SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - UAE
Sideed u Aragtaa website-ka Soomaliga ah ama idacadda Soomaaliga ah?

C/raxmaan Amed Cabdi
C/O U.A.E
E-mail Address: cmaslax@hotmail.com 

Faafin: June 1, 2003

KAAH

Marka hore waxaa wanaagsan inaad fahansantahay micnaha dadnimo iyo wadaninimo dadka qaar wax ay dareemayaan marka ay akhristaan jariidad ama Shabakad Internet ee ku qoran afkaada hooyo amab ay dhageystaan idaacad ku hadlaysaa Afkooda hooyo farxad iyo reenreen iyo weliba raxmad ay dareemayaan in Ilaahay uu gaarsiiyay walaalahooda soomaaliyeed kuwaas oo aad ugu dadaalay in ay la tiigsadaan horumarka aduunyada ay mareyso hadey ahaan lahayd xagga akhbaaraadka am ay ahaan lahayd xagga Aqoonta.

Waxaa Ilaahay mahadiis ah in aad Somalitalk iyo Websiteyada qaar aad ka heleyso Quráanka kariimka dhageysi iyo weliba Akhrisba oo ah tan ugu wanaagsan in lagu dadaalo aduunyada inta la joogo.

U fiirso ummad walba waxa ay leedahay dad ama Aqoonyahano u matala la jaanqaadida horumarka Dunidu tiigsatay ee ah Aaladan “Information Technology” waa muhiim waana loo baahanayahay in dadku ka warqabo wax adunida ka dhacaya, hadeysan marka jiri lahayn Idaacad ama Jariidad ama Website ku qoran Afkaada Hooyo ee Soomaaliga ah waxaad ogaataa in dad badan oo Soomaali ah ay ka dhaga la’aan lahaayeen waxa dunida ka socda, dadka qaar waxa ay la yaabayaan markaad dhahdo jariidad ku qoran Afkaada hooyo ama Website ku daabacan afka soomaaliga waa lama huraan, waayo waxa uu aaminsanyhaay midka sidaas qabo inuu isagu fahmi karo luuqadaha qaar laakiinse uusan fiiranaynin walaakiisa Soomaaliga ah ee laga yaabo inuusan fahmi karin luuqadaha qaar sidaas darteed waa lama huraan in la helo Jariidad ama Website ku daabacan Afka Soomaaliga.

C/raxmaan Amed Cabdi
C/O U.A.E
E-mail Address: cmaslax@hotmail.com 

Afeef: Aragtida qoraalka waxaa leh oo ay gaar u tahay qoraaga ku saxiixan

June 1, 2003

War Xiiso leh: Wiilkii calooshiisu dibada taaley oo Caafimaaday....

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

 

 

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD