SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
QABIILKA(BEELAHA) IYO SOMALIDA KEEBAA HORYIMID?

Mahamud Samatar | samatarapt@yahoo.com 

June 15, 2003

 

KAAH

Ummad meel ku dhaqani ama ku wada noolayd muddo badan , sida Somalidu ogu soo noolayd geeska Afrika muddo aad u farabadan ama kuma naan sano, intii uu aadamahu ku abuurmay dunidan aan ku noolanahay, waxa ay ummad kasta oo meel ku wada nooli samaysatay af ay kuwada hadasho ama isku afgarato, sida Somalidu ay samaysatay af Somaliga, taas oo qaadatay muddo aad u dheer in uu afkaas ku baaho meelkasta oo ay Somali dagantahay, oo suuragal tahay in marba marka ay baahi timaado ay fikardo cusub dhalanayeen taas oo keenaysay in ay duruufuhu ama kolba xiliga la joogo erayo cusub oo ka turjumaya xiliga la joogo la abuurayay, eryaduna ay faafayeen, oo muddo dheer ay qaadanasay in uu eraygu hirgallo, ama uu faafo gaadiid la'aan , cabsida iyo dhibaatada bulshada ka haysatay habar dugaaga, taas oo ay jiritaanka ummad meel ku dhaqani ay caadi u ahayd in ay nolol maalmeedkeeda ku xidhnayd in ay la tartamaan dugaagga , ha ahaato iska babaadin ama ka badbaadin waxa ay ku noolaayeen markaas, sida xoolaha ay dhaqanayeen ama ugaadh ay dishoodeen.

Taariihkda aadmahu waxa ay sheegeysa in ay bulsho meel ku dhaqani ay soo martay xiliyo kala duwan

  • 1. Xiligii ugaadhsiga
  • 2. xiligii reer guuraanimada
  • 3. xiligii beerro falashada iyo meel dagga sida tuulooyinka
  • 4. Iyo xilgii magaalo dagga iyo farsamo adeegsiga

Haddaba intaas oo xili ummad kasta oo meel dagani oo leh af ay isku afgarato way soo maratay , Somaliduna intaas oo xili way soo martay oo taas waxa muujinaya degaankeena , afkeena iyo dhaqankeena.

Afkeenu, af somaligu, waa qani marka aad eegto sugaanteena , waxana ugu wacan mudada dheer ee uu af Somaligu soo jiray, taas oo lagu qiyaasi karro ama la barbardhigi karo mudada ay afafka kale ama ilbaxnimooyinka kale ee adduunku soo jireen in af Somaliguna soo jiray, laguna qiyaasi karo muddo ku dhaw 5000 ila 10,000 oo sano, sababta oo ah af ay ummadi samaysatay muddo gaaban kuma samaysmi karo, af Somaliguna samaykiisu kuma iman ama ma samaysmin intii ay Beelaysigu ama Qabiilku samaysmay, waxana taa cadaynaya haddii qof Somali ihi abtirsado , waxa laga yabaa in uu tiriyo labaatan oday, labaatankaa odayna ay qiyastii da'doodu jirtay 70 ila 80 sano, taas oo ah in ay beeshaasi jirtay 1400 ilaa 1600 oo sano.

Hadaba inga oo ku jirna xiligii Reer guuraanimada , meel dagga iyo beero falashada oo ay inteeni dagtay ay bilawday in ay farsamooyin bilaabeen , sida kabo tolka , ka samayta cumuuda daryaha iyo haamaha biyaha sida jalxadaha, iyo ka samaynta dirta alaabaha uu aqalku u baahanyahay sida fandhaalka iyo xeedhada , oo aynu isku filanahay ayaa waxa xeebaheena yimid dadyawga degaankeena u dhaw sida hindida iyo carabta , oo laga yaabo in waxogaa ingaga horeeyeen meel dagga taas oo suurtagalisay in ay xagaa farsamadana ingaga horeeyaan, mudadaas oo ku dhaw 1400 ilaa 1600 sano , taas oo ah goortii aynu bilawnay Qabiilka ama Beelaysiga.

Inaga oo Somali ahaan soo jirnay 5000 ilaa 10,000 sano caddayna uu yahay afkeena Qaniga soo abuuridiisii ayaa waxa inoo yimid Turki markii dambena Carab , inaga oo aan kala lahayn qabiil ama beello oo Somali uun wada ah ayaa mudadaas ay carabtu timid dhulkeena 1400 ilaa 1600 sana ka hor , goortaas oo laga yaabo in ahayd markii diinta Islaamku ina soo gaadhay.

Markii ay Carabtu dhulkeena timid ayaa waxa ay bilawaday in ay Somalidii kala qaybiso si ay uga faa' ido , ha ahaato ganacsi ama dhulba , waxa timid in ay la tartamaan intenii meel dagga iyo farsamada gacanta bilawday , Somalidaas oo ahay intii inoogu ilbaxsanayd, ilbaxnimadaas oo ka timid farsamdii oo ay kasameeyeen mid ganacsi oo degaanka iyo dibadaba ah .

In muddo ah iyada oo ay Carabta loltamayaan inteenii meel degga ama ilbaxnimada bilawday ,ayaa markii dambe waxa yimid dhulkeena rag Carab ah oo leh waxa aan ahay Sheekh hebel oo diinta faafinaya, iyada oo diintu iyaga ka hor ina soo gaadhay, shuyuukhdii waxa raacay intii aan meel degga bilaabin ee ahayd xoolo dhaqatada , waxa ay bilaabeen in ay dadkii maskaxda ka dhaqaan iyaga isku dadbaya diin oo intii raacday ay yidhaadeen waxa tihiin caruurtaydii ama xertaydii oo waad igu abtirsanaysaan, intii kale ee raacin ee danteeda wadatayna waxa ay yidhaahdeen waa midgo ama tumaal, kuwaas oo ahaa kuwii ugu hor ilbaxay Somalida ha ahaato xag farsamo ama meel degba, ahaana kuwii la looltamayay shisheeye kasta xag gancsi iyo farsamaba .

Qabiilku, Beelaysigu, wuxu bilaabmay markii ay Carabta ay beelaha Somalida ka midka ku abtirsadaan ay yimaadeen dhulkeena , sida Sheekh ciise , Sheekh isaxaaq iyo Sheekh ismaaciil jabarti (Daarood).Sababta oo ah haddii aanay Somalidu ka hor jirin shuyuukhdan, af Carabi ayaan ku hadli lahayn.

Somalida aan ku abtirsan Carabta laftoodu waxa ay yeesheen Sheekh Somali ah , Sheekhaas oo ay noqdeen xertiisii ama caruururtiisii kuna abtirsadaan.Shuyuukhdaas oo ku dayanayay kuwii Carabta .

Waxa dhici karta in aanu Sheekhaasi wada dhalin inta ku abtirsata , ee ay intii xeertiisa ahayduuni ay bilawday in ay ku abtirsadaan. Sababta oo Somalidu way ka da' wayn tahay Abtirsiinta, oo Shuyuukhadan xer uun baanu u noqonay, markii hore se Somalida midgaha iyo tumaalada lagu sheego ayuun baan ahayn, ka horna Qabiil iyo beello maynu kala lahayn.

Maantadan dhulka Somalidu dagto waxa aad ku arkaysaa Shuyuukh leh xer gaadhaysa 50 meeyo , oo la leyahay hebel waa xerta Sheekh hebel .

Somalidu may kala lahayn Qabiil iyo Beeelaysi , Midgaha iyo Tumaaladuna waa dadkii inoogu hor ilbaxay , meel dagga iyo farsamadana inoo bilaabay, shisheeyuhana takooray si uu ganacsiga iyo dhaqaalaha ogala wareego

Mahamud Samatar | samatarapt@yahoo.com  

Faafin: SomaliTalk.com | June 15, 2003

Ogeysiis: Haddii wargeys kale (ama website kale) u baahdo in uu daabaco qoraalkan, waxaa shardi ah in la xuso xuquuqda SomaliTalk.com oo ah in qoraalka halkaas laga soo xigtey, waxaa kale oo shardi ah in qoraaga magaciisa iyo emailkiisa sida uu u qoray loo qoro, iyo weliba in aan qoraalka wax laga dhimin waxna lagu siyaadin ee loo qora sida uu qoraagu u qoray, haddii sidaas la yeelo markaas qoraalkan waa la faafin karaa, haddii kale waa xad-gudub xuquuqda qoraalka iyo saxaafada laga galay.

GOORMAY HABOONTAHAY BEELAYSIGU
MADHIBAAN IYO AJI WAA ISKU ASAL!
Midab Takoor, Af Takoor & Timo Takoor 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI 


Qaabka Loo Qoro Wararka, Faalooyinka iyo Ra'yiga.... GUJI 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]