Barqanimadii talaadadii, 5 march 2003 ayaan u banbaxay inaan booqdo madasha
shirka dib u heshiisiinta soomaalida , ee ku taal; duleedka magaalada Nairobi .
intii aan ku jiray safarkii gaabnaa ayaa darawalkii baabuurkii aan la socday I
weydiiyey su’aalo ay ugu cuslayd ,waxaad tihin hal qabiille maxaaad isu
dilaysaaan, idiinkoon waliba haysan canaasirta aadnaha kala qoqobta oo kal
qaybisa, sida kala duwanaanshaha qabiilka ,diinta iyo midbaka . intaan u
jawaabin ayaan waxaan sikadis u dhexgalay sheeko kale oo naga shuqlisay tii
hore. Markii aan gaaray goobtii aan u soo qasday, ayaan haddiiba dheehday
goobta muqaalka quruxda badan ee loo qoondeeyay in ay soomalidu ku xajoodaan..
Madasha marti galinta maryoolaydu waxay ahayd meel magac iyo muuqaalba san. Waa
meel ah kuliyad wax barasho, oo si heer sare ah u nidaamsan, ardayda [college]
ka ayaa iyagoo kooxo kooxo ah si degen u mushaaxayey waadooyinka quruxda
badan ee goobtaas.
Saaxiibkay Ibraahim
Maxameddeeq oo safarka igu weheliyey ayaa farta iigu fiiqayey
dadka magacdheer ee soomalaiyeed siiba qabaqabalayaasha dagaalka , markasta oo
aan ogaado in ruuxaasi yahay hebel oo aan horay u maqalay magaciisa, muuqiisan
hada u jeedo waxan isku dayayey inaan ogaado maskaxdiisa, waxaana ogaaday in
badankoodu ku sifoobeen MAGACWEYN IYO MASKAX WEYD AH.
Ka sokow dagaal oogayaasha dadka caadiga ah ee shirka ka soo qayb galay ,waxay
ahaayeen duul karaamiyo colba leh , inkastoo ay ku jiraan qaar heer
magaalinama iyo xadaarada dawladnimada casriga ah aan dheef weyn kala socon
hadana meesha lagama saari karo in ay ku jireen kuwo leh aqoon wanaagsan oo
meesha ka baxda marka ay qabyaaladu canalwalaynayso.
Ka qayb galayaashu waxay u bandnaayeen kuwo calashada maydhaxda qaadaka ,
dhaqdhaqaaqa cibaada xagga diinta ayaa aad ugu yar ama gaabis ku ah shirka iyadoo mudadii aan jogay aanan maqalin wax diinta khuseeya, kol
ay ku tahay
aadanka salaadaha , taas oo aad ugu duwan xaafada soomaalidu ku badantahay ee
Eastleigh oo cibaadada aad loogu dadlaalo adanka masaajiduna isu baxaan
waqtiyada salaada.
Ibraahin Maxameddeeq ayaa mar aan arinkaas wax ka weydiiyey ii sheegay in xataa
eldoret oo shirku horey ugu socon jiray ay ka darayd xaruntan cusub ee Bagathi
oo dad badan ay afuraayeen dharaarihii ramadaanka.
Dadka shirka ka soo qayb galay badankiisu ma cadeyn karaan meesha soomaalidu ka
bugto iyagoo eeda dhabarka u saaray meelo aysan khusayn waxayna taasi i xasuusisay erayadaydii ahaa : GOCASHADIYO TAAHIYO, HALKII CUDURKU KAAGALO
,MARKAAD
GARAN KARAYSAA, DAAWADA LA GAARAA.
Madasha shirka waxaa ka maqnaa eragada doooxad juba iyo kuwa dawlada ku meel
gaarka ah, mar aan wax ka wey diiyey kuwa ugu dhaw dhaw kooxahaas waxay ii
sheegeen in ay qawadeen cadaalda shirka, mana aha iyaga oo kaliya cidda ka dayrisay
cadalada ee waxaa iygun taas la qaba kuwa kale oo hooska tooxaynaya . waxyna
taasi ina ku soo bya xigmadii gabayaagii weynaa ee Cali Dhuux ee ayhad :RAG
CADAALAD WAAYAA SIDII CAWSHII KALA YAACYE:
Ergada ka socota Puntland oo shir ku lahaa halkaas ayaa mid ka mid ahi ii
sheegay mar aan wax ka weydiiyey waxay ka shirayeen in ay iyagu yihiin kuwa
kaliya ee nidaam ku salyesan kuna soo wada baxay ,haddii sirku bur burana
haytsa meel nidaam iyo maamul leh oo ay ku noqdaan, sidaas darted ay waajib
tahay in ay mar walab ka tashadaan wixii soo kordha.
Goobta ay degan yihiin eragada puntland ayaa ahayd meesha ugu mashquulka badan
shirka oo dhan, waayo waxaan arkayey dad shayb iyo shabaaba leh kana kooban
qaybaha bulshada soomaalida oo galaa-baxaya , waxaana lagu macneyn karaa inuu ka
socday olole siyaasadeed iyo loolan adag, dhinaca kale dad door ah oo isugu jira
ka qayb galayaasha iyo dad kale oo caadiya ayaa aaminsan in wadamo ka tirsan
safka hore ay mijaxaabinayaan habsami u socodka hawlaha shirka iyagoo si khiyaali ah dhinaca u saraya qaar ka tirsan kooxaha, waxaa kaloo muuqatay
fikrada ka dhex jirta shirka oo ku doodaysa in qaar katirsan wadamada IGAD aysan
kal iyo laab ka ahayn dawladnimo laga yagleelo gayiga soomaaliyeed, taas oo ina
xasuusin karta , gabaygiii Qamaan Bulxan ee ay ku jiratay xikmadan;
BAADIDA NIN
BAA KULA DAY DAYA DAALA KAA BADANE OON DOONAHAYN INAAD HESHAA DAA’IN ABIDKAAYE ,
DADKUNA MOODI DUUL WADA DHASHOON WAX U DAHSOONAYANE.
Haddii aan dib u raacno taarikhda waxaan arki karaa farqiga udhexeeya
qabqabalyaasheena iyo nimankii ka talin jirya Earope quruuntii dhexe ee loo
yaqaanay middle ages 400-1500 AD Ciise dabadii .nimankaas oo loo yaqaaney
warlods waxay ahaayeen kuwo noloshopda oo dhami ku xiran tahay dagaal oo qoriga
caaradiisa quuta , dhinaca kale maysan ahayn sida dagaal oogayaasheena oo kale
kuwo baabiya dhaqanka ,qiyamka bulshada iyo waxyaabaha damiirku ku shaqeeyo ,
waxayna worlds kii yurub ahaayeen kuwo ku dadaal hurumarinta ummadooda .
Waxaa kale oo tusaale aan u soo qaadan karaa, imbridooriyadii ugu weynayd ee
calamaka soo marta ee loo yaqaanay [Mongol
Empire] ee jirtay intii dhexaysay
1100-1368 ,ibridoorkii ugu weynaa ee soomary wuxuu aahaa kii lagu magcaabi
jiray Genghis Khan wuxuuna ahaa nin aad u naxariis daran oo majixinjixe ah kaas
oo dadkiisa oo ahaa reer baadiye caga cad ka dhigay dadka ugu dhulqabsiga badan
taaariikhda aduuunka. Waxaana intii ay monglosku dagaalamayeen hoosyimid
xukunkooda wadmada, bariga yurub , China Korea, Mongolia Turkstan , Armeina ,
Russia, Barma, Veitnam, Thailand iyo Turky .
Inkastoo Genghis Khan uu ahaa mid ka mid ah dadka aduunka ugu arxanka daran,
hadana wuxuu kaga fiicnaa dagaal ogayaasheena, isagoo lahaa dhinac suuban waayo
waxaa dagaalkiisa la socday horumar aduunka raadeeyey, waayihii uu xukunka hayey
waxaa caalamka ku fiday farsamooyin casriya iyo hindisaad waxana ka mid ah
waxyaalahii uu Yurub ku soo kordhiyey farsamaadii ugu danbeysay ee Reer
shiine sida waraaqaha wax lagu qoro , madbacadaha, jiheeyaha iyo waxyaalo kale
oo badan.
Dhinaca kale dagaal oogayaasha soomalidu way ka duwan yihiin jabhadaha kale ee
caalamka xataa kuwa afrikaanka ahi kuma raacsana wax duminta waayo markii ay
falaagooyinku qabasadeen, wadmada Ethopia , Ruwanda , Burindi , DRC iyo kuwo kale
oo badan waxay falaagooyinkaasi sii joogteeyeen habkii iyo hanaankii dawliga
ahaa siday doonba wax ha u badaleene.
Laakiin kuwii soomalidu maysan ku dadaalin qiimaha aadanaha waxyna shacabkii ku
xukumeen madaxaa ha ku furto.
Waxaana jira fikrado had iyo jeeraale ku dooda in aysan qabqablayaasha dagaalka
yihiin budhcad damacsan in ay ummada waligood madax fursho u haysataan iyagoo
ismooday ina ay ka raysteen dawladnimadii ayna ka go’antahay ku tumashada
dhaxalka qaranka, waxaana marag ma doonto ah ina ay idaacadaha ka sheegeen in ay
sheekaduba tahay kubbada midba mar raynayo . waxyana ku soo biyo dhacaysaa
eraydadii qoraha faalada ee ahaa sidan;
-
DHALAANKUBA MAR BAY MULAC
-
IYAGOON U DHAADAYN .
-
INTA AY KU DHEELAAN
-
KA DHIGAAN DHALFIIHAHA,
-
ISAGUNA DHUGLAAWIYO
-
MA YAQAAN DHIWLOWGEE
-
DHIIBAY KA JOOGTAA
-
TAA WAXAA KA DHIGANOO
-
MARNA AANAN DHAAFAYAYN
-
DHINBIL HURIYEYAASHIYO,
-
DHAMAC OO GAYAASHAAN,
-
DHULKII AAN LAHAYNIYO
-
DHAQAN IYO DHAQAALIYO
-
DAMIIRKII DHISNAAN JIRAY
-
INTA AY KU DHEELEEN
-
DHAYI WAAYEY DABADEED
-
DHAAWACAY U GEYSTEEN.
Dagaalogayaashu waxay ku sifoobeen wax aan iyaguna isjeclayn dadkuna jeclayn
markay ku guuldareysateen in ay in yarana bulshada u muujiyaan in ay wadeen is
badal markii ay damceen in ay meesha ka saaraan xukuumadii hore ay waxna keeni
waayeen ,maatadiina dubtaan waxaana taas inoo bidhaamin kara eraydii Maxamed
Xaashi Dhamac [Gaariye] markuu lahaa sidan,
-
NIN WAX DOONAYOON WADIN WAX KALUU KA DOOR BIDO.
-
WUXUU DOONAYAAN JIRIN.
Waana saase waxay noqdeen kuwo saxiixidu u fududahay dhaqangalintuna ku adag
tahay. Waayo iyagoo saxeexay xabad joojin intii lagu jiray shirka wali loo
fadhiyo ayey hadana xabadu gees kasta oo Soomaaliya ah ka qaraxaysaa.
Hadaba waxaa is wediin leh xal makeeni karaan dagaaloogayaal iyagu ah qaybta ugu
weyn ee mashaqada soomaaliya mase keenayaan ? mase ka go’an tahay beesha
caalamka nabadanynta soomaaliya iyo in dawlad laga yagleelo geyiga soomaalida ?
haddise ay ka go’an tahay maxay arintu gaabis u tahay ? mase dhicikartaa in
caalamku soomaalida u sameeyo qorshihii lamagac baxay [ Marshal plan] ee
maraykan ku ugu talagalay dib u dhiska Earope, ka dib dagaalkii labaad ee
aduunka, haddiiba ay dhici karto in aduunku dadaal u wado soomaalida ,maxay
waa jib u tahay in dagaal oogayaal danbiile yaal dagaal ah la wada-hadalsiiyo
iyadoo ahmiyada la siin waayey oo dhabarka loo jeediyey qaybihi kale ee bulshada.
Su’aal kale oo meesha ku jirta ayaa ah hadiiba ay dhacdo in dawlada loo dhiso
soomaalida ma hanankartaa ? ,mise wali uma bisla ee waa in horta DAD LA
DHISAA SI AY AY DAWLAD U SO DHISAAN? oo arinku waa dad dhisa ee dawlad ha
dhisina si aysan u burburin sidii tii hore ee ha la gaaro xilli ay hanan
karayaan..
Qabqablayaasha xalka looga fadhiyo iyo cidda ugu fadhidaba , miysan
kusifoobayn , erayadii Gaariye ee ahaa sidan:
-
NIN DAWEE LA LEEYAHAY DANBI U BADH LEEYAHAY
-
XALKA DOON LALEEYAHAY ISAGAY UDARANTOO
-
DAARAANTA MILILKA LEH INUU DAARO MA OGOLA.