|
Majaraha soomaali yuusuf garaad ma leexin karaa?waa
maya.
Axmed Moxamud | moxamud19@hotmail.com
Asalaamu calaykum waraxmatullaahi wa wabarakaatuh dhamaan somaali inta
somalinimada jecel iyo webka ay ku wada kulmaan ee somalitalk.
Waxa igu kelifay inaan soo qoro maqaalkan-- dood aan ka maqlay jimcihii
idaacada BBC da ee u af duuban yuusufgaraad, uuna dooda u qaybinayey laba
oday oo somaliyeed, hadaba suaalaha yuusuf uu danta gaara ku watey ee uu
weydiiyey,waxaa ka mid ahayd federalka somali lagu dhaqayo somaliland ma ka
soo qayb gelaysa mise ?
Hadaba suaashaas somaliyi inta ayna ka jawaabin,waa ayo(yaa weeye)
somalilanda maanta? ma waxa weeye tii uu ingiriisku magaca u bixiyey ,mise
waa qayb ka mida tii magacaa la odhan jirey wixii 60kii ka horeeyey ,hadaba
akhristow x somliland(before 60) waa qayb ka mida somalilanda maanta iyo
qayb ka mida puntlanda maanta ,mar hadii ay puntland joogto shirka
waa(dismiss case) ,markaa yuusufgaraad ujeedadii-- yuuse qaldi karaa mise
shirka somaaliyi u dhantahay ayuu masiirkiisa bedeli karaa ( I think --the
game is over mr yuusufgaraad). shirka somali uga soconaya kenya inta ka soo
qayb gashay way joogaan, somalilanda maanta waa loo qoondeeyey xaqeedii iyo
kuraasteedii ay ku lahayd somali beel ahaan-- hadaanay hore u iman shirka
bilowgiisii,hadaba waa la sugayaa iyo wejiga 3aad, waana ka mid shacabka
somaliyeed ,hadii hore wax uga lumeen beelahaa,hadaba maamulkooda u
gaarka(dawlad goboleedkooda) ha ku dhisteen gurigooda iyagoon somalinimadii
ka tegin.
Waxaan ku soo gabagabaynayaa inaan sadex hal I dhaahdo : a)somaliland,
b)yuusufgaraad iyo noociisa, c)shacabka soomaaliyeed.
Hal waxaan idhi somalilanda maanta - - walaalayaal(somalinimo,islaamnimo) ha
isku deyina inaad somali gees uga baxdaan idinkoo beelbeela -nebigeena
naxariis iyo nabad gelyo korkiisa ha ahaatee wuxuu yidhi bahalku wuxuu cunaa
ka goonida ugu baxa .
Halna waxaan idhi sixun wax u doonka beeshiisa u afduubaya dadka - - (cala
sha `an masiirka ummada),uuna ka waantoobo xadida mediada ummada waayo cun
cun waxa ku xiga cuni waa.
Halna waxaan idhi shacabka intiisa kale - - waa inay (waantoobaan) ka waayo
qaataan wixii hore ee soo maray si taariikhdu u saxdo khaladkooda hana
ogaadeen shacabku inay u iman doonto waa cusub(dhibka laga baxayo)--waa la
doogiye yaan la dacaroon.
Wa bilaahi tawfiiq.
Axmed Moxamud | moxamud19@hotmail.com
QOraaladii
Hore ee Axmed Maxamuud
Afeef: Aragtida qoraalka waxaa leh qoraaga ku
saxiixan, kana tarjumi maayo aragtida SomaliTalk.com
Faafin: SomaliTalk.com | June 29, 2003
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|