SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - SOOMAALIYA

War-1-15,Novembar,Mbagathi,Nairobi.
John Layusunya :-Kulanka Hogaamiyayaasha siyaasadda Somaalida waxaa ………………….

kulankii lagu Balansanaa 20-bishan loo bedelay 9-Disembar arrimo jira Awgood.


Ambasator John Layusunya Kaaliyaha arimaha Maamulka iyo Maareeynta ee Guddoomiyaha Guddiga Hawl fududeynta IGAD, Guddoomiyaha Shirka dib u heshiisiinta Soomaalida ahna Uqeybsanaha dawlada kenya arrimaha Soomaalida ayaa soo saarey Qoraal uu ku sheegayo in kulankii lagu balansanaa 20-bishan loo bedelay 9-Disembar arrimo jira Awgood.

Kulankan ayaa oo lagu soo go'aamiyey Shirkii wasiirada arrimaha dibad ee dawlada ku jira Guddiga IGAD iyo hawl fududeynya ee 28-bishii Oktober ka dhacay Magaalada Kambala ee Uganda.

Kulumo isdaba joog oo ay yeesheen wasiirada Arrimaha Dibada ee Dawladaha safka hore oo ka dhacayey Magaalada Nairobi ayaa looga dooday habkii iyo wadadii loo dhameystiri lahaa shirka dib u heshiisiinta Soomaalida ee haatan maraya wajiga 2-aad oo ka socda Mbagahi Nairobi.

Qoraalka ayaa ku magacawnaa in soo farey wasiirka Arrimaha Dibada ee kenya Mr. Kolonzo Musuyoka ,waxaa kaloo qoraal farey in 8-bisha Disamber kulmi doonaan Guddiga farsamada Iyo hawl Fududeynta ,Beesha Caalamka iyo wasiirada Arrimaha Dibada ee dawlaha ku jira IGAD.

Dib u dhigista kulanka Hogaamiyayaasha ayaa ah codsi kayimid in loogu dhigo waqti kale hogaamiyayaasha qaar iyo Guddiga hawl fududeyn IGAD ,Beesha caalamka iyo wasiiradda Arrimaha Dibada oo aan wali dajin qorshihii magaaladii iyo meeshii la geyn lahaa ,tirada Ergada la qaadi lahaa iwm.

Qoraalka ayaa ku saxiixnaaa ambasator John Lasunyanya oo ah kaaliyaha Maamulka Iyo Maareynta Guddoomiyaha Shirka Dib u heshiisiinta Soomaalida ee Mbagathi,Nairobi.

Isimada Daarood iyo Isimida Dir oo soo saarey baaq ku Wajahan Dagaaladii dhawaan ka Dhacay Xeraale.......

Dhamaad.
Abdikarim Aden Hussein.
Mbagathi,Nairobi.
abdikarimhussein@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 15, 2003  

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD