SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Ma'xal uraadin dalka iyo dadka somaliyeed baa mise waa abaal marin la'gudoon siinayo

Darwiish yare
darwiish_yaare@hotmail.com
 

June 15, 2003

KAAH

 

waxaa in dhowayd ba la hadal hayay ama shacabka da'gan ee dulman dhowrayeen meel loogu tilmaamay raja soo celinta soomaaliyeed taas oo lagu macneeyay shir xal loogu raadinayo dalka iyo dadka soomaaliyeed.

waxaa marka hore lagu tilmaamay shir qaali ah oo xal u ah soomaaliya oo ay marti galiyeen dowladaha nabada iyo african nimadu inaga dhaxayso kuwaas oo aad u danaynaya jecela somaliya inay mid noqoto qara nimadeediina la soo noqoto dowladahaas oo ah kenya iyo itoobiya ay ugu cad cadyihiin una ilmaynayaa inay arkaan somali oo wada jirta!!!!!!!!!!!!!!!!!

waxaa uu garan karaa qofkii muwaadin ah waxa dalkiisa iyo dadkiisa iyo diintiisaba had iyo jeer cadowga ku ah

dadka iyo dalka soomaaliyeed cadow africa gudaheeda kumalaha ilaa kenya iyo itoobiya,ha u siidaraato itoobiyee.

waxay nu oran karaa cadowga itoobiya mid la mid ah ama ka sii xagjira ayaa jira oo shacabka somalidu aysan badan kooda ka qarsoon,cadow gaas oo ah "dagaal oogayaasha"

maxaa la isugu soo ururiyay "dagaal oogayaasha ??" macnaheedu ma in la yidhaahdo somalibaad kala gayseen idinkana abaal kiinu wuxuu noqday "xabsi" masaasbaa arintu ???

mise nimanka siyaasiyiinta ah ee sharafta iyo qiimaha badan ee shacabka soomaaliyeed naftooda iyo maalkoodaba duldhigay siday nabad waarta iyo xasiloonida uga shaqaynayeen ee dowladaha shisheeye ka ilaaliunayay sidii aysan uga faa'iidaysan dhulka somalida,maanta iyaga oo aan abaalkooda iyo libtooda laga xisdiyayn ayaa la isugu keenay fa'gaaraha caanka ah ee "eldoret" oo bilad geesinimo iyo mid muwaadinimo iyo mid caalami lagu gudoon siin doonaa ?????

xaqiiqdu waxay tahay sida dadku ogsoon yahay nin kii siyaasi ah musharax ah wuxuu dadka uu taageerada ka raadinayo hor keenaa guulaha ama waxyaabaha uu dalkiisa iyo dadkiisa u qabtay isagoo waliba u balan qaada unuu intuu u qabtay iyo in boqol laabkeed ah uu u qaban doono

nasiib xumo qabqab layaasha soomaaliyeed yaga oo ku faana shacabkana hordhiga umaday xasuuqeen maataday barakiciyeen daarahay burburiyeen iyagoo waliba cadayn uga dhiga taas miciyahooda dhiiga ka da'aya kaaga darane ay uba sii hanjabaan meeshay wax qabad u balan qaadi lahaayeen iyaga oo indhaha u cadcadynaya!!!!!!!

waxaa xaqiiqo ah in meesha lagu magacaabo "eldoret" ee wadankaa kenya in mici ku dhiiglayaasha la gu ururiyay

Qaabka Loo Qoro Wararka, Faalooyinka iyo Ra'yiga.... GUJI 

lagudoon siin doono abaal marino taas oo ay si firfircoon ugu soo shaqaysteen iyaga oo loogu yeedhi dono markay biladaha gudoomayaan iyo abaal marinada" war yaa somali barakiciyay" mid ka mid ah si dheer u dhawaaqi doono odhanay aniga oo misana loo yeedhi doono mid kale "war yaa inta carari wayday gumaaday" mid qaylo af labadii yeedhi doono isagoo is leh war armay balaayadan kale kugu qabsadaan

misana mid kale loo yeedhi doono"war yaa daarihii shacabku tabcadeen madhfaca dhulka kula simay" mid maahsan oo magaciisa cabaar waayay booday oo yidhi ma maqni haaaaah haaaaaaah

hadana la odhan doono "war yaa somali sunta inlagu aaso ka danbeeyay" uu odhan doono ifaan faani ani waayee oo misana mid kale oo cawaantaa ka mid ah loo yeedhi doono"war yaa amxaaro ilahay nacay dalka u ogolaaday"" midi odhan doono amxaaro ha dhihin dowladaha dariskeena ah dheh

haatan soomaliyeey rag iyo dumar dhalinyariyo waayeel ciroole iyo carruur ma waxaad rajo ka sugaysaan cadowgaa aynu tolkeen u haysano ee qabqablayaasha ee somali halkaa kala geeyay inay dowlad cadaalada idiin horkacaan bethwel kiplagat uu ducada idiin hayo oo aamiinta idiin guro "nimaan quus aqoon isagaa quus ah"

umadyahay la isku wada diray 
ee la isku wada dilay
isu wada dudaysaay waan idiin damqanayaa
ilahbaa mahadleh

Darwiish yare
darwiish_yaare@hotmail.com
 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan.

Faafin: SomaliTalk.com | June 15, 2003

Ogeysiis: Haddii wargeys kale (ama website kale) u baahdo in uu daabaco qoraalkan, waxaa shardi ah in la xuso xuquuqda SomaliTalk.com oo ah in qoraalka halkaas laga soo xigtey, waxaa kale oo shardi ah in qoraaga magaciisa iyo emailkiisa sida uu u qoray loo qoro, iyo weliba in aan qoraalka wax laga dhimin waxna lagu siyaadin ee loo qora sida uu qoraagu u qoray, haddii sidaas la yeelo markaas qoraalkan waa la faafin karaa, haddii kale waa xad-gudub xuquuqda qoraalka iyo saxaafada laga galay.

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

Ardayda Soomaaliyeed ee ka Qalin Jebiyey Dugsiga Sare ee Edison
Minneapolis: Maanta waxay ardayda Soomaaliyeed ee reer Minnesota u ahayd maalin farxad ah maadaam ay... Guji  

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Doodii gabdhaha Soomaalida Minnesota


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD