SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO
Dagaal ka dhacey Beydhabo

calideqWQ: Ali Mohamed Haji (Calideeq)
E-mail: caliddeeq@hotmail.com
MOGADISHU SOMALIA

March 10, 2003

 

KAAH

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in uu Xaley Dagaal ku dhex marey Garabyada Sheekh Adan Madoobe iyo Maxamed Ibraahim Xaabsade oo isku dhinac ah iyo Xasan Maxamed Xaabsade oo isku dhinac ah iyo Xasan Maxamed Nuur (Shaati guduud ) oo dhinac.

Dagaalkaan ayaa Bilowdey Xilli dambe oo ay dadka Badankiisu hurdaan Abaarihii 3:30pm socdeyna ilaa Waaberigii 7:00am.

Ma jirto Cid si rasmi ah uga soo warami karta Qasaaraha uu geystey Dagaalkaan balse warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegay in ay ku Dhinteen ilaa 4 qof oo ah Maleeshiyooyinkii Dagaalamayey.

Inkastoo ay jiraan warar is burinayaa oo Garabba garabka kale ku sheegayo in uu ka Diley Dad badan marka laga soo tago Sheegashada labada dhinac.

Wararku waxey sheegayaan in Gacan ku heynta Magaalada Baydho ay wali ugu jirto Garabka Sh. Adan Madoobe iyo Xaabsade.
Dagaalkaan ku saleysan Xafiiltanka Siyaasadeed ee la xiriira Gacan ku heynta Gobolka BAY ayaa ah mid soo jiitamayey muddo ku dhow 8 bilood Gaar ahaan Magaalada Baydhabo ayaa aheyd mid hadba Garab Gacanta u gasha inkastoo bilihii Dambe looga Awood roonaadey Garabka uu hogaamiya Shaati guduud, hadana waxey Maleeshiyada Daacada u ah Xasan Maxamed Nuur (Shaati guduud)ay soo Qaadaan Weeraro is dabo joog ah oo u badan Arbushaad ay sameeyaan Habeenkii, waa sida warbixinada halkaas ka imanaya tilmaameene, Taasoo Qalqal badan ku abuurta goobahaas.

Dagaaladaan ku Saleysan Ku dhifoo ka Dhaqaaq ayaa Dad weynaha Bay Gaarsiiyey in Galab dheer ay Xiraan Goobaha Ganacsiga Cabsi ay ka qabaan in dagaal ku helo ayaga oo Badeecadoodu ay kala daadsan tahay

annanKofi Annan, Xoghayaha Guud ee Qaramada midoobey, ayaa Kooxaha Soomaaliyeed ugu baaqay in ay colaada joojiyaan isla markaana ka qayb qaadaan hanaanka geedi socodka nabada, waxana uu cadeeyey in hadii ay dagaalka joojin waayaan lala xisaabtami doono, waxa kale oo Annan uu ka codsaday wadama deeqda bixiya in ay caawiyaan Soomaaliya, sidaas wuxuu ku sheegay qoraal kasoo baxay UN-ka Feb 28, 2003

 
WQ:- Ali Mohamed Haji (Calideeq)
E-mail: caliddeeq@hotmail.com
SOMALITALK MUGADISHU


DAGAAL DHEXMARAY YALAXOW IYO CUMAR FINISH
MUQDISHO: ugu yaraan 8 qof ayaa dagaalkaas ku dhintay, waxaana soo baxaya warar tirada dhimashada gaarsiinayaa ilaa... GUJI...  

<><><>

I  I  D  H  E  H

WARARKA SHIRKA MBAGATHI
»»SRRC oo eedayn Kulul usoo jeedisey DKG
»»Cismaan Caato oo Weli diidan SHirka Nairobi
»»Shariif Salaan oo Kubaaqay in Laga Soo qayb galo Shirka
»»Cawad Cashara: Eedaynta Deriska waxba kama jiraan
Dhamman Ka Akhri Halkan Feb 28

TAXANIHII SHIRKII ELDORET

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD