SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - USA
GOLAHA WADATASHIGA SOOMAALIYEED

G/W/S/19/03 London, 30/06/2003

Ujeedo: Munaasabadda 1da LuulyoMadaxbanaanidii iyo Midnimadii Gobollada

waqooyi iyo koofur ee Jamhuuriyadda Soomaaliya

Mudanayaal, Marwooyin Walaalayaal

KAAH

Haddii sooyaalka taariikheed ee dadka soomaaliyeed dib loo raaco 1da bisha luulyo, maanta oo kale waa maalin ku weyn guud ahaan shacbiga Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, waa maalintii ay xoroobeen Gobollada koofureed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo midowgii labada Gobol ee waqooyi iyo koofur 1960kii, oo ay ummadda soomaaliyeed hanatay xorriyaddeedii.

Nasiib-darro sida aad la socotaan maanta waxay dadka Soomaaliyeed ku sugan yihiin qaska iyo jahawareerka siyaasadeed ee ka taagan dalka13 sano ka dib weli Dowlad la'aan, nabadgalyo la'aan, Dil, Dhac, Afduub joogta ah, Macluul, Gaajo, 43 sanadood kadib madaxbanaanideenii.

Hadaba si looga samatabixiyo dadkeena Soomaaliyeed qaska iyo jahawareerka bulsho iyo siyaasadeed ee ay ku jiraan ayay ila noqotay anigoo ka faa'iideysanaya munaasabadn qiimaha badan dareteed, kuna hadlaya magaca shacbi-weynaha soomaaliyeed meel kastoo oo ay joogaan, gaar ahaan kuwa aan hortooda taaganahay oo ay ka muuqato wadniyadda niyad wanaaga leh iyo qiirada wadaninimo, ama uu soo gaari doono koobi ka mid ah qoraalkan in aan u soo jeediyo hadal ku aadan dib u soo celinta sharafta iyo qarraninmada dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

1. Golaha Wadatashiga Soomaaliyeed wuxuu hambalyo u dirayaa guud ahaan shacbiga Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan munaasabadan qiimaha badan oo aynu joogno maanta.

2. Golaha Wadatshiga Soomaaliyeed wuxuu tacsi u dirayaa guud ahaan shacbiga Soomaaliyeed, gaar ahaan qoysaskii iyo ehelladii naf iyo maal ku waayay dagaallada ahliga ah ee weli ka soconaya gobollo iyo dagmooyin ka tirsan dhulka Soomaaliya.

3. sidoo kale waxaan idiin soo jeedineynaa meel kasta oo aad joogtaan in aad xustaan dadkii Soomaaliyeed ee sida xaq-darrada ahaa naftooda iyo maalkoodaba ugu waayay dagaallada sokeeye iyo geesiyaashii naftooda iyo maalkoodaba u huray jiritaanka qarannimada Soomaaliya.

4. In aad ka qeyb qaadataan u horseedidda dhisme nidaam loo dhan yahay si loo xaqiijiyo gaaridda nabadgalyo waarta oo ka dhacda gayiga Soomaaliya

5. In aad si wadajir ah uga shaqeysaan nabadda, deganaanshiyaha iyo xasillooni buuxda oo ka hirgasha dalka Soomaaliya.

6. In aad ku dadaashaan dhameynta colaadaha dhexdiina, kuna dhaqaaqaya tallaabooyin lagu xoojinayo wadjirka iyo midnimada Soomaaliyeed.

7. In aad iskaashi iyo wadashaqeyn joogta ah la yeelataan xoogagga OIC, IGAD, EU, UN-ka iyo dowladaha gacan ka geysanaya dib u heshiisiin ka dhacda Soomaaliya.

8. In aad gacan ka geysataan dhamaan howlaha lagu gargaarayo ummadda Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada Caafimaafka, tacliinta, Ilaalinta degaanka, Dib-u-dhiska iyo Dhaqan celinta.

Sidaas darteed wuxuu Golaha Wadatashiga Soomaaliyeed gaaray in uu diin soo gaarsiiyo in aanu waxba kala hari doonin sidii jidka loogu xaari lahaa looguna dhiiri galin lahaa dadka Soomaaliyeed hellidda nidaan soo celiya sharaftii iyo qaranninimadii wadankeenii "Hooyo", kuna midowno hanaan badbaadin kara Soomaaliya.

Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda ahna Wakiilka
Golaha Wadatshiga Soomaaliyeed u jooga dalka Talyaaniga
C/casiis Cali Ibraahim "Xildhiban"

xildhiban@hotmail.com

QORAAALDII HORE EE XILDHIBAAN


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

Faafin: SomaliTalk.com | July 2, 2003

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhex jooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD