SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - DIGNIIN CAAFIMAAD
CANADA: Gobolka Ontario oo  ku dhawaaqay Xaalada Degdeg ah oo Caafimaad

Tarjumadii SomaliTalk | Canada March 27, 2003

TORONTO: Dawladda gobloka Ontarlia ee dalka Canada ayaa ku dhawaaqday xaalad caafimaad oo degdeg ah si looga hortago loon axadido cudurka aan la aqoon ee loo yaqaan SARS ee kasoo fafay dhankaas iyo koonfur Bari Aaasiya. [Daawo Halkan.... Canada TV]

Jariidada Toronto Star cadaddkeedii Arbaca March 26 waxa uu qoray in kumanaan qof la amray in ay "is karantiinaan" oo ay xirtaan qalabka samka lagu xirto ee loo yaqaan "masks", aybtoodna ay guryaha joogaan. Waxaa jariidadu werisey sarkaal ka tirsan qaybta caafimadka Torornto uu yiri qofkasta oo booqday cisbitaalka  Scarborough Grace Hospital oo kuyaal Toronto laga soo bilaabo March 16 in uu gurigiisa joogo muddo toban cisho ah oo ka bilaabanaysa maalintii uu qofkaasi cisbitaalka booqday. ISHA. 

Ilaa hadda waxaa lagu soo waramay in Canada lagu arkay 27 qof oo ay suurta gal tahay in ay cusurkaas qabaan iyo 5 qof oo loogashakiyey cudurkaas. Laba qof ayaana cudurkaas u dhintay, sida aad ku arki doontid warbixintii hore ee cudurkaan ee hoos ku qoran.

<><><>

CUDUR AAN LA AQOON OO HALIS AH OO KASOO FAAFAFAYA AASIYADA KOONFUR-BARI

Tarjumadii SomaliTalk.com 

March 17, 2003

Hay'adda Caafimaadka Adduunka ee marka lasoo gaabiyo loo yaqaan WHO [World Health Organisation] ayaa faafisay digniin kusaabsan cudur cusub oo dunida ku faafaya, cudurkaas oo halis ah wuxuu ku dhacaa xubnaha neefsiga ee qofka bini Aadamka ah, waxaana cudurkaas marka lasoo gaabiyo loogu magac daray SARS oo u taagan  “Severe Acute Respiratory Syndrome” taas oo afsoomaali ahaan ku noqon karta cudurkii xubnaha neefsiga ee halista ahaa. Ilaa hadda waxaa cudurkaas lagu arkay 150 oo kala jooga dalalka Canada, China (oo ay kujirto Hong Kong), Indonesia, Philippines, Singapore, Thailand and Vietnam. Waxaana u dhintay sagaal qof oo badankoodu ku noolaa Aasiya.

WHO waxa ay digniintaas caalamiga ah faafisay Sabtidiid (March 15, 2003).

Ilaa hadda lama oga waxa uu cudurkani ka bilaabmay, lamana hayo daawo la hubo oo lagu daweyn karo ilaa hadda. Waxaana jira warar sheegaya in aan weli la aqoon in cudurkani yahay Virus ama Bacteria.
KAAH

Sida degdegga ah ee uu ku fidaayo cudurkani awgeed ayaa hay'adda WHO ugu baaqday caalamka sidii la isaga kaashan lahaa helida ishii cudurkan, kaddibna loo daweyn lahaa, isla mar ahaantaana loo joojin lahaa faafitaankiisa.

Khubarada caalamku waxa ay u tafa-xayteen sidii ay u heli lahaayeen daawada cudurkaan ay WHO ku macnaysay halis soo food-saartay caafimaadka dunida.

Inkasta oo Hay'adda WHO ay ku dhawaaqday digniintaas caafimaad, hadana ma cayimin meelo gaar ah oo aan loo safri karin. 

Laakiin saddexda dal ee kala ah Thailand, Taiwan iyo Singapore waxa ay muwaadiniin tooda kula taliyeen in aysan u safrin Hong Kong.

Warar ay faafiyeen war-baahinta Malaysiya ayaa sheegay in dhammaan dadka lagu arkay cudurkaas neef-mareenka ku dhacaya ay si uun ugu xiriirsan yihiin Hong Kong.

Arintaas socdaalka la xiriirta ayaa markiiba madaxa caafimaadka Hong Kong oo lagu magcaabo Dr Yeoh Eng Kiong uu isugu yeeray kulan degdeg ah si uu adduunka ugu xaqiijiyo in halkaasi (Hong Kong) ay ilaa hadda tahay meel loo safrikaro.

Calaamadaha ugu waaweyn ee lagu garto cudurkaan loo bixiyey SARS waa:

  • Xummaad sare (>38oc)
  • Qufac, Neefsiga oo qofka ku yaraada, ama qaadashada neefta oo qofka ciriir ku noqta, iyo cunaha oo qofka xanuunaya.
Dhakhaatiirta Hanoi, Vietnam oo sanka duubanaya marka inta aaney gelin qaybta gargaarka degdegga ah.
 SAWIRKA AP, oo ay sii faafisay CBC

Waxaa kale oo calaamadahaas sare ee cudurka ka mid noqonkara: madax xanuun, muruqyo xanuun, daal, wareer, iyo shuban.

Waxaa dhakhaatiir badani ku tilmaameen cudurkaan mid aad ugu dhow hargabka (durayga). Waxaa akle oo lagu tilmamay in uu u dhowyahay cudurka liimooniyada [pneumonia].

Waxaa wararka qaybtood tibaaxeen in cudurkaas laga qaadi karo haddii lala kulmo oo aad loogu dhowaado qof cudurkaas qaba.

Dalal badan oo dunida ka mid ah ayaa cudurkaan indho dheer ku eegaya, waxaana kamid ah NewZealand iyo Australia. 

Dhanka Woqooyiga Ameerika, dalka USA ha'adda u qaabilsan ka hortagga cudurada ayaa ku dhawaaqday digniin cudurkaas ku wajahan.  Dalka Canada sida uu faafiyey Telefishanka CBC cudurkan waxaa u dhintay laba qof oo kamid ah qoys Toronto ka deggan xaafada Scarborough, qoyskaas oo qayb kamid ah ay dhowaan kasoo laabteen Hong Kong waxaa hadda meel gooni ah lagu hayaa afar qof oo isla qoyskaas ah. Dalka Canada ilaa hadda waxaa lagu arkay 10 qof oo cudurkaas qaba ayaa Telefishanku ku daray. [Halkan ka daawo warkii TV-ga Canada]

Labo halisood oo Qarnigan Soo Foodsaaray Shacabka Soomaaliyeed.. GUJI.

Dalka Soomaaliya oo aan hadda lahan dawlad-dhexe oo dadka uga digi karta halista caafimaad ee halkaas kasoo bixi karta, ama xadidid karta dadka ka imanaya dal cudurkaas lagu hubo, waxa ay walaac ku noqon kartaa shacabka Soomaaliyeed haddii cudurkaasi dunida kusii faafo oo aan markiiba daawo loo helin. Waxaana xusid mudan in dadka Soomaalidu ay xiriir ganacsi oo toos ah la yeelan karaan dalalka Koonfurta Bari ee Aasiya oo ah meelaha hadda ay dunidu indhaha goonida ah ku eegayaan. Hadaba haddii xaalka Soomaaliya sidaas yahay, halistaasina ay jirto waxaa dhakhaatiirta Soomaaliya la gudboon in ay ku baraarug sanaadaan cudurkaas, isla mar ahaantaana calaamadaha cudurada aan la aqoon ay la kaashadaan dhakhaatiirta kale ee dunida iyo hay'adaha caafimaadka oo ay ugu horayso hay'adda caafimaadka adduunka ee WHO.

WIXII KUSOO KORDHA CUDURKAAN HALKAN KA AKHRI.... GUJI 

I  I  D  H  E  H

Tarjumadii Maxamed Cali
SomaliTalk Canada/USA
somalitalk@hotmail.com

TIXRAAC: www.cbc.cawww.who.intwww.cdc.gov | www.thestar.com.my

 

Faafin: SomaliTalk.com | March 12, 2003

Cudurka Sonkorowga oo sannadkii 2002 looga digey Soomaalida USA... GUJI  

Cali Macow Macalin oo Soomaali ah ayuu ahaa qofkii ugu dambeeyey oo dunida lagu arko cudurka Fururqa... GUJI.  

LIFAAQ
SHACABKA SOOMAALIYEED WAA IN AY U DIYAAR GAROOBAAN DAGAAL DHEER OO AH SAFAYNTA SUNTA HALISTA AH EE HADDA KU DUUGAN SOOMAALIYA, MARKA UU DHAMMAADO DAGAALKA DHOW EE QABQABLAYAASHU
Dhakhaatiirta iyo aqoonyahanka Soomaaliyeed waxaa sugaaya in ay baaritaan cilmiyeed ku sameeyaan waxyaabaha sababaya xanuunada aan Soomaaliya horay loogu arkijirin ee hadda kusoo badanaya, gaar ahaan xanuunada carruurta. Su'aal ay dadbadani isweydiinayaan ayaa waxa ay tahay, sunta lagu duugey Soomaaliya, (sida ay caddeysay cilmibaaristii Dr. Bashiir Sh. Maxamed) , imisa raad ah ayey ku leedahay xanuunada kusoo batay Soomaaliya. Jawaabteedu waxay sugeysaa Soomaalida aqoonta uleh cilmigaas...... GUJI HALKAN

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD