SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - UK
GOLAHA WADATASHIGA SOOMAALIYEED

G/W/S/013/03 LONDON, 30/05/2003 | Faafin: June 1, 2003

UJ:- Joojinta Afuubyada sida naxariista daran loogu hayo qeybo ka mid ah Bulshada Soomaaliyeed

Mudanayaal, Marwooyin Walaalayaal

KAAH

Waxaa wax laga xumaado ah joorfalka iyo tacadiga sii soconaya ee weli ka socda Muqdisho iyo hareeraheeda, Tacadigan oo loo geysanayo dad Soomaaliyeed oo aan awood u helin in ay iska difaacaan burcadda hubeysan ee ka amar qaadata waxa loogu yeero "Hogaamiye kooxeedyo" kana soo jeeda sida la sheego beelaha hubeysan, burcadan oo hogaamiyayaal kooxeedyada hubeysan ugu yeeraan "Mujahidiin".

Golaha Wadatashiga Soomaaliyeed wuxuu si cad u cambaareynayaa falal dambiyeedka waxashnimo "AFDUUBYADA IS DABA JOOGGA AH" ee liddiga ku ah Anshaxa, Asluubta, Diinta, Qawaaniinta u dagsan shuruucda caalamiga ah ee lagu hayo dadka Rayidka ah aan ee aan waxba galabsan.

Golaha Wadatashiga Soomaaliyeed wuxuu tacsi u dirayaa guud ahaan shacbiga Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka loo geysto afduubyada aan loo aabo yeelin ee lagu hayo, weererkan bahalnimada ah ee ay ku hayaan wax magarato ka tirsan beelaha hubeysan.

Golaha Wadatashiga Soomaliyeed wuxuu ugu baaqayaa Soomaalida in ay ka hortagaan dhaqankan foosha xun ee xadgudubka ku ah sharafta iyo karaamada qeybo ka mid ah dadka Soomaaliyeed.

Golaha Wadatashiga Soomaaliyeed wuxuu ku eedeynayaa madaxda iyo hogaamiyayaasha Soomaaliyeed ee goob jooga ka ah goobaha "Gumaadka iyo Afduubyada" sida naxariisdarrada leh loogu ciqaabo dadkan Soomaaliyeed.

Golaha wadatashiga Soomaaliyeed wuxuu ka codsanayaa maleeshiyada heysata kuna heysata magaalada Muqdisho iyo agagaarkeeda dadka ay afduubyada ku heystaan la dulmay, lana duudsiiyay xuquuqoodii aasaasiga aheyd in si deg deg oo aan shuruud laheyn u sii daayaan.

Golaha Wadatashiga Soomaaliyeed waxuu xusuusinayaa kooxaha sida bahalnimada leh duulaanka ugu ah dadkan la ciqaabi doono marka ugu horreysa ee sharci iyo nidaam loo dhan yahay la sameeyo.

Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda ahna Wakiilka Golaha Wadatashiga Soomaaliyeed u jooga dalka Talyaaniga Abdulaziz Ali Ibrahim "Xildhiban" xildhiban@hotmail.com 

BAAQ: GOLAHA WADATASHIGA SOOMAALIYEED

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


-dhammaad-

Afeef: Aragtida qoraalkaan waxaa leh oo ay gaar u tahay qoraaga ku saxiixan, kana tarjumi meyso aragtida SomaliTalk.com

Faafin: SomaliTalk | June 1, 2003 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]