SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Al-Xaaju Muuse Suudi Yalaxow iyo Col: Cabdulaahi Yuusuf Kebaa Siyaasad Fiican???

Marka hore waxaan hubaaa in dad badan oo mudulood ah aanay ku qanci doonin is barbardhiga aan ku samaynayo labadaan shaqsi eee aan kor kusoo xusay...

Xasan Axmed Tooxow
 waziir@hotmail.com

Marka hore waxaan u mahadcelinayaa dhamaan websideyada noo saamxay in aan soo bandhigno aragtideena ku wajahan waxa kasocda somalia iyo siyaasiyiinta saaaxada ama xiligaan ku loolamaya talada dalka.

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

 

Marka hore waxaan hubaaa in dad badan oo mudulood ah aanay ku qanci doonin is barbardhiga aan ku samaynayo labadaan shaqsi eee aan kor kusoo xusay waayo muuse suudi waa ruux aan marna lagu aqoon in uu shisheeye u adeego muwaadiniinta somaliyeedna aan marna u dhiibin xabasho isla markaasna waa ruux ad adag oo aan fulin danta shisheeyaha gaar ahaan xabashida halka uu cabdulaahi Yuusuf yahay ruux ay dhimatay damiirtiisu oo weligiisna caan ku ahaaa kuna caanbaxay shisheeye loo shaqeeyo iyo xabasho loo adeego waayo cabdulaahi wuxuu caan noqday 1979kii Inqilaabkii fashilmay dabadeed oo ay dadku ku barteen in uu u adego Col:Mingistu Xayle Maryam iyadoo lasheego mar asigoo u hadlaya sirdonkii xabashida eee xiligaas in uu yiri:-In somalida laga dilay intaas oo kun Jabhadii Somali galbeedna laga dilay Intaas markaas ayau waxaa la waydiiyay inta kadhimatay Somalida marka asiga lagu daro waayo Xabashadu sida caadada u ah ruuxa jaajuuska ah ee dalkiisa jaajuusa waxay u yaqaaniin ruux dhintay waa tan ay somalidu tiraahdo (Nin Soori qaaday Waa Nin seefe qaaday oo yacnii dhintay).

Marka cabdulaahi taariikhdaas madaw ayuu leeyahay oo marna kama raali noqonayaa in ruuxaas miisaaan lala saaro dadka kale eee uu kamid yahay Xaaji Muuse balse waxan filayaa in aysan inkrikarin taageerayaasha muuse in ay wadaagaan kelmada qabqablanimo marka taas ayaa keenaysa in Somalidu ay hal il ku eegto wax ale iyo waxii qabqable ah iyadoo arinta aan lagu salaynayn in ruux waliba miisaan lasaaro.oo acmashiisa la muujio hadii uu sameeyay wax xuna lasheego hadii uu wanaag sameeyana lasheego si looo qaymeeyo sida loo kala denbi badan yahay ama sida loo kala damiir liito.

Hadaba hadii aan usoo laabto qoraalkayga waxaan rabaa bal in aaan miisaan buuxa saro labadaas ruux marka hore Taageerayaasha cabdulaahi yuusuf waxay sheegaan in cabdulaahi uu yahay ruux derejo ka gaaray colonelnimo oo lagu amaano maamul fiican iyo hugaan intaba uuna ahaa dadka ugu Qualaityga sareeya saraakiisii somalida ee xiligiisii balse taas wax daliil ah uma hayaan waayo meel uu ku hugaamiyay ciidamo tiro bdan lama hayo waxaana markhaati u ah hadii uuba heli lahaa amaamul xoog badan oo uu wax ku maamulo waxuuba afgenbi ku dhufan lahaa dalka saa waxaa lagu xantaa in uu yahay ruux jecel in mar uun ay u yeerto madaxwaynenimo.

hadaba miisaankaygu waaa miisaanka siyaasadeed iyo maamuleeed ee labada nin marka hore siyaasad ahaan marka lafiiryo sumacada ay leeyihiin labadaa nin ee ku wajahan dhanka somalida waa muuqataaa oo mid la inkiro karo maahin waayo cabdulaahi waaa hugaamiyaha beelaha harti koonbo taas oo xitaa lagu haysto oo mar isimadii reer woqooyi bari ayuuu lumiyay waana tii ay doorteen jaamac cali jaamac balse doorashadaas waa baaba,iyay asigoo lakaashaday xabashoo iyo ciidan laga soo aruuriyay wardheer taas oo uu ku muquuniyay rabitaankii reer puintland.ilaa iyo hada cabdulaahi inta reer woqooyi bari oo uu garbaduub ku haysto maahine intii kale waa lumiyay waxaana hada ugu soo danbeeyay intii reer Laascaanood ahayd oo qaarkoodna ay ka hayaaameen qaarkoodna ay kuletiga ku dhegan yihiin ayakoo leh war ama shirka aad oo halkaas xubin ku aadan noqo oo aan kugu ogaano ama anaga shirka noodaaa ooo puintland iska joog marka hada oo uu booqasho ku aaday Thailand waxaa lasheegay in uu thailandeese kula heshiiyay in sidii ayaxii ay u gurubsadaan wixii khayraad ah ee badaha woqooyi bari si kista uu kahelo uu ugu furdaamiyo in uu ku laaluusho reer Laascaanood oo uu uga kaaftoomo xirig jiidka u dhexeeya asiga iyo maxamed cabdi xaashi hadaba imisa jeer ayuu fashilamay colnelku tan iyo intii uu somalida ka goostay oo uu aaday xabashida?????????

waa su,aal muhiim ah oo ay tahay in laxuso.Hadba cabdulaahi wuxuu u galay mingisto xayle maryan fashilkii inqilaabka kadib wuxuuna lagalay heshiisyo badan oo ay kamid yihiin in uuu ka tanaazulo sheegashada somalida ee Somali Galbeed(Ogaadeenya) iyo in mustaqbalka somalid degan halkaas lasoo raro oo meelo looga ciriirsho somalia si sheegashada somalidu ay si buuxda u baaba,do iyo in dowlada somaliyeed iyo dhaqdhaqaaqeeduba uu noqdo mid laga maamulo Adis Ababa taasna bedelkeeda madawayne mac mal ah loo qoodeeyo.

marka heshiiskaas markii uu saxiixay ayaaa waxaa si buuxda u fashilay hadafkiisii iyadoo ay xabashu qabsatay Galdogob dabadeedna ay calankii ka taagtay Galdogob kedibna dhalinyaradii SSDF kuwoodii ugu firfircoonaa ay u adkaysan waayeen calankii xabashida ee laga taagay halkaas kadibna uu cabdulaahi ku qancin waayay arintaaas dabadeedna uu halkaas ku laayay ku gumaaday dhalinyaro fara badan oo ahayd intooda badan jufadiisa hoose halkaas oo markii danbe xabashida lagu qasbay in ay ka bxdo iayadoo ciidankii Xooga dalka somaliyeed uuu ku qasbay in ay dib uga laabato oo xitaa ay calankii ay meesha uga cararaan dabadeedna waxaa fashilantay in waxa calanka diidan ay ahaayeeen dhalinyarada SSDF cabdulaahina uu si buuxda u maamulin SSDFta uu sheeganayo oo heshiiska uu saxiixay ahaa mid ugub ah oo jeebkiisa isla markaas xabashdu waxay go,aansatay in ay xabsiga u taxaabto waayo xabashidu si fudud kharash uma bixso waxi ay bixisana waa in ay ku gaartaa danteeda marka waxay garteen in hub,shidaal iyo hanti kaleba ay uga bexeen meel eber ah isla markaasna waxay garteen in cabdulaahi uu khasaashay ooo uu been u sheegay isla markasna waxaa u soo baxday in cabdulaahi uusan ahayn ruux awood u leh waxa uu sheeganayo in uu fuliyo waana taas mida sababtay in xabsiga loo taxaabo inkastoo uu sheegto in sababta loo xeray ay ahayd diidmo uu diidan yahay in calanka xabashidda laaga taago Galdogob balse taas waxaa beenshay ragiii xog ogaalka u ahaa eee halkaas joogay iyo Mandiga saliimka ah iyo waliba mandqa xabashida waayo dadka yaqaana xabashida kuma sheegin in ay wax iska dacmiso waxna iska taageerto iyadoon hadaf lahayn.

Mida kale hadiiba uu run sheegayo oo uu diidaanaa in calankeeda meesha laga taago waaa su,aale muxuu aaga ula galay oo uu uga dhinac dagaalamayay? ma xabashida ayaa doqon ah ooo aanay aqoon waxya u dagaalamayaan mase si kale ayay wax ujiraan??

halkaas colnel cabdulaahi wuxuu ku lumiyay saaxiibtinimadii xaaraanta ku dhisneeeed eee mingisto xayle maryan iyo waliba xuriyadiisii shaqsiga ahayd iyadoo siyaasad xumidiisii ay usa usababtay in lafihiisiii uuu dayaco ooo sidii tuug laqabtay xabsiga looo taxaabo.

Markaas kadib waaa tii lasoo daayay oo xabsiga laga soo daayay markaas kadib siyaasad xumo heerka uu ka gaaray wuxuu tegay Kenya markaas waa tii la eryay siyaad bare sanadkuna wuxuu ahaaa 1991 wuxuu nirope kenya kula kulmay odayaal qabiilka daroodka ah markaas ayuu wuxuu yiri sharafteenu waxay kusoo noqonaysaaa xabad hadaba colnelku markuu lahaa taas wuxuu ogagol lahaaa bal in uu ka faa,iidaysto marxalada lagu jiro balse waxay kusoo aaday xeli dadku ay qaxayaan oo jabhadayn maajine wax kale furnayn marka hadii uu siyaasi yahay waxay ahayd in uu sameeyo siyaasadii Axmed Cumar Jees ee ahayd in dagalka laga wareejiyo qabyalada eee loo wareejiyo hadaf siyaasadeed asiga oo taageeray Jen:Caydiid oo leh dagaalku wuxuu u dhexeeyaaa mujaahidiin iyo Manafeesto bal fiiriya farqiga u dhexeeya labada Colnel inta anba la gaarin Muse Suudi markaas ayaa lagu yri cabdulaahiyow hadii aay sidaas tahay soco oo kismaanyo aad oo dagaalka dhinacaaga ka gal war looma baahna waayo dadku hadal uma baahna hadalkuna waxaa la rabaa in ficil lagu daro marka meeel u baahan in wax laga qabto ayuu cabdulaahi hadal lategay intaas kedib maleeshiyadii Caydiid ayaa qabsatay Gaalkacyo halkaasna ku bililiqaysatay hantidii meesha tiilay markaas kadib ayaa cabdulaahi warkiisii iyo hadalkiisii dib looma maqalin

saa arintu ficil ayay u baahatay hadaba siyaasad xumi heerka uu ka gaaray caydiidkii reer gaalkacyo u arkayeen in uu ahaa ninkii gumaaday ayuu 1994tii aaaday oo uu ayiday asigoo raba in uu madaxwayne xiga kadhigo wuxuuna yiri waagas asiga oo caydiid dhinac taagan in wixii caydiid ka horjeeda in badda ka cabi doonaaan wax yar kadib weeek kama soo wareegin markii uu kenya tegay eee uu lahaaa caydiid waan heshiin waynay marka sow siyasad xumi maahin laba sitimaan gudahood aad ku hadasho laba hadal oo kala duwan mar bada haka cabaan cidii caydiid diidan marna caydiid waanu heshiin waynay marka siyasiga dhabta ah si fudud ruux isugma dhiibo si fududna hadii ay heshiiyaan uma khilaafo mida kale cabdulaahi wuxuu hada sheegtaaa in uu heshiis u aaday halkaas ooo hada ay gaalkacyo ay sidaas nabad u tahay marka iyadana su,aasha ka ratibmaysa ayaa waxay tahay in sida caadada iyo dhaqanka somalidaba uu yahay in ruuxii aad la dagashaneed in aaan gurigiisa loogu tegin eee aan lala heshiin marka waa in heshiiska labada qaybood loo hela laba dhexdhexaadisa ama odayadu ay meel dhexe isku arkaan balse in heshiis laga soo raadiyo gaalgalcyo ee muqdisho laa soo galo waa wax caqliga ka fog.

wax yar kadib cabdulaahi wuxuu xubin ka noqday SSA oo uu hugaaminaayay waagaas cali Mahdi Maxamed wuxuuna noqday ruux uu wato cali Mahdi hadaba taageerayaasha cabdulaahi Yuusuf waxay ku andacoodaan in cabdulaahi uusan ahayn ruux la wato halka Muuse Suudi uu yahay ruux lawato hadaba markii uu caydiid aadayay wuxuu ahaa SSDF /S.N.A markiii uu cali lajoogay wuxuu ahaaa SSA marka taas waxay ku tusinaysaa in uu cabdulaahi uu ahaa ruux lawatay waxii uu rabo hoosta ha ku qarsado mida kale hadii muuse uu hada wato cabdi qaasim oo ay suura gal tahay in laheshiiyo Gole in lasameeyo oo lagu qabto Balcad ma timaadeeen marka ruuxa mar kasta lawadan jiray wuxuu ahaa Cabdulaahi Yuusuf Axmed hadana in uu hoos fadhiisto Somali waaa ka dalacay oo waxaa wata saraakiisha hoose eee Tigrayda ayakoo u meeriya waxa ay rabaaan hada wuxuu qaataa amarada Tafase u qaybsanaha itoobiya ee qarbudaada somalida si aysan somalia u noqon dowlad xoog leh oo wax u dhinta jiritaankeeda.

marka cabdulaahi saqiirada waa ka liitaa waayo yar iyo wayn nin xabasho aanan aqoon oo aanan fahmayn waxa ay rabto majiro marka siyaasad iyo maamul iskadaaye xitaaa cabdulaahi wuxuu fahmi layahay in aysan xabsho aysan somali wax u rabin asigana aysan wax la rabin xitaaa wuxuu fahmi waayay farqiga u dhexeeya Jibuuti iyo Itoobia waayo Jibuuti waxaa lagu xantaa in ay cabdi qaasim wadatay ayna go,aansatay in ay madaxwayne sidii uu ku noqon lahaa ay ku dadaasho waana ku guulaysatay marka hadii ay xabasho wax u rabto dadka ay wadato oo cabdulaahi kamid yahay waa aysamayn lahaynd mana samayso waana tan mar ay maxamed dheere ay dhegta ugu sheegto in uu madaxwayne noqdo marna candulaahi yuusuf marna ina caydiid marka xitaa iska daa saiyaasade cabdulaahi mayaqaano ruuxa uu ku hoos jiro waxa uu ka aaminsanyahay.

Dhinaca Isbahaysyada iyo taxaalufka kale ee dad la raadsado Cabdulaahi inta uu heshiiska layahay ee somalida kale sida Ina Caydiid,Maxamed Dheere ayuu hada heshiis layahay labadaas ruuxna ma kujiro ruux cabdulaahi wax u ogol ama in uu hugaan isbahayso uu gudoomiye u nqodo.Marka qolyahay sida waalida ah u taageersan cabdulaahi yuusuf waxay ku sheegaan in uu yahay ruux xirfad iyo siyaasadba aad u yaqaana oo khatar ah marka khatarnimada ay sheegayaan ma waxay ula jeedaaan fashilaanta siyaasadeeed eee ila aiyo hada uu kusuganyahay bal u fiirso imisa ayuuu lumiyay Dhamaan Isimadii soo jireenka ahaa ee reer woqooyi bari waaa uu lumiyay waxgaradkiii reer woqooyi bare waaa ay ka wada horjeesteeen isbahaysyadii uu xubinta ka ahaaa waaa uu wada dayacay marka xirfada ay sheegayaan hadii ay ujeedaaa afar talaab dib u laabo waa arin kale oo aan doodba u baahanyn iyo in wax laga qoro hadii la aado dhinaca damiirka iyo somalinimadana iyadana waxaysan u baahnayn in qoraalo sidaas u badan laga qoro mr,Cabdulaahi yuusud mida kale ee aan kula yaabo taageerayaasha cabdulaahi yuusuf waxay tahay in ay ku amaanaan in uu masruufo Hilowle Imaam iyo Guuleed Gacmo dheere marka labo shaqsi oo la masruufo maxay kudhisan tahay siyaasada nuucase ahse maxaytahay??? waa su,aal aan hubo in jawabteeda ay ku wareeri doonaan.

Hadii aan muuse suudi aan markiisa saaro miisaanka waxaa horta aaad aan ugu faraxsanahay in uusan iiga baahnayn qoraal badan waayo sidaas waayeel uma sii ahan sida cabdulaahi Yuusud dhooqo badana cagaha lama gelin marka Muuse Suudi anigoon amaan iyo caay intaba u jeedin waaa ruux ay aad u adagtahay in la iska wato inkastoo taageerayaasha cabdulaahi ay mar kusheegaan in uu caate wato marna ay ku fanai jireen in uu cabdulaahi wato hadana ay yiraahdaan in cabdi qaasim uu iska wato marka hadii in laiska waato ay fududahay fiicnaan lahaydaaa mar hore ayuu iska wadan lahaa CaliMahdi Maxamed ooo dhalasho ahaana ay isku dhaw yihiin dhinaca is fahamkana ay isaga dhaw yihiin cid kasta oo mudulood ah oo waliba saaxiibo ayay ahaayeen inta aan siyaasada lasoo gelin marka fiicnaan lahaydaa hadii la iska wadna karo saa asiga iyo maxamed dheere ayaa heshiin lahaa maxamedna xabasho iyo CIA baahi uma gyseeen oo wuxuu rabo si fudud ayuuu u heli karaaa marka qof hebla ayaa wata waaa hungow iyo beenta ay isku aqrin jireen ilmo ina yuusf Axmed mida kale maanta Isbahaysi waxy isl ayihiin Bare Hiiraale,Jaamac Cali jaamac.Garaad Cabdi qani iyo Ismaan Caato marka waa maxaay siyaasada uu leeyahay cabdulaahi Yuusuf oo ilaa iyo hada aan haysan cid muuqaal leh ama miisaan leh fiiri ragaas aan soo tixay hadii qabiil lafiirsho waa rag ay wadaagaan deegaaan iyo dhalasho marka lafiirsho bare Hiiraale iyo Jaamac Cali Jaamac waa rag daarood ah marka deegaan lafiirsho Ismaan Caato waa nin reer mudug ah oo reer gaalkacyood ah oo aan hubo in ay is fahmi karaan marka Cabdulaahi Muuse kuma gaaro Siyaasad ooo siyaasadiidu waxya u gaysay rag aaanay somali isaga sukayn sharaf iyo dadnimana kuma gaaro oo cadaw uma dhiibin ruux somali ah ama muslim ah bale hadii is bar bardhigu uu ahaan lahaa Maxamed Dheere iyo Cabdulaahi Yuusuf oo taageerayaasha ay dhinacaas ka keeni lahaayeen wax ayay ahaan lahayd

Ugu danbayntii waxaan soo dhawaynayaa cid kasta oo soo bandhigata aragtidee da isla markaasna burisay qoraalkayga ayakoo ku burinaya wax cad oo muuqda.

Mahadsanidiin

wabilaahi Towfooq

Xasan Axmed Tooxow
 waziir@hotmail.com

 

Isbarbardhigidda Booqashada C/lahi yusuf iyo Muuse Yalaxaw

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 18, 2003

.. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]