MADASHA ELDORET, MURAADKA SOMALILAND IYO
TAARIIKHDA MA HADHADA AH
MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)
KARACHI, PAKISTAN.
diridhaba2001@hotmail.com
June 15, 2003
Waxaa laga soo wareegay 12 toban sanno markii
xukunka laga tuuray keligii taliyahii xukunka adka ee dawladii kacaanka ee
dalkii la isku odhan jiray Somaliya waa Maxamed siyaad barre, taariikhda lama
qoro iyada is xaradha eh haddii dib aynu ugu noqono, sannadkii 19990, ayaa
waxaa ciidamadii xoogaga SNM oo markaasi lagu tilmaami jiray Hanadadi hafiyey
kacaankii hantiwadaaga, waxay u yabooheen, hawlwadeeno badan oo ay isku hadaf
ahaayeen, waxaa ka mid ahaa xoogagii uu horkacaayey Jeneral Maxamed Faarax
Caydiid, oo markaasi aan lahayn cudud militery oo ay ku afganbiye karaan
hanfigii shuuciyadda ee Muqdisho, waxaa kale oo ay ururkii dhaqdhaqaaqa
Wadaniga ee marka la soo gaabayo loogu yeedhi jiray SNM, hogaankiisa siyasadeed
xeeriyey in tilmaam midaysan lagu abaaro, waa tii ninkii jiray ka yidhi
Haddaanan haddaanan
Haddaanan dhawaaqa
Hireyda wireyda
Hayaay ka kacayda
Jahaadka Hargaysa
Barbaartu hagayso
Haweenka godoodey
Ka qayb gelin hawsha
Haddaanan haddaanan
Intii isku hiila
Hargaysiyo Bayla
Intii la hal maasha
Bakool hilinkeeda
Heeraarta Kismaanyo
Ilaa Hobyo geynin
Hiiraan u tallaabin
Runtay la hudmeene
Haddaanan haddaanan
Sidii hanqar yeedha
Hillaac iyo maayad
Dhulkoo dhan hadhaynin
Banaadir ka heesin!
Wixii hurda toosin!
Halyeyada ciilka
Ka haajirey ciidda
Halkay talo joogto
U sii farin haadda
hortaantii 91 kii ayaa ciidamadii halyeeyada
ahaa ee SNM waxay si ismiidamisa u hujuumeen magaalooyinka Burco, berbera, iyo
weliba xaruntii ay muddoyinka badan hiigsanayeen ee Hargeysa, Keligii taliye
Maxamed Siyaad Barre iyo weliba Hogaankii Ciidamada aagga gobolka Hargeysa ee
loo yaqaanay qabta 26aad, Gacan ku dhiigle Maxamed Siciid Xirsi Moorgan, iyo
xubno sare oo kalaba waxay ku sugnaayeen tuulada Hawash oo ay kala
arrinsanayeen hogaankii sare ee dalka Ethiopia, in xoogaga SNM loo soo gacan
geliyo shuuciyaddii Siyaad barre, taasi waxay noqoto hal bacaad lagu lisay,
waxaanay ku noqotay Siyaad Barre iyo seedigii film hollywood jilayso, isla
galabnimadii horaantii sannadkii 1991 ayaa wuxuu siyaad barre si deg deg ah
kaga soo anbabaxay xarunta ethiopia ee addis ababa isaga oo hogaanka sare ee
ethiopia ku eedeyey inuu khiyaamiyey, balse runtu waxay ahayd in aanay waxba
kala soconin dawladda ethiopia hawl gelka xoogaga SNM, waxaa ciidamada SNM
maalmo gudahood ku sifeeyen maamulkii argagaxa badna ee Siyaad barre, kumanaan
qof oo ku bahalyoobay hareerada waddanka ethiopia iyo xuduudaha dhaw ee
Somaliland na waxay u noqotay riyaaq iyo dabayl xoriyadeed oo aan abadan soo
wajahin, akhristow, Xorrayntii SNM, waxay dhashay in Maxamed Siyaad uu ka
huleesho, dhamaanba geyigii la isku odhan jiray Somalia, balse su,aashu waxay
noqotay maxaa xigay?
