SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - SOOMAALIYA
Afhayeenka Waftiga Kusugan Shirka Kenya oo Ganafka Kudhuftay Heshiiskii Liibiya

Tarjumadii SomaliTalk.com | Jimce November 14, 2003

Shirka Liibiya waa "Golaha Dukaamaysiga" sidaas waxaa yiri hogaamiyayaasha weli ku sugan Shirka Kenya.

Dood ku saabsan dhaqaalaha maraykanka oo ka dhici doonta Minnesota

Ogaysiis ku socda reer Minnesota.

Dood ku saabsan dhaqaalaha iyo shaqooyinka sidii loo badin lahaa ayaa lagu qaban doonaa St. Paul, Minnesota. Doodaas waxaaa fooda is dari doona 4 sentor oo ka iman doona Washinton DC. Labo waxay nqon doonaan Demoqraadi labona Republican. Waa dood ay labada kooxood u diyaar garoobayeen muddo dheer oo ay ku soo bandhigi doonaan qorshahooda shaqo abuuriseed, dhaqaale iyo horumarineed. Doodaan oo dadweynaha u furan warkeeda waa kan:

Goobta: St Paul Area Chamber of Commerce Center
Xcel Energy Conference Center
401 North Robert Street
St. Paul, MN 55101

Goorta: Isniin, November 17 keeda saacaduna ay tahay 05:00 ilaa 06:00pm

Doodan qaran oo ah mid xiiso badan dadweynaha albaabada waa u furan yihiin.

Qore: Wardheere
mnwardere@yahoo.com

Afhayeenka wafuuda Soomaaliyeed ee ilaa hadda kusugan shirka nabaddaynta Soomaaliyeed ee ka socda Kenya ayaa Jimcadii si qayaxan uga horyimid heshiiskii ay toddobaadkan Liibiya ku gaareen qaar kamid ah Soomaalida ka tagtay shirka Nairobi.

"Heshiiska Khamiistii lagu saxiixay Liibiya waa mid loogu talo galay in lagu wiiqo shirka nabada ee haysta aqoonsiga caalamiga ah oo hadda ku jira qaybihiisii ugu dambeeyey ee lagu soo afjaryo colaadda Soomaaliya" sidaas waxaa yiri Mowliid Macaane Maxamed oo ah afhayeenka hogaamiyayaasha Soomaaliyeed ee shirka Kenya, asagoo u waramayey saxaafadda.

Khamiistii ayey ahayd markii ay hay'adda wararka u faafisa Liibiya ee loo yaqaan JANA ay sheegtay in C/Qaasim Salaad Xasan iyo qaar kamid ah mucaaradkiisu ay heshiis uu goobjoog ka ahaa Moamer Qadaafi ku kala saxiixdeen magaalada Tripoli ee dalka Liibiya.

Sida wararku sheegeen dadka heshiiskaas Liibiya wax ka saxiixay waxaa kamid ahaa Muuse Suudi Yalaxow, Cusmaan Xasan Cali Caato, Eng. Maxamed Xuseen Caddow, Barre Hiiraale iyo qabqablayaal kale oo iskaga tegey shirka Nairobi, waa sida warku u dhigaye.

Shirka Kenya waxaa dhex-dhexaadinaya toddobada dal ee ku bahoobey IGAD oo kala ah: Djibouti, Eritrea, Ethiopia, Kenya, Sudan, Uganda iyo Somalia oo magac ahaan ugu jirta, waxaana shirkaasi Eldoret kabilowday October 15 ee sannadkii hore ee 2002.

Shirka kenya waxaa mar sii horeysey ay hogaamiyayaashi ku gaareen heshiis, heshiiskaas oo la jebiyey.

"Haddii dadkaas jooga Liibiya ay daacad ka tahay caadi kusoo celinta Soomaaliya, ha ku soo laabteen wadahadalka dhabta ah ee ay la yeelanayaan hogaamiyayaasha kale" ayuu yiri Mowliid Macaane.

Hogaamiyayaasha kale ee shirka nabada Kenya ayaa yaguna cambaareeyeen heshiiskaas Liibiya ayagoo ku tilmaamay "golaha dukaamaysiga".

Isla Jimcadii ayey ahayd markii uu dagaal ka qarxay tuulada Xeraale oo ka tirsan degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud, dagaalkaas oo dhex maray laba beelood waxaa ku dhintay 12 qof, waxaana ku dhaawacmay 18 qof oo kale. [Faahfaahinta warka dagaalka Galgaduud]

Soomaaliya dawlad la aqoonsan yahay ma lahayn laga soo bilaabo 1991 markaas oo xukunka laga tuuray Maxamed Siyaad Barre.

Tarjumadii SomaliTalk.com
ISHA: AFP

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 14, 2003

QADAAFI WAA KUMA? [Liibaan Afrah]

MAXAY INA YEESHAY CARTA? [Xariri]

.. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD