|
Jawaabtii Ali yusuf iyo shirkii
jaaliyadaha soomaalida Ogadenya. Qore.
Maxamed Cabdi |
gammaan@hotmail.com
Marka hore waxaan salaan diiran usoo
gudbinayaa maamulka sharafta leh ee Somalitalk, waxaana ugu hambalyeynayaa sida
geesinimada leh ee ay u gudanayaan mihnadooda saxaafadeed.
Hadii aan usoo laabto nuxurka mowduucan oo ah
mid aan ugu jawaabayo maqaal uu qoray ninka lagu magacaabo
Ali Yusuf,
oon u arko inuu si xaqiiqada ka fog uga hadlay Jaaliyadaha soomaalida Ogadenya
iyo shirarka ay sanad walba ku qabtaan wadamada dibada.
Ugu horayntii waxaan leeyahay Caliyow xiligan
aan joogno waa laga gudbay Jaaliyadihii ujeeda badan. Waxaan ka wadaa
jaaliyadihii hore eed ka sheekaysay waxay u badnaayeen kuwo aan lahayn hadaf
iyo ujeedo cad, ama wax qabad ku salaysan sidii shacabkeenu Gumaysiga uga bixi
lahaa.
| 1894 ayaa heshiiska
loo yaqaab "Tripartite Accord" waxaa wada garey
Ingiriiska [Great Britain], Talyaaniga [Italy], iyo Itoobiya [Ethiopia],
kaas oo kusaabsanaa dhulka Soomaaliya. Talyaaniga waxaa lasiiyey dhulka
soo eegaya badweynta Hindiya oo waagii dambe loo bixiyey Italian
Somaliland. Heshiiskaasu wuxuu aqoonsaday in Mililikh [Menelik] uu
qaato dhulka galbeed ee Soomaaliya ee loo yaqaan Ogaden.
GUJI...
|
Waxaad sheegtay in jaaliyadihii hore laga heli
jirey dad fikrada kala duwan aaminsan, fikradahaas sida hadalkaaga ka
dhadhamaysa waxaa weeye matalan. Qaar waxay rabaan inay gumaysiga Itoobiya la
dagaalamaan isla markaana halganka socda taageeraan. Qaarna waxay rabaan in
Itoobiya wax lala qabsado oo horumar iyo wax la mid ah ayay ka hadlayaan. Kuwo
kalena waxay aaminsanyihiin inaan Ogadenyaba laga hadlin ee soomaaliya iyo
dagaalka sokeeye ee ka jira lagu mashquulo.
Hadaba adaan ku waydiiyaye siday sadexdaa
fikradood hal jaaliyad uga wada shaqayn kartaa?
Markaa isbadelka dhacay ee adiga iyo inata
kula midka ah u cuntami la waxaa weeye, dadkii waxay fahmeen inayna jaaliyadaha
noocaas ah ee nin waliba wadaanta dhinaciisa kaga ridanayo wax wanaag ah ama
horumar ah kasoo soconin, sidaa darteed in lakala miirmo oo nin waliba fikrada
uu aaminsan yahay daacad u noqdo.
Markaa adiga Cali ahaan hadaad aaminsan tahay
in Ogadenya mashaariic iyo horumarin laga sameyn karo taas macnaheedu waxaa
weeye gumaysi ma jiro, sababtoo ah waxaa xaqiiqa ah in meel gumaysi ka jiro aan
horumar laga gaadhi karin, gaar ahaan gumaysiga Itoobiya.
Waxaan aaminsanahay in isbedelka jaaliyadaha
soomaalida Ogadenya sameeyeen dhowrkii sano ee ugu dambeeyay inuu yahay wax aad
loogu farxo cadowguna ka naxo, waxayna ku talaabsadeen xowli iyo wax qabad dhab
ah, gaar ahaan dhinaca taageerada halganka gobanimadoon ee shacbkeenu ku jiro
iyo muujinta dhibaatada gumaysigu ku hayo.
Shirweynaha sanad walba jaaliyadaha Ogadenya
qabtaan wuu ka qiima sareeyaa sidaad ku tilmaantay, waxaana filayaa hadaad
kasoo qayb gasho inuu wax badan aragtidaada iska bedeli lahaa. Wuuna u furan
yahay cid kasta oo ka madax banaan gumaysiga Itoobiya ama aan dabadhilif u
ahayn. Ugu dambayntii Caliyow hadaad aaminsantahay in horumar wadanka Ogadenya
laga hirgelin karo iyadoo gumaysigu haysto waxaad dhegaysataa warbixintii iyo
qudbadii Maxamuud Ugaas godoomiyihii Hay,ada samafalka ee OWS uu ka jeediyay
shirkii Stokholm ee u dambeeyay. iyo qudbadii Hay,ada xuquuqul insaanka
Ogadenya OHRC.
Markaa ka dib isbarbar dhig waxaad ka hadashay
iyo xaqiiqda jirta.
Qore. Maxamed Cabdi
gammaan@hotmail.com
Heshiiskii Tripartite
Accord"
Ka
akhri halkan...
Afeef: Aragtida qoraalka waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | July 5, 2003
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|