dhanka kale ee bidix ayaa iyaguna waxaa soo
huleeshay xoogagii USC oo aan runtii sidaa looga aqoon hirdankii halganka,
Maxamed Faarax Caydiid, oo wakhtigaasi hammi badan ugu jiray sidii uu reerka uu
ka dhashay ugu celin laha mansabka Siyaasadeed ayaa wuxuu isticmaalay Hammuun
aan cadawga lala beegsan balse xanuun ku noqotay runtii birma gaydo farabadan
oo degenayd xaruntii dhexe ee dawladi siyaad bare waa Muqdisho eh, waxaa
halkaasi ay xoogagii USC ee magaalada soo gelay ka gaysteen falal foolxumo ah
oo aargoosi lala beegsaday dumar iyo caruur aan waxba galabsan, taasi waxay
akhristow dhashay in xabbadii muqdisho ka caafimaadka qabtay iyo hanfigii
cadawadeed ee qarni jirsaday ee shacbiga reer Somaliland lala beegsaday
markeliya usoo guuro magaaloyinka iyo tuulooyinka Somalia (koonfur) waxaa
ninkii jiray laga haya
Qabqabtiyo durbaannada
Daran doorri dhacayaa
Diihaal ma reebaan
Dayac beel ma haynee
Dundumaanu maydhnaa
Sida ogaxda diinkaa
Daymadu na korisaa"
waxaaba la odhan kara shanqadhii rasaasta,
darandoorigii baroonku hadduu ka bilaabmay mudqisho badiba runtii dadka ku
noola waxay ku maqli jireen xan iyo xanshaashuq "Diyaaradba waqooyi
garaacda, iyo Hargeysa laga qaxay", akhristow dulucdaydu ka dheer tiigsi
iyo nabar aad damqo, balse ma odhan karaa hanfiga cadawadeed ee muqdisho, waxaa
lagu dhayi karaa kiniin uu dawaarle soo qoray, runtii taasi waa maya, aan u
dego dulucda guud ee darmaanta aan wada xanbaarsantahaye, badiba dadka loogu
yeedho hogaamiye kooxeedka (faction leaders) waxaa beesha caalamku u kasbatay
hilaw farabadan waxaa badiba loo igmay tobanaan xeerbeegtiya waxaa la iskugu
yeedhay madal qudha, balse intuba waxay noqdeen sidii tii laga yidhi
ninkii digashada badnaa
Daaruhu tayo waa ka gaal
dulmay taran leeyihiin
bar duunyo ah waa ka caydh
waxay ku dul nool yihiin
nin daaqsada xoolo nool
dubbaha fakhrigay tumaan
waxay derbi jiifiyeen
barbaarkiyo doobka nool
carwada dibjirkay dhalaan
hadday kugu soo durkaan
ducaa laga hoos galaa
maxay damal weyn shiteen
maxay qudhac deebiyeen
waxay dab sudheen dhirtii
dhulkay midab dooriyeen
bal eeg degelkii hufnaa
bir iyo waxa daasad yaal
bal eega dalkii xalaa
waxay lafo daadiyeen
Shil baa dunidii ka dhacay
daacuun halisaa ku fiday
duufaan simay baa la tegay
doofaarrada aan gudnayn
diinlaawaha gaalku dhalay
maxay dulin faafiyeen
maxay samo duudsiyeen
maxay godob daaqsadeen
maxay denbi xoogsadeen
maxay dabar soo xardheen
waa farriinta badana ay shacbiga Reer
Somaliland u dirayaan kooxaha muqdisho isku dilaaya, waayo saaxiibayaal maanta
anaga waxaa noo dan ah hadaanu nahay qaranka Somaliland ee aan sinaba loo
duudsiyo karin, walaalahayga Somalia oo marin xalaal hela, nabadi ka aslaxdo,
si nabad loogu wada noolaado geyiga fog ee beriga afrika, aan u dego dihin kale
eh, hadda waxaa beesha caalamku yagleeshay shir kaasi oo badiba cidhifyo badani
usoo hanaqal taagayaan, balse su,aashu waxa weeyi sideeba wax ay u dhisan
karaan Somaliya? jawaabta su,aashu akhriste aad ayey u fududahay waxaanan ku
soo xeeriyey hamuunta hoos ku taall:-
1. In dhamaan Beelaha, waxgaradka,
siyaasiyiinta, salaadiinta, cuqaasha garaadada, iyo waxgaradka iskugu yimid
madasha eldoret ee asal ahaan ka soo jeeda Somaliya ay aqoonsi buuxda siiyaan
JAMHUURIYADDA SOMALILAND
2.in dhamaanba beelaha iyo waxagaradka iyo
siyaasiyiinta iyo cuqaasha, garaadadu ay go,aanshaan in shirku u gaaryahay
SOMALIA, taasi oo xalka la raadinaayo loo raadinaayo SOMALIA ee dadka asal
ahaan ka soo jeeda Somaliland shirka dibadda looga saaro.
3. In la gorfeeyo iyada oo la is hor fadhiyo
wixii dhibaato la isku geysto runta oo cadna la is waydaarsado lana xanuujiyo
nabarkii hore loo dhaawacay lagana saaro viruska iyo bacteriayada ku dahaadhan.
4. In Somalia loo helo hogaan matali kara kuna
hadli kara codka umadda Soomaliyeed kaasi oo haddii aanu nahay Reer Somaliland
aanu kusoo dhawaynayno Magaalo madaxda Hargeysa Hogaankaasi oo aqoonsan
jiritaanka iyo madaxbanaanida Somaliland.
5. in la helo dawlad furfuran oo ka saafi ah
ururada xanuunka ku ah xuquuqda aadamaha, argagixisada, iyo weliba dhamaan
aqoonta militerya.
6. Dawlad aan cadaw u ahayn hirka nabadeed ee
mandaqadda beriga iyo badhtamaha africa oo la dagaalanta argagixisada caalamiga
ah.
qodobadaasi iyo kuwa kale haddii ay iska indho
tiraan walaalaha Soomaliyeed ee ku xeeran madasha eldoret waxaan huba in ay ku
fashilmi doonan hanaanka ay mudada badan u hureen ee ay u fadhiyaan kenya.
WA BILAHI TAWFIIQ.
WAXAA DIYAARIYEY MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)
KARACHI, PAKISTAN.
diridhaba2001@hotmail.com
DUX
LA'AANTA DAWLADDA CUSUB EE RIYAALE
iyo dibin daabyada dadweynaha ... Guji
June 7
QORAALADII HORE EE DIRIDHABA
-dhammaad-
Afeef: Aragtida qoraalkaan waxaa leh oo ay
gaar u tahay qoraaga
ku saxiixan, kana tarjumi meyso aragtida SomaliTalk.com
Faafin: SomaliTalk | June 15, 2003
|