SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - GAALKACAYO
Waraysi Dheer oo ku Saabsan Dilkii Suldaan Hurre iyo Imaatanka Isimada ee Gaalkacayo

Sida aan lawada socono waxaa lagu dilay 8/17/02 magaalada Kalabayr ee ka tirsan Gobolka Nugaal dil toogasha ah mid kamida Isimada ugu maga dheer Puntland kaas oo ah Suldaan Axmed Maxamud Maxamed(Hurre) ale ha u naxariistee, dilkaas oo lagu eedaynayo inay ka danbeeyeen ilaalada khaaska ah ee C/laahi Yuusuf Axmed, hadaba markay ka soo wareegtay dilkaas mudo sanad iyo dhowr bilood ah ayaa waxaa magaalada Gaalkacayo yimid Isimada Puntland ugu magaca culus qaar ka mida, sida: Boqor Maxmuud Boqor Muuse, Islaan Maxamed Islaan Muuse, Suldaan Siciid Maxamed Garaase taariikhdu markay ahayd 10/22/03 iyagoo xal u raadinaya dhacdadaas, hadaba waxaa Somalitalk usuura gashay inay waraysi layeeshaan afhayeenka gudiga beesha Maxamed Cumar ee Suldaanku kasoo jeedo Axmed Muuse Nuuryare oo jooga magaalda Gaalkcayo waxuuna u dhacay sidaan:

Somalitalk: Axmed waxaan ku waydiinaynaa waxaan maqaly inay yimaadeen magaalada Gaalkacayo Isimo waawayn iyagoo xal u raadinaya arintii Suldaan Hurre, majirtaa arintaas?

Axmed: marka hore waad mahad santihiin qoladiina Somalitalk, haa way jirtaa imaatinka Isimadu , waxaa ka horaysay howlgal isdaba joogay oo ku saabsanayd geeridii suldaan Axmed oo dhintay 17-kii August ee sanadkii hore, howlgaladaas isdaba joogay waxay ahaayeen arimo lagu magacaabayo in xal loogu raadinayo geeridii Suldaan Axmed, waxaana howlgaladaas kadanbayn jiray oo soo abaabuli jiray C/laahi Yuusuf, waxaa ka horaysay inaanu is aragnay C/laahi oo u yimid odayaal beesha ka mida magaalada Gaalkacayo iyo isagoo yiri arintii baan u rabaa xal anaguna aanu niri markaad adigu runsheegto baa xal lagaari karaa isaguna uu balan qaaday inuu run sheegayo.

Arinta isimadu saas bay ku yimaadeen Garoowaa lagu marti qaaday, qaar Dubai baa looga yeeray, qaar Qardhaa looga yeeray oo Boqorkuu ahaa, qaar kuwii Gaalkacayo joogay bay ahaayeen, qaar Islaan Maxamed buu ahaa oo Garoowu daganaa, Garooway isugu yimaadeen ,waa kasoo kicitimeen oo Gaalkacayey isugu yimaadeen waxayna u yimaadeen arintaas waxay iyagu ku sheegeen laakiin anagu aan garan waynay sababteeda, haday yimaadeen waxay nawaydiiyeen yaa suldaankii dilay?,anagoo og inay ogyihiin iyaga lafti goodu, Garoowana kayimaadeen C/laahina soo diray ayna wada shireen waxaanu niri Boqorrow waxaad kusoo hormarteen C/aalhi wax xal ah hadaydynaan ka hayn wax kale oo aad soo baarteen ama lafa gurteena aysan jrin anagu mudici manihin, isimadaas way isku laabteen waxayna nayiraahdeen raali ahaada waan isku noqonaynaa waa soo tashanaynaa waxay nala dhaafi waydana waan idinku soo celinaynaa.

Waxay uyeereen C/laahi, Garooway cid u direen, C/laahi waa yimid maalmay halkaan wada shirayeen, waa nagu soo noqdeen Isimadii maalma kabacdi waxay noo soo jeediyeen in C/laahi u soo soocay Sagaal askari oo ka mida ciidankiisa, inuu yiri sagaalkaanaa ka danbaysay dhimashadii Suldaanka iyo laba nin oo kale oo midna dhintay midna rukhsaystay waa kala saari waynay midkii wax dilay waa isku inkireen ee waxaan rabnaa inaad la sharcitantaan, anaguna waxaan niri sagaal askari oo aanan soo dacwayn anagu oo nin soo soocay ninkii aan u haysanay kiiska uu iska soo soocay isagu oo inuu hadeer qoray iyo kuwii kula jiray kiiska inay yihiin aanan aqoon nin walbana qorigiisii albaabka ugu tiirsanyahay ladacwoon mayno waxaad isu quudhaana waxaasi ma’ahan idinkoo Isimadii dalka ugu sarayey ah inaad ka ogolaataan arintaasna xaqdaro weeye midaad kiiska ku xaqiiyinkartaana ma ahan waxaan u aragnaa duudsi inay tahay arintaas, dilkii Suldaanka idiinma aanan haysan laakiin duudsigiisa ha ka qayb qaadanina ayaan ku niri odayaashii Boqor Maxamud, Islaan Maxamed, Suldaan Garaase, Suldaan C/qaadir Cali Yaasiin Keenadiid, Islaan Bashiir Islaan C/lle, Garaad Maxamed Cilmi Shirwac, Caaqil C/wahaab Maxamud Guray iyo C/qaadir Islaan Maxamed oo aabihii warka utabiya odaygu waa waayeel e, saas baan ku kala tagnay odayaashii waxayna na yiraahdeen waagii aan xal helo baan idinku soo noqonaynaa.

waxaa nagu maqaala inay C/laahi ku laabteen inay yiraahdeen nimankaas waan ka gardarayn naga diide waxaan usoo jeedinay hadii aad adigu xalkeentana waan kaa sugaynaa, haday iyagu xalkeenaana waan ka sugaynaa hadii intaas ka horaysa aan fekaro arimo kaloo xala waan soo jeedinaynaa saas baa lagu kala tagay.

Somalitalk:Isimada imaatinkooda mala socoteen wax se ma ka marti qaadeen beel ahaan?

Axmed: May Isimadu inay imaanayaan ma’aanan ogayn waxna kama aanan marti qaadin sidaan u jooganay bay yimaadeen kadibna noo yeereen.

Somalitalk: Suldaan Axmed waxuu mootan yahay halsano iyo dhowr bilood hada kahor Isimadu ma idiin yimaadeen wax xiriirase arintaan ma idinkala soo sameeyeen.

Axmed: May nalama soo samayn xiriir xataa Tacsidii Suldaanka, waxayse yiraahdeen oo raali galin kabixiyeen waxaanu tacsida uga soo qayb qaadan waynay oo idiinku iman waynay oo wax u qaban waynay wadanku waa kala xiraa, waad ogtihiin oo markii Suldaanka la dilay bandow baa lasaaray tan iyo halkan iyo Garoowe waxaa ladiiday in laas caano looga baxo in loo soo baxo Gaalkacayo in Boosaaso looga soo baxo sadexdii bari ee Tacsida ahayd waxayna ahayd markii C/laahi xooga ku qabsaday Puntland, raali galin bay ka bixiyeen waxay muujiyeen inuu dalku kala xiraa amaanku uu xumaa xiligii Suldaanka la dilay ee naga raali ahaada ayey yiraahdeen maanta ka hor idiinma aanan imaan waxna ma aanan qaban kala xirnaanta dalka iyo amaandarada ayaana keenaysay.

Somalitalk: Ragaan hada aad Magac dhowday waa odayaashii Punland ugu waawaynaa makusamayeen howshaan markii hore baaritaan intaysan idiin imaan ,mawaxayse u yimaadeen inay labo beelood dhexdhexaadiyaan, mise sidaad hadalka u dhigtay C/laahi baa odayaasha yiri gala howshaan oo sidaas bay idinku soo abaareen?.

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

Axmed : waxaa ka horeeeyey nimankaan Gudi Cumar Maxamud ah oo Magaalada Nairobi kula shiray C/laahi Yuusuf iyo Jaaliyada Maxamed Cumar ee Nairobi Gudigaas waxay ku yiraahdeen jaaliyada Maxamed Cumar waxaan raadinaynaa cidii ka danbaysay dilkii Suldaanka ee manoo ogoshihiin inaan galo howshaas jaaliyadiina waa u ogolaatay, Gudigaas waxay lakulmeen C/laahi oo Niarobi jooga, waxay ahaayeen rag lasoocay oo 11 xubnood ka kooban, Maxamed Cumar iyo Reer Mahad midna kuma jirin waxay yiraahdeen C/laahi waxaan rabnaa inaan helo cidii dishay Suldaan Hurre oo adiga kaa helo waa u balanqaaday inay helayaan cidii dishay Suldaanka markay Somaaliya tagaan, waxuuna soo siiyey qoraal.

Gudigaas afar xubnood bay soo dirsadeen, Gaalkacayo ayey yimaadeen waanoo yimaadeen waxayna noo soo jeediyeen inay maandhayd ka haystaan C/laahi inay raadinayaan cidii dishay suldaanka,iyagoo Cumar Maxamud ah waxay yiraahdeen manoo ogoshihiin inaan galo howsha anaguna waxaan niri Gala hadaad awood u leedihiin waan u ogolaanay iyagoo howshii wali kujira ayey dhacday tankalena.

Hadaan usoo noqdo su’aashaadii soo tagida Isimada iyo habka dhex dhexaadintooda waxay kasoo bilaabeen Garoowe C/aalhi bay kasoo bilaabeen Ticket-ka waxaa u diray Suldaan Garaase oo Imaaraadka joogay Maamulka C/laahi, waxay isugu yimaadeen Garoowe, halkaas bay ku shireen C/laahina way is arkeen, waxaanu filaynay Isamadu markay nooyimaadaan howl dhamaystiran oo ay kasoo baaraan dageen inay gacanta ku hayaan maadaama kiiska ay lasocdeen howshuna ay sadex iyo tobon bilood sii marayso inay howl bisil la iman doonaan walibana iyagoo naga warhayey dadbadan oo noo yimid inaan jawaab uga dhignay waxii wax nayeelay keena anogoo garanayna marwalba awood ka saraysa oo qabankartaaba howsha laftigeedaba inay san jirin.

Ee Isimadu markay ku shireen Nugaal waxaanu u haysanay oo sii sugaynay inay wax soo xaliyeen oo C/laahi u qabsoomay oo uu cadayn doona sida wax u jiraan, markay noo yimaadeen oo nooga bilaabeen waxii idin dilay sheega waxaan u aragnay anagu howl laga soo shaqeeyey oo lasoo meeldhigay oo Isimada lagaga soo adkaaday oo ah inay hal dhinac ka shaqaynayaan baan istusnay waan ka qawadnay qaabkaan wax uga sugaynay saluugmaa naga gashay, kadibna waxay noqotay inaanu niraahno mar hadii aydinaan wax soo qaban cid idin tiri xalkaan baan hayaa oo runtaan baa taal ee xaliyana aysan jirin anagu kama bilaabi karo inaanu mudici noqono maanta, dad noo kala dabqaaday oo dhexdhexaad sameeyey oo iyaga utagay oo anaga noo yimidna ma ahayn odayaashu ee waxay ahaayeen niman intay soo shireen soo guuray macaa Maamulkoodii hal mara.

Somalitalk:Majirtaa arintaan hada kahor cid u gashay gobol ahaan maadaama uu Suldaanku ahaa Gobol ahaan nin reer Mudug ah amase cidkaleba?.

Axmed: waayahay isla maalmihii uu dhintay Suldaanku ale ha u naxariistee waxaa is abaabulay 17 xubnood oo kamida Cumar Maxamud waa noo yeereen waxaa gudoominayey Islaan Bashiir waxay na yiraahdeen waxaan rabnaa inaad noo qoor dhiibataan hadaan nahay Cumar Maxamud idinkoo katirsan beesha Cumar maxamud waxaanu galaynaa xalkii dilkii Suldaanka, waxaan niri waa sax inaan Cumar wada nahay waadna noo tiiriseen inaan suldaanka jifi u nahay, yaad na dhex dhexaadinaysaan oo jifi u ah dilkii naloo gaystay oo idiin soo qoor dhiibtay?, nimankaas jawaab waa nasiin waayeen waa isku noqonaynaa bay na yiraahdeen howshoodii saas bay ku gabaabsiday mardanbana nooma ay yeerin cidkalena nagama horkeenin saas baa ku kala tagnay.

Waxaa ku xigay Jen Cade Muuse oo xiligii Jabhadiisii iyo Maamulku ay heshiiyeen Gaalkacayo yimid oo noo yimid isagoo wata wafti naguna yiri waxaan rabaa inaan galo arintii Suldaanka oo xal ka raadiyo aniga oo ah nin Masuula ahna dhinicii siyaasada ee C/laahi ka soo horjeeday ninkii hogaaminayey Suldaanka dilkiisuna uusan ka marnayn arimo siyaasadeed, waxaan doonayaa inaan arintaan xal ka keeno oo aad ii ogolaataan.

Waxaan niri Suldaanka cidii dishay, cidii amartay in ladilo iyo cidii baaratay isagoo mayda oo furatay hadaad soo hesho oo awood aad wax kaga soo qabato leedahay anagu nabad baan rabnaa xaldoon baan nahay waligayaanu u fadhinay waynu isla ognahay waa kuu ogalahay ee gal, Cade Muuse iyo wafdigiisii naguma soo noqon, qofku markuu noo yimaado waxuu ku noqonayaa C/laahi waxna uga suuroobi mayaan, labadaas isku day horay bay u dhaceen.

Waxaa kaloo sadexaysay Gudigaan horay idiinku sheegay oo Nairobi kayim aana dhamaysan howshoodii waxaana bar bar socday oo labar bar dhigay howshaan Isimada waa naga tageen anagoo jawaab kasugayna gudiga laftigiisa waxaa howshii kala wareegay Isimada, waxaana is leeyahay abaabulkaan dhaqsaha ah oo Isimada waxaa keenay waa sababta gudigaas, waxayna wateen su’aal cad oo ay waydiiyeen C/laahi iyo jawaab cad oo uu kabaxshay iyo balan qaad iyo qoraal.

Waxaana filayaa waxaa meel mari waayey oo socon waday Jawaabtay isku ogaayeen C/laahi, kadibna Isimadu waxay noqdeen jid looga fakado howshii ay wadeen gudiga noocaas ah, kadib gudii qaar kamida hadaan is aragnay waxay yiraahdeen anaga howshii waa nalaga fara maroojieyey, waxaan waydiinay balan aan horay gudiga u galay oo ahayd howshaan meeshay ku dhamaato xataa hadii wax idiin qabsoomi waayaan cadayn inaad ka bixisaan, waanu is aragnay waxaan niri kawarama howshii xagee idiinku danbaysay, waxay yiraahdeen anaga howshii waa nalaga qaaday C/laahi baa naga qaaday maadaama howshiina dad badan galeen oo Isimadii wadanka ay galeen marabno inaan wax qoraala ka samayno iyana halkaas bay ku dhamaatay marka dadkaas oo dhan baa galay howshaaan Gobol ahaan iyo Guud ahaanba.

Somalitalk: waxaa kamid ahaa odayaashaad soo xustay Caaqil C/wahaab Maxamud Guray oo Suldaanka ay saaxiib ahaayeen siyaasad ahaana ay isku dhawaayeen, hadana la socday Isimada aad tiri sidaad hadalka u dhigtay waxay ka socdeen C/laahi taas sidee macquul ku tahay?.

Axmed: waxay macquul kutahay Caaqil C/wahaab waxuu ahaa raga ay isugu dhawaayeen suldaanka siyaasad ahaan, saaxiibna way ahaayeen waxay ahaayeen ragii C/laahi ay kala fogaayeen, C/wahaab waxuu ku jiri jiray xulufo siyaasadeed oo ay kala fog yihiin C/laahi sida Wadaada, raga istaaguu ahaa hadba meesha ay ka aloosantahay siyaasada C/laahi udaran.

Waxaan idin la socod siinaynaa C/wahaab iyo C/laahi waa heshiiyeen beel ahaana way u heshiiyeen, taas oo uu ugu daneeyey dhinacyo badan sida: xaga amaankiisa, xaga magaca beesha, xaga dhaqaalaha dowlada maanta xubnaha ugu firfircoon oo siyaasada hurmuudka ka ah oo C/aalhi u gogol xaarayuu ka mid yahay Caaqilka saas baan u aragnaa.

Somalitalk: waxaa jirta in la yiraahdo adna hada aad ka dhawaajisay in suldaanka dilkiisii laga samaynayo baaritaan Maxuu yahay baritaankaas yaase samaynaya?.

Axmed: Suldaanku waxuu dhintay 5 saac oo subax nimo qof aan baqayn, oo dhuumanayn oo xishoonayn baa dilay, waxuu ku dhintay meel magaalo ah ciyaalkii dugsigii laga soo daayey,dadkii xoolaha soo aroorsaday oo reer miyiga ahaa ay joogaan, dadkii magaalada joogay oo ganacsanayey ay joogaan, xiliga harsimada ah oo meeshu tuulay ahayd ee tuulooyinku ugu shacab badan yihiin bay ahay, waxay ahayd xili kulul oo loo soo hardoonto magaalda oo bisha August ah, baaris uma baahna waxay ubaahan tahay baan u malaynayaa oo dadyowga loo tiirinayo Suldaanka oo qaba ay uga baahan tahay mar marsiiyo iyo duudsi iyo waxuun lagu dadbo dilkiisii oo runta lagaga weecsho baa labaarayaa xagayaga baaris kama leh waa ognahay cidii dishay dadkoo dhamina waa ogyahay idinkiinaa hada wax i waydiinaya waxaa suurowda inaad maqasheen waxa dilay.

