|
Hinaasaha siyaasiyiinta odayaasha ay ka hinaaseen
musharraxnimada aqoonyahanno dhallin yaro ah
Tan iyo markii ay billaabatay in waraaqaha musharraxnimada la soo gudbiyo ,
waxaa jirey dhallin yaro aqoonyahanno ah ooo soo gudbistay hankooda ah in ay
noqdaan madaxweyne soomaaliyeed .
waxaa arrintaasi ka hinaasay oo isku dayey
iney isbaaro ayan dhalli yarada gudbi karin hordhigaan qaar ka tirsan
hoggaamiyeyaasha Soomaalida ee shirka jooga iyo kuwo ka tirsanaa wasiiradii
dowladdii Siyaad Barre, waxeyna wataan -si loo hanjebiyo aqoonyahannada
dhallinta yar-iney IGAD ay ka dhaadhiciyaan inshardi looga dhigo qof kastoo
musharrax ah inuu keeno $US 100,000 doollar oo diboosid ah oo aan loo soo
celineyn .
1- marka hore Dustuurka kuma qorna .
2-suuro gal uma aha iney ka ansixiyaan shirka
guud iyo ka saxiixayaasha 23ka ah .
waxaa intaa dheer markuu warkaasi faafay waxaa
ka carooday 99% ergada shirka joogta oo ku hanjabtay haddii la horkeeno shirka
guud isagoo xeer jajab ahmaadaama uusan shardiga ay wataan dustuurka ku qorneyn
,ayna dag tahay lagu qoro ay ku gacmo seeri doonaan .
waxaa jira siyaasiyiin ku hanjabay haddii ay
IGAD isku daydo iney ka aqbasho si ay uga ansixiso shirka23ka saxiixayaasha ay
ku gacmo seeri doonaan ansaxinta arrinkaasi si fursad loo siiyo aqoonyahannada
dhallinta yar. waxaana siyaasiyiintaasi ka mid ah :
- 1-Xassan Abshir -wasiirka 1aad ee TNG
- 2-Mowliid Macaane -Guddoomiyaha SAMO
- 3-Xuseen Maxamed ceydiid -'' USC/SNA/SRRC
- 4-Osmaan Xassan Ali atto - '' USC/SNA
- 5-Cumar Maxamed Finish - ''' USC/SSA
- 6-Mudane Jaamac Cali Jaamac
- 7-Mudane Jaan Go'an
dhalinyarada aqoonyahannada ayaga dhinacooda
waxey wataan iney IGAD ay hordhigaan 3 shardi in lagu kordhiyo shuruudaha
musharraxnimada waxeyna kala yihiin :
1- Inuusan Musharraxu aheyn gacan ku dhiigle
2-inuusan dhicin hanti qaran iyo mid shacab
3-inuu ugu yaraan haysto shahaado jaamicadeed
.
kuwa ku doodaya in $US 100,000 diboosid la
dhigo aynu is weydiineen waxey ka mid ahaayeen wasiirradii dalka ama
saraakiishii millateriga mushaharka ay ku haqeynayeenna weynu wada naqaan , ma
is weydiinay halka ay ka keeneen lacagtaasi? , imisa ayaa akawkooda ku jirtaa ?
soo ma aha hantidii qarankaiyo tii shacabka oo ay dhaceen waxa ay ku faanayaan
.
dhallinyarada iyagaa ahaa malleeshiyadii
dirireysay , 99% inta dagaallada ku dhimatay waa iyaga , 99%waxii ku naafoobay
waa iyaga , dhaqaalaha ay beelaha iska ururshaan gude iyo dibadba waa
dhallinyaro , maxaa u diiday iney hoggaanka dalka soo ceshadaan oo ay yeeshaan
hankii ay lahaayeen dhallinyaradii SYL, oo ay ka xorroobaan odoyaasha ka
shaqeynaya kala qoqobidda dhalinyarada.
waayo ilaa iyo hadda lama hayo odey siyaasi ah
oo yiri anigu howlgab ayaan noqday jiilka cusub ayaan fursadda u banneynayaa.
Warkaan waxaa SomaliTalk.com soo gaarsiiyey
assiyaasa_newspaper@yahoo.com
Afeef: Aragtida qoraalka waxaa leh
assiyaasa_newspaper@yahoo.com
Faafin: SomaliTalk.com | June 26, 2003
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|