SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - USA
Nidaam Federaala Ma Aha Danta Soomaaliyeed

Dr. Saciid Ciise | Saciidciise258@aol.com

KAAH

 

Dal saboola dadkiisuna aqoontu ku yar tahay maxey nidaam federaala ku wadaagin. Waxey iigu muuqataa qabyaaladii oo qaab federaala loo dalacsiiyey. Waxaan u arkaa qaab dalkii Soomaaliyeed lagu qeybinayo si uusan u yeelan nidaam Soomaalida ay hal awood oo keliya tala ku goostaan. Waxaa ii muuqata soo minguurinta xeerarkii Ethiopia iyo damaceeda dulaalnimo oo ay ku xeer wareejineyso dalweynaha Soomaaliyeed. Waxaan iga qarsooneyn soo ifbixida dalal yar yar oo ay hogaaminayaan dadkii u liitey degaanadaas.

Dalka Soomaaliyeed diinta qeybisay waa qabyaalada. Waana iyada mida maanta looga maarmi waayey in dalka loo qeybiyo dowlado qabiil. Wixii Soomaalinimo lagu waayey uma maleynayo in lagu helayo nidaam qabiiil si kasta oo loo qurxiyo iyo magac kasta oo loo bixiyo. Dad isku dhaqana oo isku afa muxuu ku soo kordhinayaa qaabka federaalku. Dad aan shaqo isku lahayn sida dalka Amerika oo ka soo kala jeeda wadamada qaarada Yurub oo dhan waa gar iney dalal yar isku qeybiyaan, awoodooda dhaqaala oo xoogan awgeedna ay u suurto geliso iney isku celiso midnimadooda. Dalkii Soomaaliyeed oo laga hor wareejiyey xayndaabkii isku celinayey oo ay cadowgeeda si wadajira isaga celineysey, maxaa isku celi doona shan iyo toban dalyare oo mid walba qumaneheedu qoorta u suran yahay. Ma dalkiiba aad u weyn oo u baahday ismaamul dowladeedyo badan mise dadkiiba hodon noqday oo doonaya khaliijyo madaxbanaan oo u gaara. Dalka Soomaalida weligiis wuxuu ku noolaa macaawinada dalalka shisheeyaha laga helo. Madaxda dalkuna xoolaha dadweynaha saboolkaa dibeda deeq ahaan loogu soo dhiibo ayey rasamaal maguurtaa ka abuurtaan haddii ay noqon lahayd Guryo, shirkado ganacsi, beero ama lacag adag oo dibeda lagu maalgashado. Ujeedada federaalka waxaan u qaatay hal af oo weyn waa nagu yar yahay ee aan hirgashano nidaamka noo ogol 15 af waaweyn inaan wax ku doonano.

Gobolka Waqooyi iyo kan Bari maxey tahay dhaqaalaha ay gooni isugu taagi karaan iyo cadowga ay gooni isaga celin karaan hadddii aysan shisheeye u rukuceyn. Hilibka ay cunaan waxaa laga keena gobolada dhexe iyo kuwa galbeed. Sidoo kale khudaarta iyo mirahana waxey uga yimadaan gobolada koofureed ama galbeedka. Siyaasadoodu miyeysan u muuqan qabiilkeyga ciddii aan ahayn xaq kuma leh degaanka. Hadda ka hor labada gobol waxey goboladooda ka cirdeysteen dad Soomaaliyeed oo degaanka guur geyey ama ganacsi geeyey ama ka shaqeysanyey, iyaga oo ku tilmaamaya dad qalaad oon degaanka u dhalan. Haddii ujeedada ay tahay danta qabiilkeyga, oo sideedaba maxey la wadaagi dadka intiisa kale. Danta qabiilkeygu waa ii gooni taadana aan kula wadaago meel ay ka soconeyso anigu ma garan karo. Waxaan cadeyn waxa Soomaali aysan horay u wadaagin ee hadda la wadaagayo.

Dalka Soomaaliyeed waxaa qarnigan ka salguurey taladii odayaasha dhaqanka oo aan aqoon durugsan u lahyn dhaqamada cusub oo ay soo kordhiyeen nidaamka dowladnimada. Inkasto ay weli ku dhegen yihiin kursigii ay dhaxaltooyada ugu heleen dhaqanka miyiga haddana kama maqna in hanaanka la casriyeeyo si ay mudnaanta markasta u yeeshaan. Waana taas mida keentay nidaamka cusub ee federaalka iyo odayaal caado qaatayaala in la yiraahdo siyaasiyiintii dalka ha soo xulaan. Odeygaas aan aqoonta lahayn waa maxay qaabka uu ku xulayo dadka ka aqoonta badan. Cidda leh wax ha lagu doorto qaabkaas waa dad meheradoodu tahay iney Soomaalida ku xukumaan qaab laaluusha iyo qeyameyn dhaqaale.

Dadkii isku abaabuley jabhadaha hubeysan oo ay uga dhegen tahay fikrada ku xirantay maskaxdooda oo ah adigu tali haddii la waayana degaankaaga gooso ayaa xoog wax ku muquuninteedu waxey keentay in loo arko dalaaliin uu shisheeye wato oo iyaga danahooda ka wakiila. Wakiil kasta oo dan shisheeye ilaalinayana wuxuu hor kacayaa koox uu isagu liiskiisa sameystay, waana taas mida loo leeyahay dagaal-ogayaashu ha soo xulaan mudanyaasha baarlamaanka. Wadamada danaha gaarkaa ka leh Soomaaliya cid walba mudanaha ay dooneyso ayey garab taagan tahay waana qasab iney soo geliso Baarlamaanka xeelad kasta oo ay u martaba, taas ayeyna ku saleysan tahay siyaasada beesha caalamka. Ciddii aaminsan iney Soomaalidu dooraneyso wakiilada iyaga metelaya fikradooda dib ha ugu noqdaan.

Cadowga Ethiopia oo xeerka federaalka isagu soo minguuriyey ujeedada uu ka leeyahay waa mid uu ku qeybinayo awooda Soomaaliyeed si aan loo helin cudud xoogan oo israacsan. Haddii ay iskhilafaan danta guud ee Soomaalida iyo tan Ethiopia, waxaan shaki lahyn dadkii ay ka soo buuxsatey baarlamaanka ama kuwa ay la dhistay gooni u goosadka iney u hiilinayaan danaha Ethiopia. Sidaas waxaa ku muuqata in dalka Soomaaliyeed uusan iska celin karin cadow ay ku daaban yihiin hogaamiyeyaashiisa kooxaha. Waxaa kaloo dalka akhirka milkiyadiisa wareejinaya xeerarka cadowga uu soo minguuriyey si uu ula saanqaado nidaamka isaga uu horay u degsadey oo qiil loogu heli karo isku darsan gadaal dambe ka dhasha. 3 milyan oo Soomliya iyo 30 milyan oo Ethiopia isku darkoodu waa iney dalka yeelato cida u badan. Dad kaa aqoon badan oo kaa siyaasad badan oo kaa fara badan in dhaxalkaagu xagooda marin waa cadeyn aan u baahneyn in laga shakiyo.

Waxaa isticmaarkii kadib dalka loo dhiibey dad aqoontoodu kooban tahay oo ay ku siman tahay waxbarashada dugsiga hoose/dhexe. Waxaana isdhexyaacay xeerkii gumeysiga dejiyey iyo xeerkii dhaqanka qabyaalada. Markii dalku jirsedey 40 sanno oo dad badan oo Soomaaliya ay la wadaageen aduunweynaha intiisa kale aqoonta guud iyo mida gaarkaa in maanta loo noqdo odey koofi cad iyo wadaad cimaamad cad iyo gacan ku dhiigle hogaamiya dembilayaal dagaal waxey muujineysaa inaan ku socono wado gadaal iyo horeyba ka xiran. Hanaanka dalka Soomaaliyeed uu ku dhaqmi karo wuxuu ku xiran yahay inta dadkiisu aqoontiisu la egtahay, taasna in laga horboodo ma ahan. Waxa madaxbanaanideenii aan ugu hor mari weyney dadka kalese ay ugu hormareen waa dhaqanka Soomaalida oo soo hormarinaya qofba intuu qof kale ka liito, meesha dunida kale la soo hormariyo cidda aqoonteeda leh. Maxaa maanta kulmiyey dhismo dowlad iyo nidaamka federaalka? Umaleyn mayo nidaamka federaalka in laga leeyahay ujeedo wanaagsan, waxaana ka cabsi qabaa in nidaamkaas uu yahay qaab xeerarka Soomaalida loogu diyaarinayo oo keliya sidii mustaqbalka dalka Ethiopia qiil loogu siin lahaa in dalka Soomaaliyeed loogu daro. Haddii ay Soomaalidu u baahan tahay nidaamka federaalka waxaa haboon inaan lagu deg degin kan maanta la doonayo inta laga gaarayo siyaasiyiin si toosa loo soo doortay ama inta afti dadweyne laga qaadayo. Teeda kale ma cadda waxa maanta loogu deg degayo baarlamaan aan dadku soo dooran. Dalku wuxuu maanta u baahan yahay waa guddi ku meel gaara oo suga nabadgelyada dalka, dabadeedna qaban qaabiya doorasho baarlamaan iyo mid madaxweyne. Waxaa cad nidaamkasta oo aan ku imaan doorasho inuusan keeneyn kalsoonida dadka, sidaas ayeysan ku habooneyn in lagu degdego dhismo dowladeed oo leh golaheeda xeerdejinta. Haddii Soomaalidu ay ku heshiiyaan guddi, beesha caalamkuna ay ku gacansiiso dhaqaalaha ku baxaya ciidan Soomaaliyeed oo dadka hubka ka dhiga waxay taas suurogelineysaa in la galo doorasho bilow ah, halkaasna ay ka soo baxaan dowlad ka wakiila shacabkeeda. Wixii huba oo dadka laga aruuriyana wuxuu dib ugu noqonayaa ciidanka Soomaaliyeed oo hubka horay u lahaa.

In magaca Soomaalida lagu keeno ciidamo shisheeye oo dalka bada duli ka daran kan kooxaha, haddana lagu siiyo macaawinadii loogu tala galay dadka Soomaalida, iyada oo aysan cid Soomaaliya ka faaideysaneyn waa talo uu wato cid shisheeye u adeegeysa. Waxaa intaas ka daran hubka dadka laga qaado wuxuu gacanta u gelayaa ciidanka shisheeye oo ama burburinaya ama dalkooda dib ugu qaadanaya.

 

Dr. Saciid Ciise

Saciidciise258@aol.com

 


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

Afeef: Aragtida qoraalkaan waxaa leh oo ay gaar u tahay qoraaga ku saxiixan,


 

-dhammaad-

Faafin: SomaliTalk.com | July 8, 2003 

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri

 


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]