Caruurihii iyo dumaradii iyo dadkii baa lagu dhex dilay magaaluu taagnaa bartan keed, ciidan dagaalamayey oo xabad is waydaarsaday majirin, baaris uma baahna xagayaga waxaana u aragnaa in runta iyo xaqiiqada la iska indho tirayo, malaha waa waji cusub oo la isku dayi doono wax wayna uma aragno malaha dadka aan xogta hayn baa u dhagataaga.

Somalitalk: Hadalkaaga waxaa ku jirtay dad yowga loo tiirinayo idinku beel ahaan yaad u tiirinaysaan dilkii Suldaanka ale ha u naxariistee?.

Axmed: inaa lilaahi waa noo cadahay C/laahi Yuusuf iyo wiilal uu adeer u yahay baa dilay waa isaga kaaya cadahay anaga, 4km meel u jirta kalabayr bay isaga hor yimaadeen Kolonyo baabuura oo C/laahi wato waxuuna ka yimid dhinaca Garoowe, dadkana waxuu ugu sheekeeyey waxaan aadayaa Laascaano Suldaankuna waxuu u socday Kalabayr, waa la joojiyey Kolonyadii laba gaari baa dib loogu ceshay, Suldaanka Gaarigiisii ale ha u naxariistee Kalabayr buu istaagtay, Labadii Baroona waa ka daba tageen isagoon kadagin gaariga ayaa midna horay ka dhigtay midna dhinac buu ka dhigtay, halkaas baa waxaa si khaasa uga soo dagay wiilal uu C/laahi adeer u yahay iyagaana dilay Suldaanka.

Taasna waxaa sii cadaynaya markii loo soo sheegay C/laahi in lagu soo guulaystay dilkii Suldaanka horay buu usoo dhaqaaqay oo xataa dib uguma noqon maydkiisii taas oo beeninaysa marar badan oo uu yiri anigu ha lasoo qabtaan iri waayo haday taasi jirto wuu ku noqon lahaa, waxuuna soo maray Magaalada Xarfo(Buuryaqab) oo ay dagto beesha Suldaaku ka dhashay halkaas oo uu ka soo qaaday Islaan bashiir oo daganaa magaaldaas isaga iyo Aabihiis Islaan C/lle waligood, kadibna Islaankii guri baa la galiyey oo xataa tacsidii noo muu imaan isagoo jooga magaalada, hada laftigeeda raga askarta ah oo C/laahi noo keenay 6 waa reer Yey marka C/laahi lagu daro, marka yaad u haysataan saacadaan maleh waxaan u haysanaa C/laahi iyo Beeshiisa.

Somalitalk: waxaa jirta marar badan in la yiraahdo beeshiina iyagaa xal laga Waayey oo dad badan oo Cumar Maxamud ah ama C/laahi lagtigiisu inuu isku dayey inuu xaliyo howshaan, maxaad ka leedahay taas?.

Axmed: arintaas iyada ah C/laahi waxuu haystaa Maamul, Maamulkastana Barabugaanduu leeyahay, war faafin buu leeyahay, rayul caamka wax loogu tala galay buu leeyahay, howshuna howl ku fudud wadanka ma’ahan, hadaan idin xasuusiyo Markii ladilay Suldaanka qaar kamida Internet-ka C/laahi afkiisa ku hadla waxay soo qoreen Suldaanku inuu ku dhintay dagaal iyo xabado la is waydaarsaday, waxaase taas ka sii darayd markay soo qoreen C/laahi oo Tacsi u diraya Ciyaalkii iyo Qoyskii suldaanka ka geeriyooday, marka arintu C/laahi laftigiisa kuma fududa oo waxuu rabaa inuu Somalia wax ka noqdo.

Hadii marka lafidiyo in aan xal diid nahay waa barabugaan kaas oo kale arintaasna waxba kama jiraan waxaana kuu cadaynaya taxanaha su’aalaha aad iga waydiiseen howshaan.

Somalitalk:ugu danbayntii waxaa jirta in laga dhawaajiyo marar badan in C/laahi Yuusuf aad ka dacwayseen Dalka Ingiriiska maxaa ka jira arintaas?

Axmed: Waa jirtaa dacwadaas oo suldaanku wuxuu daganaa Lodon wuxuuna haystay dhalasho Ingiriis ah, ciyaalkiisiina waxay dagan yihiin London ilaa hada iyagaa halkaas kawada Maxkamad C/laahi ka dhana.

Axmed aad baad u mahadsantahay .

qoraa@somalitalk.com

Faafin: SomaliTalk.com | November 14, 2003

QORAALADII HORE EE LAGA QORAY MARXUUM SULDAAN HURRE

.. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]