SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - INDIA
Walee Reerkaan Ogahay Ma Guuro!!!!

Mohamed Dubbe
Hyderabad, India

m_dubbe@yahoo.com
ama
m_dubbe@hotmail.com 

KAAH

Soomalidu waxay Ab iyo Isir u lahaan jirtay Xukun dhaqameed.

Xukun dhaqameed kasi oo ah Nidaam ay soomaalidu dajisatay si ay isku xukunto,iyadoo raacaysa dhaqankeeda, dad ahaana somalida waxa dhaqankeeda sal u ahaa reer guuraanimo, Haddaba intaanu inoo iman Gumaystuhu, iyo ka dib Xorriyaddii dalka , waxaa qiimo weyn lahaa nidaamkan xukun dhaqameedka ah. Inkasta, oo markii dawladnimada la hantay, iyo xilligii aynu gumaysiga ku hoos jirnayba, uu xukun dhaqameedku door weyn kulahaa maamulka isla markaana uu la shaqeyn jiray, Tan iyo maantana uu sii shaqeeyo, laakiin wakhtiga uu ugu xoogga weynaa, ugna tamarta badanaa waa waayadii hore ee ayna jirin maamullo kale oo la tartamaa ama barbar socdaa. Beel kasta oo soomaaliyeed waxay samaysan jirtay Nidaam ay isku xukunto iyo xeerar u gaara, Waad maqasheen ayaan filaya, suldaan, caaqil, boqor, ugaas, garaad, malaaq i.w.m. Madaxdan oo ah kuwii kala saari jiray haddii dadku is qabtaan,iyaga ayaana xeerka iyo sharciga ilaalin jiray isla mar ahaantaana awood u lahaa dajinta xeerar cusub haddii loo baahdo, waxay ahaayeen rag ilaalin jiray dadka naftooda, sharaftooda,karaamadooda, maalkooda iyo deegaanka ay beeshu leedahay.

Dadka xukun dhaqameedka madaxda ka noqonaya, had iyo goor waxaa lagu soo xuli jiray xigmad, aqoon iyo hibooyin dheeraad ah oo ay dadka dheer yihiin.

Haddaba akhristaw iyadoo soomalidu lahaan jirtay xukun dhaqameedka noocaas ah ayaa waxa Dibada looga soo waariday hanaan iyo xukun ku cusub dadka somaliyeed, xukun kii ku salaysnaa xoola raacatada iyo dhaqankeenii daaqsatada ayaa waxa inoo yimid nidaam shisheeye waxa maxsuul loo helay is faham waa ka dhex taagan , dhaqankeenii daaqsadata iyo nidaamkii dawladnimo, taasina waxay sabab u noqotay in ay hogaanka qabtaan dad aan u ehel ahayn, waxa meesha yimid doorashooyin aanay garanayn dadku sida loo codeeyo iyo sida wax loo doorto, waxa dadkii iskaga qasmay Hanaankii xukun dhaqameedka iyo kan dawladnimo, waxa ay sababtay in ay kala garan waayaan hogaamiyaha ku haboon wakhtigaa lagu jiro inuu umada hogaamiyo, iyadoo noqotay in ay kala garan waayaan masuuliyadii madaxwaynaha iyo suldaanka. Waxa maanta laga joogaa xornimadii umada soomaaliyeed 43 sano,Waxa nasiib daro ah in aan umada soomaaliyeed marna ayna helin xukun waafiya oo ku salaysan cadaalad iyo sinaan, balse xukunka soo maraaba wuxuu noqonayay mid salka ku haya xukun dhaqameedkii soo jireenka ahaa marka dhinaca hanaanka aad ka eegno.

Sidaynu in badani la socoto, Waxa dalka soo maray xukumado rayid ah ka hor regime kii siyad barre intaanu talada dalka la wareegin, xukumadahaasi rayid ka ahaa oo aan midna mid dhaamin waxay sabab u noqdeen in dalku galo aflibaax taladana la wareegaan Askar aan waxba dan ka lahayn, waxa talada maroorsaday nin aan Ehel u ahayn umada soomaaliyeed , waxa laakiin saaciday wax yaalo badan waxa aan halkan hadda ka timaamayaa dhawr wax yaalood una sahlay inuu sii nagaado:-

1. Xukumadihi rayid ka ahaa oo noqday qaar ma dhalays ah , isla markaana hungeeyay hamigii umada iyo in la helo horumar buuxa.

2. Dhaqankeeniii ku salaysnaa qabiilka oo aan meesha ka bixin, waxayna noqotay in dadka qaar qabiil ku taageeraan hogaamiyahan talada maroorsaday.

3. Iyadoo dadka qaar ay is leeyihin malaha wuu dhaami xukumadihii lagu hungoobay, iyo bal aan eegno Caqliga Siyaad barre.

Haddaba wixii doonaba ha u caawiyane xukunkii siyad barre waxa uu baday umada soomaliyeed, dhibaato ilaa maanta aan damin, waxa uu dadka kala dhex dhigay maamulkasi colaad ku salaysan xaga qabiilka,cadaalad daro iyo xumaan, waana ta sababtay in aan ilaa maanta shirarka soomaalida ee badana la qabto ay noqdaan qaar aan midho dhalin isla markaana sii abuura colaad hor leh. Waxa tiraba la qabtay dhawr iyo toban shir oo midna aanu dhalin wax lagu farxo, waxa ugu dhawaa shirkii uu soo abaabulay madaxwayne Geele, kaasina waxa ka qaloocday hanaankii iyo sidii uu ku wacnaa, waxaanu noqday mid la marin habaabiyay.

Hadda waxa gabagabo ku dhaw shirkii mbaghati ee dalka kenya, shirkani oo aan qabo in aanu waxba kaga duwanayn shirarkii isaga ka horeeyay.

sababta oo ah hogaamiyayasha kooxaha shirka iskugu tagay oo ah dadkii dhibaatada dhex dhigay umada soomaaliyeed umana maylanayo intay nimankaasi isa soo hor fadhiyaan ay wax ku heshiin karaan.

Akhristow bal sheekadan ila eeg , Beri hore ayaa reer meel yaala ay dacawo soo gashay gurigoodi, waxayna ka cuntay yeeshii. Yeeshu waa xadhiga ugu muhiimsan xadhka la isticmaalo, marka aqalka miyaga lagu rarayo awrka. Yeesha laŽaanteedna wax la rari karaa ma jiraan.

Haddaba Dacawadii reerkii kamay ag fogaanine, waxay u fadhiisatay duleedka. Markii reerkii isku soo wada laabtay habeenkii, ee ay xoolahoodina soo wada nabad xeraysteen, ayay ku tashadeen inay meeshan ka guuraan.

Dacawadii ayaa intay maqashay doodda reerka iyo taladooda, ayaa intay qososhay, tidhi "WALEE REER KAAN OGAHAY MA GUURO".

waxa aan uga socda hogaamiyayaasha ku shiraya Mbaghti waa nimanka ay ku maqan tahay yeeshii lagu guuri lahaa , sidii dacawadiina hoosta ayay ka wada qoslayaan waxana u fudud ,Haddii hogaamiya kooxeedka siduu doono ugu socon waayo shirku inuu ka baxo isla markaana uu soo fadhiisto magaaladisii uu ka talinayay isagoo ku Tiraabaya "Walee Reer kaan ogahay ma guuro".

Waxa iyaddu xusid mudan Jamhuuriyada Somaliland oo gaadhay heer wax ku oola ,waxayna suurto galisay in ay indhaha caalamka tusaan in ay somaliland ka mid ahayn somaliya , shirarka loo qabanayo somalidana lagu koobo somalia oo kaleya, fikir kan oo shirkii kan ka horeeyay ee carta lagu gacan saydhay isla markaana la isku dayay in la jujuubo meelna lagaga dhaco sharafta iyo karaamada dadka soomaliland,iyadoo dibada laga soo urursaday dad iyagu aan matalin cidna balse dhalasho ahaan ka soo jeeda somaliland.

Tani oo ku tusaysa in aan wali nabada soomaaliyeed sidii ugu haboonayd aan loo waajahin, waxayna ila tahay Ilaa La isla eego dhabaatadu halkay ka unkatay ,ka dibna xaqiiqada la is tuso,la turxaan saaro wixii la kala tirsanayo,la isku qiro wixii libin ah ee la is dheeryahay, laakiin inta C/qaasim iyo dadka la fikir ka ahi ay indhaha iska ridayaan waxa hubaal ah in aan xal loo helayn dhibaatada ka taagan somaliya.

Mohamed Dubbe
Hyderabad ,India.

m_dubbe@yahoo.com

QORAALKII HORE EE DUBBE:
Munaasibada 1 july ,Fikradaha ,Diridhaba iyo Ikraam GUJI......


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Faafin: SomaliTalk.com | July 12, 2003   

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Doodii gabdhaha Soomaalida Minnesota

 


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]