SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - INDIA
Madaxweynaha Gelle Oo Hogaaminayey Wafti 70 Xubnood ka Kooban

abdiazizWaxaa isku soo dubaridey:

abdiaziz ahmed mousa

abdiaziz2@hotmail.com 

May 24, 2002


Bidix: Madaxweyne A.P.J.Abdul-kalam, Dhexda: Raysal wasaare Vajpayee, Midig: Madaxweyne Gelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti Ismail Omer Gelle Ayaa Shalay Ka Dhoofaya Garoonka Diyaaradaha Ee Magaaladda Bombay Ka dib Markii Uu Soo Dhameystay Booqasho Qaadatay Shan Cisho Madaxweynuhu Intii Uu Joogay Bombay waxa uu kula Kulmay Hotel Taj Oo uu Deganaa Raysal wasaaraha Gobolka ay Bombay Xukunto ee Maharshtra Mr Shinde iyo Madaxda Ganacsi Ee Magaaladaasi

Madaxweyne Gele Oo Aan La kulmay Subixii Hore Ee Shalay ,Waxa Aad Uga Muuqatay Daal Farabadan waxanu ii Sheegay in Uu Halkan u Yimid Sidii loo sii Xoojin lahaa Xidhiidh-ka u Dhaxeeya Labada Dal Madaxweyne Geele Waxa uu ka Maagay Waraysi Aan ka Codsaday In Aan La yeesho .

Laakiin Wasiirka Arrimaha Dibadda Cali Abdi Farah oo Dhinac Taagnaa Madaxweynaha ayaa yidhi Anigaa Diyaar u Ah waraysi Ku Saabsan Hawlaha Aanu Halkan U Nimi Ee Madaxweynuhu Waa Daalan Yahaye Mar kale ayaanu Kugu Casuunay in Aad Madaxweynaha Waraysi Kaga Qaado Jibouti Haddii Alle idmo.

Waraysigaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Ee Djibouti iyo waraysiyo Aan La yeeshay Wasiirka Gadiid-ka Iyo Qalabaynta Mudane Wacays iyo wasiirka Waxbarashada Obsiye iyo Waraysiyo Aan La yeeshay Tijaarta Caanka Ah ee Reer Djibouti Garyaqaan Mohamed Baxsane iyo Sawiro Farabadan Oo Aan halkaa Ka qaadayba waxan Idiinku Soo Gudbin Doonaa Cadadyadda Danbe.

Waftiga Madaxweynaha waxa ka Mid Ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Cali Abdi Farah, Wasiirka Gaadiid-ka iyo Qalabaynta Cilmi Obsiye Wacays, Wasiirka Waxbarashadda Cabdi Ibrahim Obsiye, Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Siciid Cali Gaboosh. Agaasimaha Guud ee Quwadda Korantadda ,Jamac Cali Geele Iyo In ka badan 30 Shirkadood Madaxdoodii iyo 20 ka Mid ah Askrata Madaxweynaha Ilaalisa. Tiradda waftigu waxa ay isku Ahayd 70 Qof.

Waftiga Madaxweynaha waxa Aad Loogu Soo Dhaweeyay Dalka Hindiya oo dhan waxana si weyn u Qaadaa Dhigay Socdaalkooga TV-yadda iyo Jaraa,idka.Dalka .

Djibouti oo Doonaysa in ay Xidhiidh Ganacsi la Yeelato Hindiya
"Halkan waxan u Imi Inaan wax ka Barto Technolog-yada Heer-ka Sare ah Ee Hindiya" ayuu yiri Madaxweyne Geele oo.. GUJI

Madaxweynaha Djibouti oo La kulmay Madaxwaha iyo Raysalwasaaraha Hindiya
Madaxweyne Geele waxa uu kala hadlay madaxda hindiya Sidii Loo Sii Balaadhin lahaa Ganacsiga..  GUJI 

Madaxweynaha Jibouti oo soo caga Dhigtay New-delhi 
Madaxweynaha iyo waftigiisu waxay la kulmi doonaan madaxweynaha India iyo GUJI 

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

Abdiaziz Ahmed Mousa 
Hindiya
Abdiaziz2@hotmail.com
 

QORAALADII HORE EE CABDICASIIS

Pakistan Iyo Hindiya oo Gaadhay Heshiis 
waa heshiis Ka Dhigan Sidii Film Hindiya oo Akhirka Ku Danbeynaya Hoog Iyo Halaag GUJI 13/5

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD