SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MINNEAPOLIS
Markan waxaa soo dhowaatay dhisidii dawlad Soomaaliyeed:

wardheere Mahamoud N. Wardere 

  mnwardere@yahoo.com

 Musharaxii hore ee duqa Minnesota

 
 Jun 25, 2003

 

KAAH

Haddaba murashaxiinta iyo dadka dhisdda dawladda ka qayb qaadanayaa waa inay niyad wanaag, is ixtiraam, daacadnimo, bisayl siyaasadeed, iyo wada shaqayn muujiyaan. Kuwa xilalka qaadi doona waa in ay ogaadaan in ay dayici doonaan ilmahooda, reerkooda, iyo danahooda gaarka ah mar haddii ay u guntadeen in ay qaadaan xil xafiis dadwayne – waa xil in laga cararo mudan -waa xil aan mudnayn in lagu deg dego.

Dadka Soomaaliyeed ma dooran inay degaan geeska Afrika iyo siday u kala degaan midna waxaa kale oo ayana muhiim ah in la is xasuusiyo ilaa intii uu ee Ilaah idmo inay wada noolaanayaan ama ha isjeclaadeen ama ha isnecbaadeen. Mar haddii ay dadka Soomaaliyeed ku qasban yihiin inay caro edegtaas ku wada noolaadaan waxaa fiican in la isticmaalo maskaxda ilaahay ku manaystay iyo weliba waxa ay haystaan oo addunnkaba wax haystaa yar yahay; waa maxay waxaas?

  • Islaanimo
  • Khayraad dabiici ah
  • Dhul ka wayn oo ka badan
  • Isku af
  • Isku dhaqan iyo waxyaabo badan oo aanan koobi karin.

Waxaa kale oo la xaqiijiyay in dadka Soomaalidu leeyahay karti iyo maskax iyo dadaal dheeri ah oo meelaha ay tagaan markii ay nabad helaan waxaa ka muuqda inay yihiin dad shaqaysta oo xirfad dheeraad ah u leh ganacsiga iyo waxbarasho.

Dhibaatada ammaan la’aanta waxay keentay in dadka Soomaaliyeed maskaxdii iyo maalkii ay gashan lahaayeen dalkooda ay geliyaan dalaka dibadda oo haddaad aragto meelaha qaar aad yaabaysaa waxaas haddiila maalgeliyo dalkii inta shaqo ay abuuri lahayd iyo sida ay wax uga tari lahayd nolosha dad badan oo Soomaaliyeed oo maanta u baahan maalgelintaas.

Mudanayaasha iyo marwooyinka dawladda u soo dhisayo dadwaynaha Soomaaliyeed oo haatan ku sugan Mpagati, Kenya suurtogal ma aha in aad soo samaysaan dawlad aanan u cuntamaynin dadwaynaha Soomaaliyeed oo maanta kala yaqaan dawlad xun iyo mid fiican, dadka Soomaaliyeed waxay muddo 13 sano ah u oomanaayeen inay mar uun helaan dawlad cadaalad ah oo sugta amaanka kana shaqaysa waxbarashada ubadka iyo daryeelka umadda iyo hore u marinta dalka.

Qofkii aanan garanayn afka Ingiriisiga waa jaahil—Arrintaasi ma dhabbaa? Inteese- in la’eg ayaa lagu gumaystaa?. WARDHEERE....GUJI

Awooda madaxwaynaha iyo dawladdaba waa in ay xadidnaataa oo ay jirtaa meel lagu kala baxo haddii tusaale uu madaxwaynaha ama ra’iisul wasaaraha sharciga jebiyo waa in sharaxaad la waydiin karaa ama maxkamad la soo taagi karaa, waa in aan mardanbe la arag inqilaab military, iyo jabhad qabiil ku dhisan oo gumaada ciidanka qaranka, waa in aan ciidamada qaranka loo adeegsanin gumaad shacab, waa in mudanyaasha baarlamaanku aysan noqon golaha sacabka ee ay awood u yeeshaa inay waxbaaraan fikradooda na si buuxda u soo gudbiyaan haddii ay danta dalka ku jirto. Qalabka warbaahintu waa in ay ka muuqataa wadaninimo isla markaana ay baaritaan ku sameeyaan dhaliisha dawladda iyo musuqmaasuqa si nadiif ah. Ciidamada booliska waa in number loo yeelaa si loo helo kii ku xadgubda muwaadiniinta isla markaana maxkamad loo soo taago. Waa in muwaadinka aan lagu xad gudbin weliba la gaarsiiyaa in uu ku faano dawladiisa ama uuba aaminaa in uu asaga dawladdaba yahay. Mas’uuliyiinta dawladda waa in ay ogaadaan in ayaga madax loo yahay oo weliba ay keliya adeegayaal yihiin-yaa madax u ah? shacabka!

Shacabka Soomaaliyeed waxaa la gudboon in aysan mardanbe dhagaysan siyaasi ku sheeg mucaarad ah oo jaahil ah oo aanan xisaabtamaynin ficilkiisa maxaa ka iman kara oo bilaaba dagaal sokeeye iyo jabhad dadkana ku beer jilicsada in uu danta qabiilkiisa u dagaalamayo oo uu mujaahid yahay Ogow dawladdii Soomaaliyeed waxaa riday jabhado wixii laga dheefayna nin walba waa ogyahay waayo shacbiga ma garan sida wanaagsan ee loo rido dawlad xun ayadoo aan dalka dhan la bur burin. Mardanbe yaynaan ogolaan in jabhad rido dawladdii la soo dhiso. Waa in uu qofka Soomaaliga ah aaminaa oo oran karaa dalkan anigaa iska leh mana yeelayo qof fidmo wade ah inuu qas ka rido haddii uu rabo qabiilkayga ha ahaado oo anaa joojinaya.

Haddii ay dawladu xumaato ama aan ku qanci wayno waa in aan qoriga la qaadan ee si xadaarad leh loola dagaalaa waayo dawladda dalka ma leh ee shacbiga ayaa iska leh. Mardanbe waa in aanan isku qaldin waxa qaranka iyo bulshada Soomaaliyeed leedahay sida nalalka baabuurta kala celiya iyo waxa madaxwayne leeyahay.

Waxa aan sugnaa waa dawlad fiican oo ay shacbiga Soomaaliyeed u riyaaqaan. Dawlad Soomaaliyeed oo joojisa qaxa iyo dadka Soomaaliyeed ee ku dhamaanaya saxaraha, badaha, xerooyinka qaxootiga, iyo dawlad u dooda kumanaanka kun ee Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan oo ku xiran xabsiyada shanta qaaradood ee adduunka ayagoon waxba galabsan oo lagu soo eedeeynayo inay dalalkaas si sharci daro ah ku soo galeen. Dawlad ku soo celisa dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay ku dhib qabaan in ay dalkooda ku soo laabtaan.

Dawlad wax wayn ka qabata caafimaadka , waxbarashada iyo sare u qaadista wacyiga dadwaynaha si aan mar danbe loo arag qof Soomaali ah oo u dagan qabiil ama jabhad ama ku kaca wadaninimo xumo, gudniinka fircooniga iwm. Waa in la helaa dawlad wax ka qabata fasahaadka qaadka iyo dhaqaalaha uu dibadda u saaro. Dawlad shaqo abuurta oo dhiiri gelisa in Soomaalida kala firirtay inay dalkooda maal gashadaan oo soo camiraan. Dawlad qofwalba u samaysa number lagu garto si aan mardanbe qofkii danbi galaa ugu dhuumanin qabiil oo looga soo dhexqabtaa. Dawlad dawladaha adduunka ugu fiican

Markaa ka dib dhiiga qofka Soomaaliga uu aad qaali u noqdaa!

Sharafta qofka Soomaaliga ay soo noqotaa!

Ilaahow Soomaalida qalbigooda isjeclaysii oo ka dhig umad wanaagsan adigaa qaadir ahe

Wabilaahi towfiiq.

Maxamuud Nuur Wardheere

mnwardere@yahoo.com

 QORAALADII HORE EE WARDHEERE


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

 

Faafin: SomaliTalk.com | June 24, 2003

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Doodii gabdhaha Soomaalida Minnesota

 


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD