SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - K/AFRIKA
WEFTI REER SOMALILAND AH OO BOOQASHO GAABAN KUJOOGA WADANKA SOUTH-AFRICA.

Saeed Abdi Mohamed, 
South-Africa, shmadar@yahoo.com 

Faafin: June 1, 2003

KAAH

Wasiiro kasocda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa booqasho gaaban kujooga Wadanka Koonfur-Africa,.. Wasiiradan oo kalle ah Wasiirka Arimaha Dibadda Mudane Mohamed Saeed Gees, Wasiirka horumarinta reermiyaga & degaanka, Mudane, Mohamed Yusuf Awale, Wasiirka Qoyska & horumarinta Bulshada, Marwo Adna Adam Ismaciil & ugu danbeyntii Prof.Bulhan oo katirsan Ururka aqoonyahanadda Somaliland. Weftigan oo u yimid kadib markii ey Casuumad Sharaf kaheleen Wasaaradda Arimaha Dibadda ee K/Africa, iyaga markaa lakulmey wasiirka arimaha dibadda ee K/Africa, iyo wasiiro kalle oo K/african ah.

Xafladd balaaran oo lagusoodhaweynayo Wefdiga R.Somaliland ayaa iyana kadhacdey Magaaloweynta Johannesburg maalintii Axada aheyd ee 25th May 03,. Xafladan oo si aad u heersareysa ey usooqabanqaabisey Xafiiska Somaliland kuleeyahey K.Africa, waxaa kasooqeybgaley dad tiro badan oo isugu jira, Odayaal, Culumaa’udiin & dhalinyaro aad u tirobadan oo rag iyo dumarba leh. Kulanku waxaa uu sitoos ah u furmey Saacadda K/Africa markey aheyd 4:30 P.M, waxaana halkaasi hadal ey kabuuxdo Duco kufurey Sh.Ali oo ah Gudoomiyaha Gudiga K/Africa, waxaanu halkaasi kusoodhaweyey wasiirka arimaha dibadda ee SL, Mudana Gees, Wasiirku waxa uu hadalkiisa kubilaabey isaga oo umahad celiyey Bulshaweynta reer Somaliland ee kudhaqan K/Africa iyo sida qurxoon ee ey usoodhaweeyeen weftigooda, waxaanu halkaasi isbarey weftidii lasocdey iyo dadkii goobtaasi joogey. Wasiirka oo markasi hadalkiisa bilaabey waxa siguud ugahadley Somaliland & xasiloonida & kaladanbeynta,horumarka dhinacyadda dhaqaale, bulsheed, tacliimeed & dimuqraadiyadda kajirta Somaliland, waxa uu wasiirku kahadley oo kalle Doorashadda SL kadhacdey dhowaan isaga oo kusheegey mid sicadaalad ah u dhacdey oo ey kasooqeybgaleen kormeerayaal aduunweynaha kasocda, sida wadamada Ethiopia, South-Africa, UK, Holland, Swedan, Norway, Canada, “900, oo goobood ayaa lagacodeeyey, dadka kormeerayaasha indho indheynayey doorashadana wey joogeen goobahani”, ayuu sheegey wasiirku.

Waxaa uu ugu danbeyntii wasiirku kahadley dimuqraadiyadda iyo xasiloonida kajirta Somaliland in ey tahey arin uu qofkasta oo R.Somaliland ahi kutaaami karo, wuxuu tusaale u sooqaatey in shirkadaha “Co.” oo dhan sida T.Vga, isgaarsiinta, Airlineska, I.W.M, ey dhamaantood yihiin “private”, ama hanti shaqsiyaad ama Co. gaar u ah,” ilaalinta xuquuqda aadamiga ayaa aad naloogu qiimeeyaa” ayuu yiri wasiirku,. Waxaanu usafreynaa meelkaste oo ey danta Somaliland kujirto”..

Waxaa markasi kusoodhaweyey Micro-phone ka Wasiirka Horumarinta Reermiyiga & degaanka Mudane Awale, oo isna kahadley Somaliland iyo horumarka ey dhinackaste kasameysey, waxaa wasiirku sigaar ah ugahadley in doorashadii Somaliland ey u dhacdey si cadli ah, isaga oo u sheegey bulshoweynta R.somaliland ee kudhaqan S.Africa in ey sidaasi ulasocdaan.

