SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - NAIROBI
Hoggaamiye Cumar Filish oo qaabilay qaar ka mid ah mas置uliyiinta Jaaliyadda Soomaaliyeed ee UK.

July 4, 2003

KAAH

Mas置uliyiin ka mid ah jaaliyadda soomaaliyeed ee UK oo beryahanba jooga Nairobi si ey u sii xoojiyaan shirka dib u heshiisiinta soomaalida ee ka socda magaalada Mbagathi ee Kenya iyagoo isla markaa si joogta ah u qaabiliyey mas置uliyiinta ku howlan shirka ayaa Maanta kulan aad u qiimo badan la yeeshay Mudane Cumar M. Mohamud (Filish) oo haatan ku sugan Nairobi.

Kulankan oo la iskula soo qaaday xaaladda murugeysan ee uu shirka soomaalida iyo waddankaba marayo ayey aqoonyahannadu u gudbiyeen hoggaamiyaha afkaartooda ku aadan shirka soomaalida iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay in hoggaamiyeyaasha iyo siyaasiyiintaba isku tanaasulaan eyna muujiyaan wadaninimo iyo xilkasnimo si ummadda soomaaliyeed ay xal waara u gaari laheyd.

WIIL UBAAHAN GARGAAR CAAFIMAAD

Wiilkan yar wuxuu ku dhasahay boosaaso Jan. 1995kii isagoo lafaha maduxu kala keceen taas oo ay sababtay biyo badan oo madaxa kaga jirey, wuxuuna u baahana yahay  gargaar degdeg ah.

Hogaamiye Cumar Filish warbixin dheer oo dhinacyo badan ka dib ayaa u caddeeyey mas置uliyiinta in uu daacad ka yahay in shirkan xal laga gaaro uuna diyaar u yahay dhankiisa tanaasulaad kasta oo xal Qaranimo lagu gaari karo. Mudane Cumar aad iyo aad buu ugu mahadceliyey aqoonyahanada uu la kulmay dadaalkooda waddaninimada ku dheehan oo ey si xilkasnimo iyo hagar la誕anba beryahan uga waddaan Nairobi, ujeedadooduna tahay sidii xal waara oo dhab ah loo gaari lahaa. Wuxuuna ka codsaday iney sii laba laabaan dadaalkooda eyna joogaan inta shirka uu socdo si ey ula hadlaan dhamaan mas置uliyiinta ku howlan shirka. Sidoo kale Cumar wuxuu u caddeeyey inuu isagu taageeri doono dadaalka Jaaliyadda soomaaliyeed ey wadaan.

Mas置uliyiinta soomaalida halkaas ka hadlay waxaa ka mid ahaa Mudane Eng. Abdirahman Omar Osman (Yarisow), Bashiir M. Jama (Bashiir Goobe), Mohamud A. Nur (Tarzan), Hussein (Damumaye), Ahmed Nur (Seyga ruushka), Mohamud (Daba yare) iyo qaar kale oo aan halkan magacyadooda ku soo koobi karin.

Warkan kala xiriiri: Abdirahman Omar Osman yarisow70@hotmail.com

Aqoonyahano Soomaaliyeed oo Lakulmay Safiirka Masar
Nairobi: Aqoon yahanadaas oo kayimid London, UK ayaa.... Guji...

Afeef: Aragtida qoraalka waxaa leh qoraaga ku saxiixan


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

Faafin: SomaliTalk.com | July 5, 2003

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somali ah oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhex jooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]