SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - LAASCAANOOD
Xaaladda Abaareed ee ka Taagan Gobolladda Sool ,Sanaag iyo Cayn oo ka sii daraysa

Assad Caddaani Ibaraahin
e-mail: asadlaska@hotmail.com  
Laascaanood

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

Xaalada abaareed ee ka taagan Goboladda Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa iyadu maalinba maalinta ka danbaysa ka soo daraysa, iyada oo ay arrintani sababtay roobkii dayrta oo aan de'in xilligiisii, horena uu u yaraa roobkii gugu.

Roobyaraantan oo ka taagnay deegaankan afartiisanno ee aynu ka soo gudubnay ayaa waxa ka dhashay deegaankii oo xaalufay iyo xoolihii oo haadan dabargo'aya, waxaana intaasi u sii dheer biyo la'aan ba'an oo ka taagan deegaankan roobyaraata awgeed.

Hay'adaha samafalka ayaa iyaguna hore qaylo dhaan ugu diray dawladaha deeqda bixiya si ay ugu gargaaraan dadka abaaruhu ku dhufteen ee ku sugan gobolada Sool, Sanaag Iyo Cayn, ilaa iyo haatanna wax gargaar ah oo soo gaadhay ma jiro.

Goobaha ugu daran ee abaarahani ku dhufteen ayaa waxa ka mid ah, Deegaanada Taleex, Xudun, Sarmaanyo iyo Fiqi-fuliye, oo ka kala tirsan Sanaag iyo Sool, waxaana haatan halkaasi ka taagan xaaladii ugu xumaydee ee soo marta deegaankaasi.

Dadka socotada ah ee deegaankaasi ka imanaya ayaa waxa ay sheegayaan in ay dhawaan halkaasi ku dhinteen biyo la'aan awgeed laba qof.

Waxa kale oo ay abaartani ku dhufatay Degmooyinka Dhahar iyo Laasqoray oo iyagana ay xoolihii haatan dhamaanayaan.

Degmada Laascaanood ayaa waxaa ka bilaabmay biyo dhaamis loogu gurmanayo deegaanada abaartu ka dilaacday ee Taleex iyo Sarmaanyo, waxaana dhawaan halkaasi lagaadhsiiyey booyado biyo ah oo ay dadweynuhu iskood isu xilqaameen, si ay dadkaasi tabaalaysan u badbaadiyaan.

Waxaa iyaguna dhawaan socdaal xaqiiqo raadis ah sida ay xaaladu tahay deegaanka ku soo maray xubno ka tirsan Issimada deegaanka ,oo safararo ku kala bixiyey Hawd Iyo Nugaal, waxayna warbaahinta u sheegeen in ay xaaladu aad u culustahay loona baahan yahay in qaylo dhaan aduunweynaha loo diro ,

Waxaana xusid mudan in ay haatan booyada biyaha ahi marayso 70$, iyada oo ayba gabaabsi yihiin, ceelashiina sii gudhayaan, dadkii baraagaha lahaana ay xidhanayaan biyahooda iyada oo laga baqayo in ay abaartu sii dabadheeraato, waxaana la hadal hayaa haddii aanu ilaahay raxmaad shubin in lixda bilood ee soosocda roobku raagi doono, ilaa iyo inta laga gaadhayo bisha afraad ee sannadka soo socda, arrintan oo cabsi ku abuurtay dadweynaha deegaanka Sool, Sanaag Iyo Hawd.

Dhinaca kale waxaa dhawaan iyaguna soo gaadhay magaalada Laascaanood dadku caydhoobay abaaraha haatan taagan, oo hadda dul saar ku ah eheladooda ku nool magaalada.

Assad Caddaani Ibaraahin

e-mail: asadlaska@hotmail.com  

Laascaanood

Abaaro Lixaad leh oo Kadhacay Soomaaliya
Waxaa kadhacay Abaar Xaalufisay Gobolada Sool, Sanaag, Mudug iyo Bari, Taasoo keentay in Xoolihii noolaa Gabaabsi noqdaan, kaddib markii Daaqii ka dhamaaday dhulka.. Guji.. Nov 12

Abaarta Ku habsatey Dhulka Soomaalida
iyo Halista kusoo foodleh shacabka... Guji

Baaq Kuwajahan Abaaraha ka Taagan Ogaadeeniya
Baaqaas oo kasoo baxay jaaliyadda Absame ee Sweden Guji

Xaalufin Lagu hayo Dhirtii Jubada Dhexe Iyo J/Hoose
Taas oo lagu eedeeyey isbahaysiga Dooxada Jubba iyo imaaraadka carabta oo qaybweyn arintaas kuleh maadaama... Guji Nov 12

Ogaadeenya: Roobkii Dayrta oo La Waayey
Gobolo badan oo kamid ah Ogaden ayaan weli.. Guji

 

.. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD