SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - SWEDEN
Sweden oo martigelineysa shirweyne caalami ah oo loogaga hadlayo Argagaxisada caalamiga ah.

Stockholm, Somalitalk.

June 17, 2003

KAAH

Guud ahaan caalamku wuxuu dagaal ba'an kula jiraa argagaxisada iyo cidkasta oo la sheegay iney xirriir la leedahay, waxaana beesha caalamku ay geed dheer iyo mid gaabanba u kortay sidii loo cirib tiri lahaa argagaxiada la sheegay iney halis ku tahay nabadgalyada dunida iyo hormarka ay maanta tiigsaneyso.

Si kastaaba arintu ahaatee waxaan weli la meel lamarin baaqyo caalami ah oo horey loo soo jeediyey kuwaasoo lagu doonayey in si wada jir ah loo qeexo aragagisada iyo wixii aasaas u ahaa markii hore, si meel cad looga soo jeesto kooxahaasi. Hase ahaatee nasiib darro dalalka Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa haatan noqaday dalalka qurra ee ka jira caalamka, qeexa argagaxisada sheega waxa ay yihiin islamarkaasina kula diriri karra goob kasta oo caalamka loogu sheego, taasina waxeyy tahay tan wiiqaday dagaalka rasmiga ah ee beesha caalamku si wada jir ah ulla dirriri lahaayeen.

Sidaa daraadeed ayaa hadaba dowlada Sweden waxaa ay martigelineysaa shirweyne caalami ah oo loogaga hortagyo waxa loogu yeero Argagaxisada,shirkanoo ay isugu iman doonaan hogaamiyayaal caalami ah oo ay kamid yihiin Madaxweyneha dalka Mareykanka George W Bush iyo Toney Blair Ra'iisal wasaaraha dalka Ingiriiska, madaxweynaha Raashiya, Valadamir Putin iyo Ra'iisal wasaaraha cusub ee Falastiin Maxamuud Cabaas (Abuu Maasin).

Dhamaan hogaamiyaalkaasi iyo madax kale oo caalami ah ayaa kasoo qeyb gelli doona shirkan lagu wado inuu ka dhaco magaalada caasimada ah Stockholm dabayaqaada bisha janaayo ee sanadka innagu soo food leh haddii Eebo idmo, waxaana cinwaanka shirkan caalamiga ah looga dhigay "La dagaalanka Argagaxisada Caalamiga ah" Shirweynahan caalamiga ah ee looga hadlayo argagaxisada ayaa waxaa kasoo qeyb galaya dalalka ay kamid yihiin Mareykanka, Ingiriiska, Ruushka, Faransiiska, Jarmalka,Talyaaniga, Israa'iil, Japan, Australia, Kanada, Shiimaha, Liibiya, Masar, Sacuudi Careebiya, Koonfur Afrika, Baraasiil iyo Hindiiya. Dhamaan dalalkasi ayaa aad u soo dhaweeyey in shirweynahan uu yahay mid dhabada u xaaraya sidii loo ciribtiri lahaa argagaxisada caalamiga, waxaana ay sheegeen in shirkani uu kasoo bixi doono natiijo wax ku ool ah.

BILICDA SOOMAALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Soomaaliyeed, oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri
 
Haldhaa / Goray
gorayo Waa haldhaa ama Goray dhex mushaaxaya dooga iyo Bilicda Soomaaliya oo nabada.

Guud ahaan amaanka wafuuda kasoo qeybgaleysa shirkan ayaa aad loo adkeynayaa, bacdamaa looga cabsi qabo iney shaqaaqooyin iyo rabshado abuuraan dadka sida weyn uga soo horjeeda hogaamiyaha reer Mareykan ee Bush, inkastoo Bush qudhiisa uu la iman doona ciidankiisa sida gaarka ah u taba baran, kuwaasoo iminkaba la sheegay iney kor u dhaafi doonaan 500 askari. Hadana Bush waa ninka maanta in badan oo adduunyada laga necebyahay.

U diyaargow xoogan ayaa dalka Sweden haatan ku jirra waxaana durbada ciidamadda sirdoonka ahi bilaabeen u gogol xaarid iyo latishiyo badan sidii looga hortagi lahaa rabashadaha lafilayo iney hareeyaan shirweynahan caalamiga ah. Dowlada Sweden-na waxaa ay dooneysaa in shirkan dowr weyn ka ciyaarto oo aaney ku fashilmin sidii ay ugu fashilantay shirkii hogaamiyaasha Midowga Yurub ee ay martigelisay sanadkii 2001-da, markaasoo ay Sweden aheyd gudoomiyaha kaltanka ah ee Midowga Yurub.

Sweden waxey kamid tahay dalalka reer Galbeedka ah ee aan weli wax hanjabad ah uga iman Ururka Al-Qaacida, halka dalka jaarka la ah ee Norway ay kamid tahay dalalka cabsida weyn kujira iney wax yeelo kasoo gaarto kooxaha argagaxisada ah..

Si kastaaba arintu ahaatee Norway iyo Danmark labaduba waxey kamid yihiin dalalka ay calaamtul-su'aalka saaran yihiin, gaar ahaan dalka Denmark oo si toos ah u taageeray qorshii lagu weerarayey dagaalkii ka dhanka ahaa dalka Ciraaq ee Sadaam Xuseenkii mudada badan xukumayey kow iyo labaatan cisho kadib xukunka looga tuuray, kadib markii uu u muuqaday mid wel wel weyn kuhayey danaha Ingiriiska, Mareykanka iyo Israa'iil ee gobolka.

Ikraam Cali-kaar
ikraam_k@hotmail.com 
Stockholm, Somalitalk

Faafin: SomaliTalk.com | June 17, 2003

Ogeysiis: Haddii wargeys kale (ama website kale) u baahdo in uu daabaco qoraalkan, waxaa shardi ah in la xuso xuquuqda SomaliTalk.com oo ah in qoraalka halkaas laga soo xigtey, waxaa kale oo shardi ah in qoraaga magaciisa iyo emailkiisa sida uu u qoray loo qoro, iyo weliba in aan qoraalka wax laga dhimin waxna lagu siyaadin ee loo qora sida uu qoraagu u qoray, haddii sidaas la yeelo markaas qoraalkan waa la faafin karaa, haddii kale waa xad-gudub xuquuqda qoraalka iyo saxaafada laga galay.

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

Ardayda Soomaaliyeed ee ka Qalin Jebiyey Dugsiga Sare ee Edison
Minneapolis: Maanta waxay ardayda Soomaaliyeed ee reer Minnesota u ahayd maalin farxad ah maadaam ay... Guji  

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Doodii gabdhaha Soomaalida Minnesota


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD