SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - JAWAAB

SPR, Wiilka Qora iyo Odeyga ka dambeeya!

Miicaad M. | marasheeg@hotmail.com

KAAH

Waxaan aragnaa maalinwalba qoraalo la ogsoonyahay waxa ka dambeeya inay yihiin Qabiil iyo Qabyaalad ay qoraan dad iska dhiga inay yihiin kuwa jecel soomaali amase soomaalinimo.

Qoraalkan SPR, ma aha mid nagu cusub, waxaan naqaan wiilka qora ee Holland jooga (ma rabno inaan magacawno) iyo Odeyga uu afkiisa ku hadlo ee deggan saraha dhaadheer ee ka dambeeya Starbucks Minneapolis....

Ujeedada ka dambeysa ma aha mid ay ugu hiilinayaan dad dulman ee kaliya waxay jecelyihiin maadaama ay waddaagaan wiilka iyo adeerkiis nacaybka C/llaahi Yuusuf in ay isku dayaan inaan ninkaas waxba noqon...Taas waa haddii ayaga (SPR) lagala tashanayo.

Afada marxuumka,haddana ah kooxda Carta ee leh waxaa ninkaygii dilay C/llaahi Yuusuf, ma hilmaansantahay in PL maxkamado, xeer, iyo sharci leedahay oo ay u adeegsankarto..Haddii kuwa Boosaaso waxba ka diideen, may tagto kuwa Laascaano!.Mase ilowsantahay meesha ay leedahay ninkayga waa lagu dilay ee Dirir-Dawe, in dawladi ka jirto...

Arinta afadaas waxaa aad ula yaabay Caato, Qanyare, Barre Hiiraale, Yalaxow, iyo dhamaan siyaasiyiinta Xamar kuwaas oo ka yaaban ninkan loo haysto inuu dilay hal qof (1984) iyo ayagoo maalinwalba ku shabaaxad barta shacabka masaakiinta ah...

SPR qoraalkoodu wuxuu ku salaysanyahay nacayb shaqsiyadeed inta tusaale oo ay soo qaateen wiilka iyo adeerkiisna ma aha kuwa sax ah:

Dacwad-suge Doorasho ma leeyahay?
Warsaxaafadeed kasoo baxay SPR ayaa.... GUJI... June 30 [SPR]

Dilka C/raxmaan Caydiid qof raba inuu u saaro Cabdullaahi Yuusuf waa inuu keeno caddayn, lana tagaa maxkamad khusaysa, maxkamaduna xukuntaa, ee ma aha in C/qaasim Salaad Boy yiraahdaa afadiisa orod oo hadda ku mudaharaad iwm..

Dilka Suldaan Hurre, waa adigoo yiri dilkii Sh.Daahir Yuusuf Axmad ee Nugaal waxaa ka dambeeyey Jaamac Cali Jaamac iyo Suldaan Garaase ileyn ayagaa ragga dilay Sh.Daahir xabsiga kasoo daayey e!

Dilka Col.Faarax Dheere, cidda kaliya ee loo qabsan karo waa labo kooxood, kooxdii Jaamac Cali Jaamac ee u magacawday Guddoomiyaha Xaaladda degdega ah ee Nugaal, iyo Kooxda uu ka tirsanaa ee Al-Islaax, warbixinta oo dhana waxaad ka helaysaa Siciid Cabdullaahi Dani oo ahaa isku xirihii Al-Islaax Xamar iyo Puntland...Sababta aan baaris loogu samayna waa taas...

"SPR waxay si buuxda u garab taagan tahay waxa alle iyo wixii ka dhiidhiya dil sayaasadeed ama ku tumusha xaquul-insaan"

Hadday run kaa tahay inaad garab istaagaysid wixii kasoo horjeeda dil siyaasadeed waxaan jeclaan lahaa inaad ka bilowdo ragga ka dambeeyey in la dilo madaxweynihii hore ee soomaaliya (marxuum Cabdirashiid Allaha u naxariistee) taas oo ah meesha burburka soomaaliya ka bilowday, raggaas lagu xanto dilkaas waxaa ugu weyn Adeerkaa,waadna ogtahay in maanta CIA documents qaar lasoo shaacbixiyey ayna sii xoojinayso in Adeerkaa ugu weynaa, haddii kaas aadan rabin inaad baarto ama weydiiso Adeerkaa, ma waxaad isleedahay cidkale baad wax weydiinaysaa?...Mise Adeerkaa waa Adeerkaa, kan kuu xiga sidaas darteed waa ehel, lamana jeclid xumaan?

Midda ah "Dacwada Suldaan Hurre vs. Col. Cabdullahi Yusuf waxay ka socotaa carriga Ingriiska."
Waxay ila tahay arintaas waa been-abuur aan raad lahayn waxaan islahaa SPR (wiilka iyo Adeerkiis) intaas waa ka aqoon badanyihiin oo waxay yaqaaniin sharciga UK inaysan ka socon been, waa la yiri, iyo wax aan la taaban karin oo la isku been-abuurto!..

Haddaba dacwad ka socota UK oo lagu eedaynayo Cabdullaahi Yuusuf majirto, hadday damcaan dadkaad sheegaysidna waxay ubadantahay in isla markiiba Lawyerku diidi lahaa dacwadaas intaan maxkamad la gaarin, sida uu u diiday kii Adeerkaa lacagta aad soo aruuriseen uu u balanqaaday 2002, waad ogeyd dacwaddii aad damacdeen in aad ka aloostaan USA lawyer kii wuxuu idinku yiri!..."wax la taaban karo ma haysaan ee caddayn ii keena"

Miicaad M. | marasheeg@hotmail.com

QORAALII HORE EE MIICAAD:
 
 Maamulka PL waxay u baahanyihiin in la baro Economics 101 [Miicaad]


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

Afeef: Aragtida Qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | June 30, 2003

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]