Walaal
Miyaad dooni inaad Allah aad u dhowaato?
Wuxuu yidhi SAWS " Addoonku wuxuu ugu dhow yahay Rabbigiisa markuu sujuudsan
yahay, ee hadaba badiya ducada" (Muslim)
Miyaad dooni inaad hesho ajarka Xajka?
Wuxuu yidhi SAWS " Cumrada (la gutay ) Ramadaan waxay u dhigantaa Xajj, ama
Xajj aniga la ila xajjiyay" Xadeeth la isku raacay
Miyaad dooni in Allah uu daar kaaga dhiso Jannada?
Wuxu yidhi SAWS " Qofkii Allah u dhisa Masjid, Allah wuxuu u dhisaa daar
jannada gudaheeda ah" Muslim
Miyaad dooni inaad gaadho raalli ahaashada Allah SWT?
Wuxuu yidhi SAWS " Allah wuu ka raalli noqdaa addoonka mahada naqa markuu cuno
cunnada , markuu cabo cabbitaankana mahad naqa" Muslim
Miyaad dooni in Allah uu ducadaaada aqbalo?
Wuxuu yidhi SAWS " Ducada lama soo celiyo inta u dhaxeysa aadaanka iyo iqaamada"
Miyaad dooni in laguu qoro ajarka u dhigma inaad soontay sanad dhan?
Wuxuu yiidhi SAWS "in la soomo seddex maalmood bil walba (waxay u dhigantaa)
sanad dhan soonkiisa" Waa la isku raacay
Miyaad dooni xasanaad sida buuraha u weyn?
|
WIIL UBAAHAN
GARGAAR CAAFIMAAD |
Wiilkan
yar wuxuu ku dhasahay boosaaso Jan. 1995kii isagoo lafaha maduxu kala keceen taas oo ay sababtay biyo badan oo madaxa kaga jirey,
wuxuuna u baahana yahay
gargaar degdeg ah. |
Wuxuu yidhi SAWS " Qofkii raaca janaazada inta lagaga tukanayo, wuxuu
leeyahay Qiiraad, qofkii raaca se inta laga aasayo wuxuu leeyahay labo qiiraad,
waxaa la warsaday (rasuulka SAWS), waa maxay labada qiiraad, wuxuu yidhi SAWS ,
waa sida labo buurood oo waaweyn" La isku raac
Miyaad dooni inaad ku weheshato rasulka SAWS jannada?
Wuxuu yidhi SAWS " Aniga iyo kan masruufa agoonta waxaannu nahay sidatan
jannada gudeheeda, asagoo tilmaamaya farta dhexe iyo farta wax lagu tilmaamo"
Bukhaari
Miyaad dooni inaad hesho ajarka mujaahidka Allah dartiis, ama kan sooman, ama
ka qiyaamuleylka u taagan?
Wuxuu yidhi SAWS " Qofka u raadiya (masruuf) haweenta ninkeeda geeriyooday, iyo
miskiinka , wuxuu la mid yahay qofka ku jira jihaad Allah dartiis" La isku raac
Miyaad dooni inuu Rasuulku kuu damaano qaado jannada?
Wuxuu yidhi SAWS " qofkii ii damaano qaada afkiisa iyo ibtiisa, waxaan u
damaano qaadi Jannada" (tarjumadda ,( beyna lixyeyhi wa rijleyhi), afsoomaliga
wey ku qallafsantahay, marka macanaha ayaan tarjumay) Waa xadiith la isku
raacay.
Miyaad dooni in camalkaaga wanaagsan uusan ku hadhin geeridaada?
Wuxuu yidhi SAWS " Hadduu aadamigu geeriyoodo, waxaa go'ah camalkiisa oo dhan
illa seddex mooyaanee 1. Sadaqad socota, (sida ceel uu qoday oo laga cabo
biyaha) ama cilmi laga faaiideysto, ama ubad wanaagsan oo u duceeya" Muslim
Miyaad dooni inaad hesho ajarka u dhigma inaad qiyaamuleyl u taagneyd
habeenkiyoo idil?
Wuxuu yidhi SAWS " Qofkii ku tukada cishaha Jamaacad, wuxuu u dhigmaa qof
habeenka intiisa badan u taagnaa qiyaam, qofkii ku tukada salaadda Subaxana
jamaacad wuxuu u dhigmaa inuu habeenkii yoo idil uu u taagnaa qiyaam" Muslim
Miyaad dooni in miisaankaaga qiyaamaha aad ku culeysiso xasanaat?
Wuxuu yidhi SAWS " laba erey, uu Raxmaanku jecel yahay, una fudud carrabka,
kuna culus miisaanka (qiyamaha) waa ( Subxaana Allah wa bixamdih,
subxaanallahul cadhiim) Al Bukhaari
Miyaad dooni in risqiga lagu balladhiyo, cumrigana laguu dheereeyo?
Wuxuu yidhi SAWS " Qofki ku farxi lahaa in arsaaqda loo ballaadhiyo, (cumrigana
loo dheereeyo, Tarjumad, YANSAA LAHU FII ATHARIH) ha xadhiidhiyo raximkiisa. Al
Bukhaari
Miyaad dooni in Allah uu jeclaado la kulankaaga?
Wuxuu yidhi SAWS "Qofkii jecleysta la kulanka Allah, Allahna wuu jecleystaa la
kulankiisa" Bukhaari
Miyaad dooni in dunuubtaada lagaa cafiyo, xataa haddey badan tahay?
Wuxuu yidhi SAWS " Qofkii yidhaahda maalinkii qudha Subxaanallah wa bixamdih
boqol jeer, waa laga tirtiraa dunuubtiisa xataa haddey u badan tahay sida
xumbada badda" La isku raac.
Miyaad dooni inuu Allah kuu naxarissto?
Wuxuu yidhi SAWS " Qofkii igu salliya mar qudha salaat, (salaaddu macneheedu
waa dalbasho naxariis iyo darajo), Allah qofkaas wuxuu ugu abaal gudaa inuu ku
salliyo qofkaas toban jeer" Muslim
Miyaad dooni inuu Allah meel sare ku gaadhsiiyo?
Wuxuu yidhi SAWS " Ma jiro qof isu dulli yeelay Allah Cazza wa jalla, uusan
Allah meel sare gaadhsiinin" Muslim
Faisal
bulhan |
Faisalbulhan@hotmail.com |
Minnesota USA