raggan barnaamijkooda runta ah waa aniga ayey adduunweynaha I wataan ee ma ahan Soomaaliyeey aan heshiino .

guusha shirkan waxay ku jirtaa aan wada hadalno oo ah aan heshiino haddii taa la waayana shirkan dhamaadkiisa waa guul darro hor leh oo Soomaaliweyn la soo gudboonaato, taana macnaheeda waa heshiis kama sukeeyo shir kale oo aan annaga qabashadiisa ku abaabulno dalkeena gudihiisa kana soo shaqeyno ajandoonyinkiisa iyo gobalka nasiib u helo dhigida goshasaas ilaaheey idinkiis. 28/07/2003
Aan Heshiino Waa Aan Wada Hadalno
Nin Kale Ha Ii Hadlana Waa Aan Dagaalno

Abdallah Moallim Mahamud

Moallem10@hotmail.com

QORAALADII HORE EE ABDALLAH MOALLIM


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

Afeef: Aragtida Qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | July 30, 2003

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]