SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA
Dib Udhac Kuyimid Xassan Abshir Iyo Deerow Safarkodii Bosaso iyo Bayaan Nabaded

Shiike
faaraxbotan@hotmail.com 
ASW, Bacda Salan,
 

May 13, 2003

KAAH

Sidii aad lasocteenba , waxaanu horay idiinku soo gudbiyay fariin faraysay in Ra'isul Wasaraha DKG ah Iyo Waliba Ra'isul Barlamanka DKG Mudanayaal Xassan Abshir Faarax iyo Cabdalle Deerow Isaaq ay qoondeeynayeen inay tagaan Magalada Bosaso, si ay goobjoogayaal oga noqdaan Shirka nabadaynta Dadka reer Puntland ee haatan kasocda Bosaso, Safarkii Ra'isul Wasaraha iyo Guddomiya Barlamanka DKG ayaa hakasho kuyimid, kadib markii khilaaf ba'an oo haatan kajira gudaha DKG uu aad usoobatay.

Shalay taarikhdu markii ay ahayd 11.05.2003 ayaa Xassan Abshir Iyo Cabdalla Deerow waxa ay shir lagaleen Ergayga Dowladda kenya ee arrimaha Somaliya Mr. Kiblagat si ay ugu qeexaan in shirku uusan u hakan codsigii kayimdi Madaxwaynaha DKG ah Mudane, C/qasim salaad Xassan codisgaas oo dhigayay in shirka lahakiyo illaa muddo kusiman Laba(2)Asbuuc.

Arrintan dib udhaca safarka labadan masuul oo aan wax ka waydiiyay mid kamid ah wafdiga Eragada Puntland kajoogta madasha shirka ayaa waxa uu iishegay inuu jiro khilaf ba'an oo ka dhexjira DKG ah , isla markana uu socdo shirar kala goon-gooni ah oo DKG ah, Xassan Abshir Iyo Deerow oo kamaagtay kal hore inay tagaan Magalada Muqdisho ayaa indhawalaba waxa culays lagu saarayay in laxaliyo khilafka labadooda iyo C/qasin Salaad, tasoo lagu guulaysan waayay.

Boosaaso: Askartii Dilka Geysatey oo Xabsiga loo Taxaabay

Dhinaca kale Askartii gaysatay dilkii ka dhacay Magalada Bosaso daraad oolagu dilay mid kamid ah askarta maryo calasta ah ayaa dhamaantood xabsiga xarunta Poliska ee Bosaso lootaxaabay, shilkii daraad ayaan wax farqi ahi ka dhex abuurin Shirkii nabadda ee Puntland. [
eeg warkii shalay]

isla maanta ayaa waxa bayaan taageero ahi soosaray Beesha Axmed Harti, bayankan oo ay kusaxiixan yihiin Odayaal iyo mas'uuliyin katirsan Beesha Maxamuud Harti ayaa waxa uu farayaa dadka reer puntland inay u guntadaan nabadda isla markana ay iska iloobaan dhibtii soomartay muddada Sanadka kudhawadka ahayd gayiga puntland, beesha Maxamuud Harti waxay bayankeeda kumuujisay inay Diyaar uyihiin kaqayb qaadashada Nabadda Puntland, isla markana ay diyaar u yihiin inay ka hortagan wax alle iyo wixii caqabad ku noqon kara shirkan.

Bayankan waxa ku saxiixan Magacyadan hoose
1-Ugaas Xassan Yasin C/Raxmaan (Ugaaska Beesha Maxamuud Harti)
2-Mudane Xuseen Gacayte (Wafdigii katagay Khamiistii Dalka Imaradka)
3-Mudane, Warsame Muuse Yuusuf
4-Mudane,Nuux maxamed Ciise
5-Mudane,Maxamuud Aden Sugule
6-Mudane, Maxamed Axmed Coloow
7-Mudane, liibaan Cismaan Salax

Dhaman waxgaradka waxay illaahay uwaydiinayaan Reer Puntland gaar ahaan iyo Guud ahanba Somaliya in alle nabad iyo barwaaqo illaahay ugu baddalo dhibta haysta maanta dadka.

Mahadsanidin

DAMAL AIR

Ma u Dhoofeysaa Soomaaliya, ha moogaan Damal Air  

Shiike
faaraxbotan@hotmail.com 

Somalitalk. 

May 13, 2003 

 Qoraaladii Hore ee Shiike

Wararkii Ugu Dambeeyey ee Nabada PL 
»»Wafdigii Ugu Danbeyay oo Caawa kadulay Dubai Iyo Shariqa
»»Cabdullaahi Yuusuf iyo Cade Muuse oo yeeshay Kulan Gaar ah
»»Xasan Abshir iyo Deerow oo Tegaya Boosaaso 
»»Wafti kasocda IGAD oo u socdaali doona Bosaso
Dhammaan Ka Akhri Warbixintii Shiike.. GUJI..  8/5/3

Warsaxaafadeed: Madaxtooyada Puntland 
waxaa Boosaaso maanta si rasmi ah uga furmay shirka wadahadalka dawlad goboleedka Puntland iyo....   GUJI 6/5

Wararkii hore ee Puntland
warbixintii Shiike ee wararkii Boosaaso, UAE, iyo Nairobi iyo wufuuda kusii jeeda Boosaaso...  GUJI

Kulaabo Bogga Hore....

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan.

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD