SomaliTalk DALSAN
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - MAQAAL

HANASHADII SOMALILAND IYO RIYADII SOMALIWEYN

Horta waxaa mahad leh ilaahay abuuray khalqiga ee inaga dhigay dad islaam ah oo uu ugu nimceeyey diinta muqadaska ah ee islaamka, waa marka xigta eh waxaa wax walba ka muhiimsan isfahamka iyo isqadarinta.
waxaa jirta in taariikhda umadda afsoomaliga ku hadasha oo aad iskaga gaaban ay hadana soo martay mawjado coladeed, siyaasadeed dhaqaale iyo weliba kelitalinimo oo aad u qoto dheer oo run ahaantii salka ku haysa dhibaatada haatan ka taagan somalia markaan leeyahay somalia uma jeedo dadka iyo dalka somaliland ee waxaan u jeeda waa dadka dega somalia ( farmer italian protectorate capital mogadisho).

.Hoos Akhri 

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

  

Akhristayaal waxaa taariikhda cidina ma qorto eh jirta oo la wada xasuusanyahay in wixii soomaliya la odhan jiray ee qiirada lagu sameeyey ay aabe u ahaayen oo ay sameeyen ummaddda iyo shacbiga reer somaliland waxaa ka soo bilaw sannadahii kontomeeyadii ilaa laga soo gaadhay markii xorriyadda ay qaadatay jamhuuriyadda somaliland waxaa ummadda somaliland u heelanayd xorriyad iyo wada jir ay maruun ku faanan oo ay kula midooban wixii ay filayeen ee ahayd qiirada israaca oo ay ku walooloban calan xanbaarsan shan xidigood oo ka turjumaya shantii soomaliyeed ee kala firidhsana waxaa magaalooyinka hargeysa burco iyo berbera ka bilaabmay abaabul xoogbadna oo ay sameeyen ururo iska abaabulay bulshada reer somaliland oo aqoon aad u xanbarsanayd watay.

Waxaa la soo gaadhay goortii iyo amintii dawladda mustacmaradda ahayd ee ingiriisku ( british protectorate) ay wareejin lahayd xorriyadda gacantana u gelin lahayd dadka iyo ummadda somaliland waxaa 12:00 habeenimo kumanaan qof oo iskaga yimid lixda gobol ee somaliland u qaybsantahay ku soo xoonmeen meel badhtamaha magaalada hargeysa ku taalla oo aan haatan wax sidaasa ka durugsanayn goobta ay ku taallo fagaaraha kheyriyada ee ay siyaasiyiinta iyo dawladda somaliland uga qudbadeeyan shacbiga somaliland, akhristow xaqiiqdii shacabka somaliland kuma uu fikirayn oo qudha xoriyadd ay keligood ku taaman iyagoon shacabka somaliland u dhalan xisdi iyo keli talinimo ayaa waxa maankooga ku weyna goormad dadka afka soomaliga ku hadla la midayn doona isla markii ay dawladda ingiriisku ku wareejisay calanka siyaasiyiintii reer somaliland oo uu hor kacayey siyaasigii weynaa madaxweynihii somaliland ee dhawaan geeriyooday marxuum mudane maxamed ibraahim cigaal.

Taariikhda Lagama Been Sheego... GUJI...

<><><>

Aan Wax Qalano Mindiyaha Qarsano... GUJI 
 

Siyaasi cumar carte qaalib iyo rag kale oo fara badan ayaa waxaa la soo gaadhay aroornimadii iyada oo aan habeenka laga seexan dhamaan gobolada iyo magalooyinka dalka somaliland oo dhan waxay ay dadku ku tiraabayeen somaliya ha is raacdo" waxaa habeenkii danbe la iskugu yimid beerta xorriyadda ee magaalada hargeysa waxaa halkaa ka soo jeediyey geerar aad u dheer oo run ahaantii halhays weyn noqday gebyayaagii weyna ee suldaan cabdilaahi timacade oo gabaygiisi dheera uu hal ku dhig u ahaa " SAREEYOW MA NUSQAMOW BAL SIDUU YAHAY EEGNE KANA SIIB KANA SAAREY" waxaa goobtaasi ka hadlay rasa'isal wasaarahii ugu horeeyey ee somaliland oo ahaa alla ha u naxariistee maxamed ibraahim cigaal madaxweynahii geeriyooday ee somaliland kelmadahii halkaa uu ka yidhi ee aanay xita shacbiga reer somaliland weli iloobin waxaa ka mid ahaa " shacabkayga qaaliga ahow umusha waa la todoba bixiyaaye aynu todoba cisho la sugno" laakiin mudane cigaal ilaahay naxariistii janno ha siiye wuxuu taa kala kulmay buuq isla aroortina waxaa la dhegax tuuray gurigii uu ka degena magaalada hargeysa iyada oo dadku ku eedaynayeen inuu ula dan leeyahay inuu walaalahayo somaliya naga reebo, nasiib darro waxaa la soo gaadhay 1 july sannadii 1960 oo ahayd markii uu talyaanigu ( italian protectorate) xorriyadda siiyey somalia.

Iyada oo shacabka somaliland ay u ahayd rayn-rayn iyo tamaashad ayaa waxaa lagu beegay in labada dal waa somaliland eh iyo somalia la mideeyo si bila shuruud ah waxaa waraaqo digniin ah ka soo gaadhayeen siyaasiyiinta reer somaliland wadanka ingiriiska oo looga digayey inaan midawga lagu degdegin ee loo yeelo xikmad balse taasi may dhicin ee waxaa dhabowday hamigii ay qabeen shacabka somaliland intaan hadaba akhristow labada dal la isku darin ayaa waxaa golahii wasiirada ee dalka somaliland oo madax uu u ahaa maxamed ibraahim cigaal warqad u soo direen barlamaankii uu talyaanigu u sameeyey somalia oo uu madax u ahaa aadam cadde taas oo loogu sheegayey in labada dal midooban isla maalinta xorriyadda la siinayo somalia oo ku beegnayd 1 july balse nasiib darro waxaa loogu soo jawaabay maxaa shuruud aad la imanaysaan, yaa idinka wakiil ah" ha ku degdegina midawga"!!!!! iyo hadala noocasi ah yaabka yaabkii laakiin umadda iyo shacabka somaliland oo aad u jibaysna may dareemin hadalada waxay ka soo qaadeen hadalo walaalnimo iyada oo somalidu hore ugu maahmaahday " gacal isma cidhiidhyo" waxaa ay dadka iyo shacabka somaliland oo ay ka wakiil ahaayeen maamulkii uu ingiriisku ku wareejiyey xorriyadda uu madax u ahaa alla ha u naxariiste maxamed ibraahim cigaal si bilaa shuruud ah oo xitaa aan jamiciyadda quruumaha ka dhexaysa ( united nations) aan lala socodsiinin ula midoobin goboladii koonfurta ee somalia waxaa si bila shuruud ah loogu doortay caasimad magaalada muqdisho oo ahayd caasimadii somalia ee italian protectorate ka, akhristow xasuusnow kharashaadkii dawladda lagu midoobay ama aan idhaahde misaaniyaddii waxaa boqolkiiba sideetan ( 80%) laga keenay somaliland, xagga somalia oo talyaanigu caydh kaga tegay boqolkiiba labaatan laga keenay, waxaa isla markiiba la gelay doorasho iyada sidan wax loo qorsheeyey:-

1. in uu madaxweynahu ahaado ( koonfur) AADAN CADDE
2 . in ra,isal wasaaraha laga dhigo (koonfur) cabdirisaaq
3. golaha baarlamanka oo ka koobna 99 xubnood somaliland waxa laga siiyey 33 xubnood.

4. golaha wasiirada oo ka koobna 21 wasiir somaliland waxaa laga siiyey afar wasiir.

5. caasimada waxaa laga dhigay muqdisho oo ahayd koonfur
akhriste waxaa shacabka somaliland oo sidaa aan kor ku soo sheegay u oleeyey miyadnta loogu abaal guday cabudhin yasitaan iyo in laga dhigo dad aan waxba ahayn waxa ka mid ahaa kelmadaha halhayska u noqday ee aan weligood iyo allahood shacbiga reer somaliland maankooga iyo maskaxdooda ka faaruqayn markii ay reer somaliland kalgacalkay u qabeen ugu tageen muqdisho si ay walaalnimada iyo soomalinimada ula wadaagan koonfur kelmado ay ka mid ahaayeen " SOOMALI KHALDAAN, QUDHMIS, XUNYAHOW XUNKU DHALAY" iyo kuwa kale oo aanan halkan ku soo koobi karayn oo run ahaantii iska daa inta jirta ee reer somaliland ahe ka uurka ku jira ka sii damqado, waxaa akhriste la soo gaadhay sannadahii 1969 kii waxaa ka dhacay dalka afgambi militery, iyada oo run ahaantii hargeysa waa caasimadda somaliland eh aan sidaasiba looga dareensanayn oo ahayd goob yasan oo aan hanaanka dawladnimaba ka jirin, oo ay dawladda la sheegayaba ku koobnayd muqdisho, waxaa 1969 12 october afgambi militery ku qabsaday dalka gacanku dhiiglahii hubaysnaa ee afweyne barre, waxaa u bilaabmay shacabkii reer somaliland ee masaakiinta ahaa hoog iyo balanbal waxaa dhegta dhiiga loo daray kumanaan iyo kumanaan qof oo iskugu jira caruur hooyoyin gabdho iyo wayeelba hargeysa waxaa ay noqotay hoyga xasuuqa iyo dhawaaca, waxaa shacabka somaliland loo gooyoy gaar ahaan kuwii ku noola magalada hargeysa qodobadan.

1. in dadka ku nool somaliland aanay dhisan karin wax ka dheer laba dabaq dhisme ah.

2. in aan haba yaraate lagala soo degi karin wax alaab ah dekedda berbera albaabadana loo .

xidho iyadoo la adeegsanayo dekedda magaalada jibouti oo ugu dhawayd somaliland.

3. gawaadhida nooca lala dhex maro magalooyinka hargeysa waxaa loo bixiyey ( isaaq ma gayo) oo aynu fahmi karo macnaha iyo murtida ka danbaysa.

4. dadka degen gobolada somaliland waxaa lagu amray in aan haba yaraate shanta galabnimo albaabada loo laabo goobaha ganacsiga shakhsina lagu arkayn meel ka mid ah magalooyinka.

Akhristow siduu ii sheegay wiil yar oo ku sugna sannadkii 1987kii magaalada hargeisa "waxa aan xasuusta aniga oo jiray todoba sanno in guriga nalugu soo jabiyey aniga iyo hooyaday saqdii dhexe iyada oo inta ay askari baadhay daba ilaa dacal weliba naloogu henjabay in nala layn doono, waxaan xaadir u ahaa nin aanu jaar ahayn oo hortayada lagu dilay maydkiisina lagu daray xabaalaha xasuuqa ee goobta duleedka hargeysa ee loo yaqaan "goobta dilka" ninkaas miskiinka ahaa oo aan waxba galabsanin", run ahaantii ma soo koobi karo dhibaatadii ku dhacday shacabka somaliland cidhiidhigii iyo duligii ay isbadeen ee la kulmay, waxaa la soo gaadhay sannadahii 1988 kii waxaa ka bilaabmay magalooyinka hargeysa, burco, berbera, halgan hubaysan oo lagu jihaadayey xoraynta gobolada somaliland waxaa ku daatay dhiig fara badan waxa ku naf waayey geesiyaal naftooda u huray xoraynta dhulkooga hooyo, nasiib wanaag waxaa sannadkii 1991 ciidamadii halyayayada ahaa ee xaqu dirirkii SNM ( somaliland national movement) ay gacanta kaga dhigeen xukunki kacankii hanti wadaaga ee cunsiriga ahaa ee siyaad barre gacanta dhamaan gobolada iyo dhulka uu ka koobanyahay somaliland akhristow waxba yaanan hadal kugu daaline waxaa la soo gaadhay 18 MAY 1991 waxaa beelaha wada dega lixda gobol ee somaliland wax garadkoogi cuqaashoodi iyo siyaasiyiintoodi isku urureen magaalada burco oo ay kaga hadleen aayaha iyo mustaqbalka somaliland waxaa aroornimadii 10 barqanimo 18 MAY 1991 madaxweynahii somaliland ee hore ahaan gudoomiyahii ururkii SNM uu ku dhawaaqay dib ula soo noqoshada xorriyadii luntay ee somaliland waxaa u bilaabmay shacabka somaliland oo ay u dhamaadeen tiif dhibaato hoog iyo balanbal xagga akhristow muqdisho lagu raaxaysanayey jiifka, iftiin iyo saansaad xoriyadeed oo run ahaantii ay lumiyeen balse ay ku heleen dhiigoodi oo ay daadsheen, akhriste waxaan daliil uga dhigan kara in labada magaalo ee hargeysa iyo muqdisho aanayba isku iman karin waxaad weydiisa qof reer muqdisho ah maxaa ka dhacay somaliland xaqiiqdii war iyo wacaal kama hayo wuxuu ku baraarugay caydiid iyo caato oo islaynaya, hadaba waxaan jecelahay kuwa ku fikira magaca somaliweyn iyo kuwa u hana qaada inaan weydiiyo su,aalahan oo aan u rabo jawaabo rasmiya oo caqli gal ah:-
1. halkay jirta midnimada danbe ee hadhay?

2. yaa dumiyey calankii shanta xidigood lahaa ee somaliweyn tallow ma caydiidba mise waa caato idinka ka jawaabi?

3. dhibaatada dhacday ee reer koonfureedow aad ku baraarugteen ma ta jirta tobonkan sanno ee muqdisho wareersanaydba mise waa tii jirtay soddonkii sanno 1969 ilaa 1991?

4. markaad reer koonfureedow leedahiin dib u heshisiin yaa la heshiisinaya ee islaayey?

5. su,aasha iigu danbaysa weeyane ma umalaynaysaan shacabkay dhibaatadaasi ku dhacday ee sidaasi fudud xoriyadoodu uga baxday ee dhiigasi ku daatay in ay aayar markale muqdisho u keeni idinka ka jawaabi doona?

su,aalahaasi xaqiiqdii waa qaar aan jawaab u doonayo, guntii iyo gebo gebadii ayaan waxaan leeyahay " marka ay baabacada cad ee bini aadmiga ku taalla ka soo baxaan ee lagu arko timo ayey somaliland iyo shacabkeeda iyo dawladeedu intay aayar xoriyadooda soo qaadan marlabaad muqdisho keeni karaan alla mahad leh somaliland guul iyo gobonimo


FROM: MOHAMED ABDI HASSAN ( DIRIDHABA)
KARACHI, PAKISTAN.

diridhaba2001@hotmail.com

jan 28, 2003

I  I  D  H  E  H

   Afeef: Aragtida qoraalkaan waa kuwo u gaar ah qoraaga ku saxiixan, kana tarjumi mayaan aragtida SomaliTalk

 Qoraaladii hore ee Diridhaba...

 SOCDAALKA RIYAALE IYO SAHAMINTA SHACABKA SOMALILAND 
FALADII MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002



HTML CD