Waxaa halkaasi lagusodhaweyey microphone ka Marwo Adna Adam Ismail, oo sacab dadkii kusoodhaweyeen, waxey salaan sharafbadan oo ey muslimiintu iskusalaamaan kusalaamtey dadkii xafladaasi kasooqeybgeley, sida wasiirada kalle waxey Marwo Ismail kahadashey horumarka Somaliland, & halgankeedii ey u gashey si ey Cusbitaalkeeda kudhistey, waxey kaloo siweyn ugu dhiirigelisey dhalinyarta R.SL, in ey wax bartaan oo ey dalkoodii kusoolaabtaan, waayo dalkoodii ayaa u baahan, waxbarashada dhalinyaradda iyada oo siidhiirigelineysa waxey tiri “waa in ey dhalinyaraddu soo bartaan waxbarasho ey dalkooda wax ugu qabankaraan, sida Engineering, Caafimaadka, Computerska, i.w.m, laakiin haddii aad tiraahdid waxaan baranayaa Political Science, taa adigoon isdhibin waxaad kabarankartaa maqaaxiyaha Hargeisa”, waa sida ey marwo adna hadalkeeda u dhigtey,..

Waxey marwo Adna kahadashey baahida weyn ee looqabo mucalmiin, iyo dhakhaatiir dumar ah, “waxaa jira 130,000, oo ardey, 50% tiradan waa gabdho, majiraan macalimiin siiba dumar ahi”, waxey dhiiri gelin weyn u soojeedisey dhalinyarada qurbaha kunool in ey dalkoodii wax u soobartaan oo ey kusoolaabtaan...

Ugu danbeyntii waxaa halkaasi hadal kooban kasoojeediyey Dr.Bulhan oo katirsan aqoonyahanadda Somaliland, oo markii uu qadaryar oo isbarida uu halkaasi kasheegey, , waxa uu sigaar ah ugasihadley nabada, xasiloonida, iyo guud ahaan horumarka Somaliland kajira inta uu le’egyahey, waxa uu dhiirigelin usoojeediyey dhalinyaradda meelkaste oo ey aduunkaga kaganoolyihiin in aaney qurbaha isku iloobin,. Waxa kalle oo Drku kahadley Ictiraafkii ey SL kasugeysey beesha caalamka in uu soodhowyahey loona baahanyahey sabir iyo dulqaad. “Ictiraafku ma aha in marka eynu helno sidii Dawladii Siyaad Bare eynu aduunweynaha ugu qarafsi ama baryo tagno, waa sida uu Dr.ku hadalka u yiri,..

Waxaa markaa la’adimey Salaadii maqrib, salaadii kabacdi waxaa lagusoogabogabeeyey xafladii su’aalo laweydiiyey wasiiradda, su’aalahan oo aad u tirobadnaa waxaa ugu muhiimsanaa su’aal uu weydiiyey nin dhalinyaro ah oo xirnaa garan uu kusaweranyahey Calanka Somaliland dhabarkiisana ey kuqorantahey “the world’s most stable land, Somaliland, Long Live Somaliland”, wiilkaa dhalinyarada ahi waxa uu weydiiyey Ictiraafka Somaliland inta kaharsan, halkasina waxaa si wadajir ah ugu jawaabey Dr.Bulhan & Marwo Adna, & Mudane Gees, iyagoo sheegey in ey kuxirantahey sida umadda somaliland ey ugu dadaalaan oo ey weliba wax u qabsadaan Ictiraaf la’aantii, waxaa uu Dr.Bulhan kudarey intaasi in March sanadkan 2003 ey SL Civil Society shirweyne kuqabteen Magaaloweynta Hargeisa, shirkaasi oo ey kasooqeybgaleen ururo iyo dadkasocda Somalia, markaa ururadaasi & weftigii somalia kasocdey ey aad ugu hanbalyeen dadka reer somaliland iyo horumarka ey sameeyeen, waxaaney sheegeen in hadii ey Somaliland rabto in ey go’do loo ogolyahey keliya ey jirto in dadkaasi aaney awood laheyn waayo waxaa naheysta warlords aan cidna tixgelineynin.”. waxaa kale oo kamid ahaa su’aalaha kalle ee laweydiiyey,

1. Yaa bixiya Visaha Somaliland lagusoogalayo? 2. Maxey dawlada somaliland kaqabatey, ama kaqabandoontaa musuqmaasuqa,? 3. Waxbarashada Somaliland iyo horumarinteeda, iyo in ey jiri karto in Dowlada somaliland ey Sponsorship kanoqdaan ardeyda qurbaha kunool 4. Iyo su’aalo kalle oo tirobadan………….

Waxaa markasi halkaa kusoogabo gabowedey xafladii iyada oo Sh.Ali halkaa duco kusooxirey,..

Saeed Abdi Mohamed, 
IT student & Freelance Journalist,

South-Africa, shmadar@yahoo.com 

June 1, 2003

War Xiiso leh: Wiilkii calooshiisu dibada taaley oo Caafimaaday....

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

 

 

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD