SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - INDIA
Djibouti Oo isku Diyaarinaysa In ay Noqoto Singapore-ta Qaaradda Afrika...

abdiazizWaxaa isku soo dubaridey:

abdiaziz ahmed mousa

abdiaziz2@hotmail.com 

June 8, 2002

KAAH

New-Delhi .8.5.2003 .waraysiyo talan taaliya oo wasiiradda Djibouti Aan kula Yeeshay Hindiya ayaan halkan Idiinku Soo koobi Doonaa.

Madaxweyne Ismail Omer Gelle oo Booqasho ku Yimid Carriga hindiya Bishii aynu Soo Dhaafnay Ee May [Eeg halkan] ayaa mar uu la Hadlaayey Ganacsatadda Reer Hindiya u Sheegay in ay Jibouti Albaabada U Furayso Xidhiidh-ka Ganacsi Ee ay la leedahay Dalalka Soo Koraya Ee koonfur Bari Eeshiya (Asia).

Warmartuyeed ay soo wada Saareen labada Dal ayaan ka Madhnayn Arrimaha Somaliya ..waxaana ay cadeeyeen labada Dal Sida ay u Taageersan Yihiin Midnimada Somaliya iyo Hashiisaydii Somalidu ku Gaadhay Carta Iyo Kan ka Soconaya Kenya.

Wasiir-ka Arrimaha Dibadd Ee Jamhuuriyadda Djibouti Mudane ali abdi farah ayaa isna Sheegay in Jibouti Dhaqaalaheegu Soo Wanaagsanaaday, Djibouti waxa ay heshay caawimo hal milion-gaadhaysa oo ay Siisay Hindiya halka 9 million oo Dollar Djibouti la Amaahiyay..taas oo looga Dan lahaa Sii Xoojinta Dhaqaalaha labada Dal.

wasiir-ku waxa uu xusay Sida uu yahay Xidhiidh-ka labada Dal ..ganacsatada Jibouti laba million iyo badh Dollar ayey sanadkii hore ka faa,iiday ganacsiga Hindiya la leedahay halka ay Ganacsatada hindiya ka faa,iiday Djibouti 16 million oo Dollar ...

Wasiir-ka Gadiid-ka iyo Qalabaynta Cilmi Obsiye Wacays Oo Aan Isna wax ka waydiiyay Xidhiidh-ka ay la leeyihiin Dunida ayaa Xusay sida ay xidhiidh fiican u leeyihiin dawladda maraykanka iyo dalalka kale Ee Reer galbeed-ka ..

wasiir-ku waxa uu xusay in JAMAL CALi oo ah Shirkad laga leeyahay Dubai ay Horumarin Aad u weyn ka Sameysay Port-ka ama Dakadda Jamhuuriyadda Djibouti .wasiirku waxa uu carabaabay Dakadd cusub oo 8 Km u jirta Port-ka ama furtaddii Hore ...waxana . Hadda uu Dhismihiisu bilaabmay Dakaddaa Cusub Taas oo culays-ka ka Dhimi Doonta port-kii ama Dakaddii hore ...Ayuu Yidhi Wasiir-ku .

wasiir-ka Gadiid-ka iyo qalabaynta Jamhuuriyadda Djibouti oo ka hadalayey xaalka Somaliya ayaa Qiray in Uu Aad uga xun yahay Dhibaatadda ka Taagan Somaliya taas oo uu u Rajeyay Shacbiga Somaliya Nabad qab.

Wasiir-ka waxbarashadda Obsiye ayaa isna Ii Sheegay mar Aan waraysi la yeeshay Hashiis-ka waxbarasho Ee ay gaadheen Hindiya.

waxanu ku Heshinay Dawaladda Hindiya in Araday ilaa 200 ah Naloo siiyo Scholarship kuwaas oo waxbarasho jaamacadeed iyo mid Dugsi sare ahba leh Taas oo ay naga Aqbaleen Madaxda waxbarasho ee Hindiya wasiirku waxa uu Sii Faahfaahiyay Nidaam-ka lagu Codsan karo Scholarship-kaa waxanu yidhi.

Aradayada Badh waxa laga Soo Diri Doonaa Dibouti oo Dawladda ayaa halkaa ka Soo Diraysa ..kuwa halkan Jooga ee Aan Awoodahayn in ay kharash-ka Jaamacadda iska Bixiyaan waxanu Go,aansanay in ay la Xidhiidhan Urur-ka Aradayda Ee Djibouti Ee

Hindiya ...Gaar ahaan Ninka Madaxda ka ah Oo uu Wasiir-ku ku Sheegay Cumar ...

waan la Kulmay Ardayda Reer Djibouti Urur-kooda wanan is Afgaranay ayuu yidhi waxanan Go,aansanay in ay Xidhiidh la Soo sameeyaan Safaradda Cusub Ee Djibouti ka Sameysan Doonto Dhawaan Newdelhi..

Abdiaziz Ahmed Mousa 
Hindiya
Abdiaziz2@hotmail.com
 

Faafin: SomaliTalk.com | June 8, 2003

Ogeysiis: Haddii wargeys kale (ama website kale) u baahdo in uu daabaco qoraalkan, waxaa shardi ah in la xuso xuquuqda SomaliTalk.com oo ah in qoraalka halkaas laga soo xigtey, waxaa kale oo shardi ah in qoraaga magaciisa iyo emailkiisa sida uu u qoray loo qoro, iyo weliba in aan qoraalka wax laga dhimin waxna lagu siyaadin ee loo qora sida uu qoraagu u qoray, haddii sidaas la yeelo markaas qoraalkan waa la faafin karaa, haddii kale waa xad-gudub xuquuqda qoraalka iyo saxaafada laga galay.

QORAALADII HORE EE CABDICASIIS 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

 

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD