SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - USA

USA: Dacwadii Aba Sheikh oo Weli Kasocota Seattle
Tarjumadii: SomaliTalk.com | Isha: seattletimes


Sawirka Bidix: Said Aba Sheikh oo kuneefsana qalab, waxa uu como galay afar sano kahor markii la garaacay, waxana uu ku agoomoobey dagaalkii Soomaaliya. Sawirka midig: Said Aba Sheikh oo ay ku xiran yihiin qalabka uu ku neefsado oo uu agtaagan yahay mid kamid ah dadka u garabka ah kaas oo ah adeerkiis oo magaciisa la yiraahdo Muridi Hagi. Sawirka iyo isha warka: seattletimes

Afar sano kahor ayey ahayd markii koox gaangestaro wiilal ah ay magalada Seattle ku garaaceen wiil Soomaaliyeed oo markaas da'diisu ahayd 16 jir oo magaciisa la yiraahdo Said Aba Sheikh, taas oo sababtay in uu coomo noqdo, wax sabab ah oo wiilkaas loo garaacay majirin oo aan ka ahayn in midabka baaskiil uu watey uu ahaa casaan barxan ama "pink". Saddex kamid ah wiilasha gaangistarada ahaa waxay ka yimaadeen guri lagu koryo ubadka ay korsanayaan dad aan waalidkii dhalay ahayn.

Marka arintan murugada leh ay qabsatay Aba Sheikh oo ahayd March 27, 1999 waxa uu Maraykanka joogey 18 bilod oo keliya xilligaas oo uu kayimid dalkiisii Soomaaliya oo uu ku noqday rajay iyo agoon kaddib markii ay dagaalada ahligaga ah kaga dhinteen ladiisii waalid. Muddo markii uu qaxootinimo ugu noolaa Kenya ayuu laajinimo kusoo aadey Maraykanka kaddib markii uu caawinaad kahelay adeerkiis.

Ilaa hadda oo ay Aba Sheikh da'diisu tahay 20 jir waxa uu kujiraa coomo, waxaana ka luntay xusuusta, dhaawac ka gaarey madaxa awgeed. Waxana uu hadda ku neefsadaa qalab. Intii ka dambeeysey dhaawaca Aba Shiekh waxaa cidbitaalka la dhigay 17 jeer.

Haddaba su'aasha xeerbeegta ku adkaatay waxay tahay guriga ubadka lagu koriyo mas'uul maka yahay dhaawaca soo gaarey Aba Shiekh maadaama ay wiilashii dhaawaca geystey gurigaas ka yimaadeen? haddiise gurigaasi mas'uul ka yahay markaas matahay in gobolku uu bixiyo lacagta lagu xanaanaynayo Aba Sheikh inta noloshiisa ka hartay, lacagtaas oo lagu qiyaasay ilaa $20 million?

Haddii qareenada Aba Sheikh ay guulaystaan waxay arintani noqon doontaa in qaybta u shaqaysa bulshadu aysan mas'uul ka noqon oo keliya dhibaatada loo geysto carruurta ay koriyaan dad aan dhalin, balse sidoo kale ay mas'uul ka noqon doonaan dhibaatada ay carruurtaasi geystaan. Dacwadaas oo hadda socota toddobaadkii saddexaad.

Habka arintan murugada leh u dhacday ayaa lagu sheegay in ay ahayd in Aba Sheikh oo wata baaskiil ay sabab aan la garanayn isaga hor yimadeen Michael G. oo mid kamid ah wiilasha gaangiistarada ah, laakiin uu Aba Sheikh iskaga tegey asagoo aan wax gacan ah geysan, waxaana la sheegay in ay muuqatey in Aba Sheikh uusan wax aqoon ah u lahayn wiilashaas.

Isla galabtaas ayaa Aba Sheikh iyo saaxiibkiis ay soo kaxaysteen gaari si ay meel gaaska lagu gado (gas station) uga iibsadaan kaar telefoon. Markaas waxaa meel kasoo horjeeda gas station-ka daroogo ku dhuuqayey saddexda wiil ee isku guri ah (foster-home) oo kala ah: Pierre, Anderson, & Michael G iyo saaxiibkood oo magaciisa la yiraahdo Pulefano Ativalu.

Markii ay kooxdaas gaangistarada ahi kusoo ordeen gaariga ayaa markiiba Aba Sheikh saaxiibkiis u cararay dukaan kuyaal meeshaas gaas station-ka ah, markaas ayey kooxdaasi Aba Sheikh gaariga kala soo baxeen ayagoo banaanka uga soo jiiday, waxayna ku bilaabeen laad, ilaa toban jeer ayeyna madaxa ka garaaceen, waxaana madaxa ka garaacay Pierre iyo Anderson.

Pierre iyo Ativalu, oo labaduba markaas jirey 16 waxaa lagu xakumay in ay dhaawac geysteen ayagoo loo tixgeliyey in ay yihiin qaangaar, waxaana lagu xukumay ugu yaraan 10 sano.  Anderson oo markaas jirey 15 waxaa lagu xakumay in kabadan toddoba sano asagoo loo tixgeliyey qaangaar, Michael G. oo markaas jirey 15 waxaa loo tixgeliyey da'yar  ( juvenile) hadda waa ka soo baxay xabsiga.

Toddobaadkii hore mar maxkamada la keenay, Pierre, asagoo gashan dharka xabsiga ee midabka casaanka ah leh, markii lagu fariisiyey kursiga maxkamada qofka goobjooga ah la soo taago, waxaa la weydiiyey maxaa sabab u ahaa in weerarkaas Aba Sheikh lagu qaaday uu dhacay, Pierre inta uu madaxa ruxay ayuu yiri " wax kale oo aan qabano ayaan jirin, ayaan u malaynayaa".

SOOMAALI LAGA TARXIILI LAHAA NEW ZEALAND OO DIB LOO DHIGAY TARXIILKIISII

Abdikarin Ali Haji oo ah 28-jir Soomaaliyeed oo laga tarxiili lahaa dalka NewZealand ayaa dib loo dhigay tarxiilkiisii kadib markii sidaas ay maxkamadi xakuntay, waxaa loo tarxiili lahaa Soomaaliya. Waxaa wararku intaas ku dareen in Soomaali ku mudahaaradi lahayd garoonka Auckland oo laga dhoofin lahaa ninkaas Soomaaliyeed in ay mudaharaadkii joojiyeen kaddib markii ay maqleen in tarxiilkii Abdikarin dib loo dhigay. Tarxiilkaani haddii uu hirgeli lahaa wuxuu noqon lahaa qofkii ugu horeeyey ee Soomaaliyeed oo laga tarxiilo NewZealand Guji.... Nov 12, 2003

Tarjumadii SomaliTalk.com | Isha: seattletimes

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 13, 2003

.. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD