SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - BAAQ
Baaq Nabadeed oo ku wajahan Dagaalka Gobalka Mudug

Ku :Waxgaradka ,odayaasha,culumaaudiinka beelaha ku dagaalamaya meelo ka tirsan G.Mudug

Ku: Dadweynaha Soomaaliyeed ee Nabadda Jecel meel kastay Joogaan


Ujeeddo: Baaq Nabadeed

KAAH

 Annagoo ah aqoonyahanada,waxgaradka iyo odayaasha ku nool nawaaxiga Washington DC(Metro Washington) waxaanu ka codsanaynaa beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamay G.Mudug inay si degdega u joojiyaan Dhiigga macno darida udaadanaya,ee mudooyinkan dambe soo nonoqonaya,iyadoo dadka dagaalamaya ay qarni ka qarni ay ahaayeen walaalo isjecel oo nabad iyo xasiloonaan ku wadanoolaa.

waxaan leenahay MAYA xabbad oo caqliga saliimka ahi ha shaqeeyo,iyadoo waxii lakal tirsanayo oo khilaaf ah lagu xalinayo si dhaqanka iyo shareecada islaamka waafaqsan,ogaada walaalaha dagaalamayow in Dagaalkiinu yahay KAA DHIMAY KUGU DHIMAY oo dadka isleenaya ayyihiin wiil iyo abtigiis,seedi iyo soddog, maantana ay hooyooyin badani la ilmeenayaan geerida wiilkeed,dhanka kale walaalkeed.waa in si degdeg ah looga dhex saara ciidamada iyo tiknikada isku hor fadhiya maatada dhexdeeda isla markaana loo fariistaa geedkii Xeerbeegtida.

Ummadda soomaaliyeed ee kukala nool wadanka gudaha iyo dibada waxaanu ka codsanaynaa in si wadajir ah loogu guntado sidii loo bakhtiin lahaa dabkaan ka dhex holcanaya walaalahan diriraya,degdegna loo fidiyo gogol nabadeed si ayna mar dambe udhicin xabadan lagu riiqday.

Waxaan ilaah ka rajaynayaa in dhexdiina dhigo Nabad iyo caano iyo muwaafaqo taam ah

Dadka Baaqa soo saaray

1- Eng.Maxamuud Abdullaahi
2--Eng.Aden Nuur Xirsi
3- Eng.Abdullaahi Axmed
4-Dr.Maxamed Abdullaahi Haile
5- Dr.Gulled A.Maxamed
6- Dr.Hassan Maxamed Guuleed
7-Xasan dhuux Cali kulan
8-Siciid Maxamuud Ali kulan
9-Ahmed Abdullaahi Xayle
10-Abdullaahi Maxamed Jaamac
11-Ali Yuusuf Ibraahim
12- Muuse Axmed Muule
13-Dr.Siciid Xaaji Cali Faarax

WARKAN KALA XIRIIR: Aden Hirsi adendot@hotmail.com


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Faafin: SomaliTalk.com | July 12, 2003   

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Doodii gabdhaha Soomaalida Minnesota

 


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD