SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Aafo!

Ibraahin Yuusuf Axmed
Hawd99@hotmail.com

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

Sharku nolosha ayuu ku gedfan yahay oo sina loogama lug baxo, waxaana la malayn karaa in uu qudheeda ka mid yahay ee aanu ahayn wax debedda kaga imanaya. Qoom walba iyo qof walba waxaa jira wax lagu ibtileeyey. Ummad baa khamri iyo maandooriye la ildaran. Mid kale boqortooyo macangeg ah ayaa lagu salliday. Mid kale faqri iyo diin isdugsadey ayaa fadhi u diiday. Ummad kalena cudurka Aids-ka ayaa looga baqayaa in uu dabargooyo. Innagana waxaa la inagu aafeeyey masiibo intaba ka daran.

Raage waa soomaali soddon jir ah oo uu caafimaadkiisu taam yahay. Sida ay hooyadii u sheegtay magaciisu wuxuu isugu qoofalan yahay laba ujeeddo. Mar wuxuu duco, saadaal iyo rajo u yahay cimri dherer. Mar kalena wuxuu xasuus u yahay sidii ay fooshiisa ugu raagtey. Wuxuu ku dhashay kuna barbaaray magaalo, wuxuuna curad u yahay qoys nolol ahaan iska ladan. Dugsi sare ayuu ka baxay, aqoontiisuna ma xuma, wuxuuna si wanaagsan u yaqaan afafka soomaaliga, carabiga iyo ingiriisida, kuwaas oo uu wax badan ku akhriyo. Intaas waxaa u dheer aqoon fiican oo uu diinta u leh yahay. Hay’ad magac samofal dalka ku joogta, laakiin aan cidina runteeda ogayn, ayuu tarjumaan u yahay. Soon iyo salaadi kama tagaan, macsidana nooc ay ahaataba aad ayuu uga dhawrsadaa. Wax balwad ah oo aan shaah ahayn ma leh, kubbadda cagta ayuuna galab walba cayaaraa. Waxaa loo arkaa nin dhaqan iyo anshax wanaagsan.

Dabci ahaan waa nin naxariis badan, taas oo ah sifo dadka soomaalida siiba ragga ku yar. Waxaa dhacday maalin uu dhawr iyo labaatan jir ahaa in hooyadii ilig aad u xanuunay dabadeed uu ooyey. Maalin kale oo walaashii la gudayey markii ay xanuun la qaylisay isaguna aad ayuu u ooyey. Maalin saddexaad oo ay aabbihii iyo niman kale toorrayo isula baxeen aabbihii ayuu qabtay ee uma hiilin. Barbaarta ay isku filka yihiin dhacdooyinkaas waa ay ku xifaaleeyaan, waayo qofkii aan qalbigiisu dhabar yaxaas ka qallafsanayn fuley iyo qof jilicsan ayaa la moodda.

Raage galab isaga oo siirada nebi Maxamed (scws) kitaab ka akhrisanaya ayuu aad ugu qiirooday dabci wanaagga Rasuulka, wuxuuna qirtay in ay tahay nolol ku dayasho leh. Maalintaas ka dib wuxuu tijaabiyey bal in uu iska dhigi karo qof wanaagsan oo intii suurtogal ah ceeb yar. Dad ay diimaha iyo taariikhdu ammaaneen ayuu u fiirsaday, wuxuuna ogaadey in ay ka sinnaayeen sifooyin dhawr ah oo ay ka mid yihiin nabad jacayl, dulqaad, run sheegid, deeqsinnimo, daacadnimo, caddaalad iyo jacaylka xikmadda. Nebiyada iyo filosoofiyiinta wanaagsani dabeecadahaas waa ay wada lahaayeen. Dadkuna guud ahaan wanaagga wuu jecel yahay, haddaba maxaa diidaya in arrimahaa la sameeyo, ayuu isweydiiyey. Sharku waa balaayo nafta xoog ku leh oo samaha iska hor taagta, sida loo kala garasho iyo akhlaaq fiican yahay ayaana loogu kala guulaystaa ka adkaanta sharka, ayuu isugu jawaabay. Sharku ugu horrayn wuxuu soo galaa anaaniyad ama nafjeclaysi, dabadeed xumaanta kale oo dhan ayaa ka dhalata. Nafjeclaysigu waa iyada oo wax kasta oo dani ku jirto la isla jeclaado dadka kalena laga xigsado ama laga sheegto. Sharka wax isla jeclaysigu sida uu dareenka iyo damiirka qofka u burburiyo si la mid ah ayuu qabiil ama ummad dhan ku samayn karaa. Haddii nafjeclaysiga laga adkaan lahaa xumaha kale oo dhami maba dhasheen.

Raage isaga oo aragtidaas ka duulaya ayuu dedaal u galay in uu qof dhaqan toosan noqdo. Wuxuu goostay in uu sifooyinkii ay dadka wanaagsani lahaayeen naftiisa ku dabbaqo. Halgankaa wuxuu bilaabay isaga oo sagaal iyo toban jir ah, wuxuuna ka bilaabay in uu iska ilaaliyo fal kasta oo qof kale wax yeelaya. Haddii xumaan lagu sameeyo kagama jawaabo wax aan ahayn waano iyo dulqaad. Dabadeed wuxuu u egaaday qof waalan ama dhaandhaan ah. Dhaqankaas qumman ee ay ahayd in uu dadka asal u ahaado waxaa loo arkay nacasnimo aan dabiici ahayn.

Muddo ka dib markii uu dareemay in uu taa guul ka gaadhey ayuu u gudbey in uu haddaba qalbigiisana xasadka iyo nacaybka ka safeeyo, si uu u noqdo qof dhammays tiran oo dul iyo hoosba nadiif ah. Markiiba wuxuu ogaadey safaynta naftu in ay aad uga sii adag tahay tii hore ee dhaqanka. Tusaale ahaan caqli, diin iyo akhlaaq intaba wuu ku qancay qabyaaladdu in ay tahay dhaqanxumo aad u weyn. Haddana isla markaa wuu og yahay taasi in ay qalbigiisa god dheer oo ka qarandida la mid ah ka qodatay.

Mar kasta oo uu magaca reer hebel maqlo naftiisa kacdoon iyo xanaaq ayaa ku dhaca. Mar kasta oo uu dad reer hebel ah la kulmo araggooda, sheekadooda iyo lahjaddoodaba wuu dhibsadaa. Wuxuu u arkaa dad caqli xun, oo xin badan, oo faan badan, oo cadaawad badan, oo sidoodaba u nool xumaynta tolkii. Haddii ay dhacdo in uu dad qabiilkaas ah hadal la yeesho, intaa wuxuu ku jiraa digtooni iyo waxiskacelin. Erey kasta oo afkooda ka soo baxa wuu sii dhadhansadaa, oo macne kasta oo ku jira ama aan ku jirin ka raadiyaa. Dedaalkaas badani markiiba wuxuu u keenaa daal dabadeed xanaaq. Sidaas darteed wuxuu jecel yahay in uu dadka ay isaga isku tolka yihiin iskaga dhex jiro. Agtooda wuxuu ku helaa degganaan nafsadeed oo u dhiganta ta uu dareemo marka uu la joogo gabadha uu jecel yahay ama uu masjidka joogo.

Sidaas oo ay tahay haddana weligii qof ehelkiisa ahi gacanta qabiilka uu neceb yahay kuma dhiman, weligiina isagu shakhsi ahaan qabiilkaas wax dhibaato ah kama uu mudan. Waxaaba ka dhalatay aayadii oo aan hooyadii uga duwanayn, waxaana u dhaxday walaashiisa ka yar oo uu dunida ugu jecel yahay.

Arrintaa markii uu si xilkasnimo ah ugu sii fiirsaday wuxuu qirtay qabiilkaas in uu neceb yahay sababta oo ah qabiilkiisa ayaa neceb. Markii uu xasuustiisa arrinta ku saabsan dib u hayaamiyey wuxuu ka soo helay meel aad u fog, guyaashii uu garaadsaday. Wuxuu hayaa taariikh iyo maanso badan oo qabiilkaas ku saabsan, kuwaas oo la baray markii ay maskaxdiisu dab iyo biyo kala garatay. Gurigooda iyo meel kasta oo ay laba nin oo tolkiis ahi ku kulmaan inta badan sheekadooda dhextaal waxaa u ah halhaysyo, taariikh iyo maanso xilliyo fog ama dhow soo kala maray tolkii iyo qabiilka kale, kuwaas oo mar walba tolkiis xaqa, guusha iyo garta siinaya; isla markaas qabiilka kale ka dhigaya bahal lafaha dadka qeedhinka ku burbursada.

Markii uu sidaa wax u fahmey wuxuu istusay in uu qabyaaladda sideedaba ka bixi karo. Dabadeed waxaa ku dhacay dareen qaadanwaa, yaab, farxad iyo raaxo isugu jira, oo u dhigma markii ugu horraysay ee uu gabadh u galmooday.

Bulshada ayuu isha wada mariyey isaga oo ka dhex raadinaya dad qabyaaladda ka xoroobey. Fajac ayeyna ku noqotay markii uu ogaadey sida ay dadkaasi u tiro yar yihiin amaba aanay u jirin. Waxaa aad u badan kuwa afka ka dhurma ee sheegta in ay yihiin waddaniyiin qiiraysan, ee haddana ah munaafiqiin beenaaleyaal ah oo liita. Waxaa la caadaystey in qabyaaladda la haaraamo isla markaa sida ugu xun loogu dhaqmo. Markii karti iyo caqli lagaga baxo la waayey ayaa caydeeda lagu afgobaadsanayaa. Boqol qof oo meel wada fadhiya ayaa isku raacaya in ay tahay waxa ugu xun ee dhaqanka soomaalida ku jira. Haddana boqolkaas qof kuma jiro mid keliya oo xumaantaas joojinayaa. Beenta iyo macnodarrada intaa la isla hor yuururo lalama kala xishoodo. Waa yalaalugo in uu qof og in aad og tahay in uu qabiili yahay haddana qabyaaladda kuu caayo. Hab-dhaqankaa munaafaqa ahi wuxuu carqaladeeyey in daacadnimo iyo niyadsami arrinta looga hadlo, si dabadeed loo fardaamiyo. In qabyaaladda si looga hadlo si kalena loogu dhaqmo bulshada waxaa baray qofkii madaxnimada dalka khasabka ku haystay sannadkii 1969 ilaa 1991.

Raage mar haddii uu awelba naftiisa dagaal kula jirey, kuna dhaarsanaa in uu qalbigiisa xumaha ka safeeyo, dareenka iyo waxisweydiinta ku cusub kama uu baqin. Wuxuu maskaxdiisa siiyey fursad ay arrintaa sida ay doonto oo xor ah uga fekerto, wuxuuna ka sii daayey garboduubkii ay caadada iyo tolka ugu jirtey. Dabadeed maankiisu wuxuu ku sii raaxaystay qodqodista iyo baadhista xaqiiqada ka dhexaysa ama aan ka dhexayn tolkiis iyo qabiilkaas kale. Qabiilkiisa wuxuu dhinac dhigay qabiilka kale, isaguna wuxuu isku eegay nin la da ah oo uu qabiilkaas ka yaqaanney. Dabadeed haba yaraato ee wax kala duwanaan ah ayuu waayey. Wuxuu ogaadey lana yaabay arrintii ugu darnayd, una adkayd, ee uu rabay in uu naftiisa ka xoreeyaa sideedaba in ay tahay wax aan jirin. Wuxuu fahmey qabyaaladdu in ay tahay dhalanteed weligii la eryanayey, welina la eryanayo, oo aan la gaadhi karin. Dhalanteed lama gaadhi karo, waayo marka ay qorraxdu kululaato ayuu ismuujiyaa, marka ay qabowdana waa uu lumaa, Adiga oo harraaddan ayuu kuu widhwidhaa marka aad halkii gaadhidna hortaada ka sii widhwidhaa.

Wuxuu gartay qabyaaladdu in ay tahay sun qofka soomaaliga ah nafsadda iyo dhaqankaba kaga milanta, dabadeed miyirbeel ku ridda. Waa wax qofka dadnimadiisa hoos u jiidda, sida uu cudurku qofka tabartiisa hoos ugu jiido. Raage bulshadiisa wuxuu ku dhereriyey bulshooyinka kale ee sida dadnimada leh u dhaqan, isaguna wuxuu isku dhereriyey barbaarta la da’da ah ee bulshooyinkaas u dhalatay. Dabadeed wuu xanaaqay isla markaa khajilay. Waxaad ka dhalatay dad leh dal iyo taariikh, haddana aan dad kale nolosha ula tartami karin. Maxaadan laabta isaga garaaci karin adiga oo qaranka aad tahay ku faanaya? Weydiimo badan oo noocaas ah ayaa ashkato isula soo tubay oo waalli ku ridi gaadhey.

Raage isaga oo qabyaaladda go’aan adag ka qaatay ayuu goor fiid ah makhaayad uu shaaha ka cabbi jirey ugu yimid laba nin oo saaxiibbadiis ah. Mid isku reer ayey ahaayeen, ka kalena qabiilka ay tolkiis colka yihiin ayuu ka dhashay. Waxaa la qaddaray markii uu labadaas nin u yimid in ay ka xifaaltamayeen dhacdo caan ah oo ay labada qabiil beri aad u fog isaga gabyeen. Isaga oo aan dhex gelin ayuu cabbaar shaahii dhegaysi iyo aamus ku cabbay. Dooddaas dan kama uu lahayn ama waa uu isdiidsiinayey. Cabbaar markii ay labadii nin hadalka sii wadeen ayuu kii qabiilka kale ahaa dooddiisa ku bilay tix gabay ah oo uu nin qabiilkaas ahi arrintaa ka tiriyey. Tixdaasi dareenka Raage aad ayey u kicisay una soo jiidatay, wuxuuna xasuustay tix uu gabyaa reerkooda ahi taas kaga jawaabay. Isaga oo xamaasad kursigii ugu ruqaansanaya ayuu aad u rajeeyey in ninka ay isaga isku qolada yihiin tixdaas xasuusto oo doodda ku darsado. Nasiibdarro taasi ma ay dhicin ee ina adeerkii qar kale ayuu jafay. Ninkii qabiilka kale ahaa oo libta isa siiyey ayaa dhacdo iyo tix kale ku sii tiiqtiiqsaday. Dabadeed Raage inta uu is-hayn kari waayey ayuu dooddii la wareegay, oo tix iyo tiraabba si daran u dagaallamay.

Ugu dambayn xifaalihii oo cadaawad ku sii hoobanaya waxaa lagaga miyirsaday eedaankii salaadda cishe. Safuu sufuufakum wactadiluu, markii uu imaamku lahaa ayey saddexdii saaxiib, oo aan runtii saacaddan isjeclayni, jamaca masjidka faryarooyinka cagaha isku qabteen.

Habeenkii xigay oo dhan feker kale ma uu yeelan. Go’aankii aad qabyaaladda ka qaadatay goorma ayaad halkee kaga dhaqaaqday? Maxay ahayd sababta doodda qabyaaladeed ku gelisay? In aad qabiilkaas weerartay iyo in aad labadaada saaxiib u kala hiilisay waa uun sharkii nafjeclaysiga. Waxaad rabtey in uu qabiilkaagu kaa kale ka fiicnaado. Dhacdadaasi waxay dardar sii gelisay dagaalkii sharka iyo khayrka maskaxdiisa ku dhex marayey. Wuxuu qirtay qalbiga iyo akhlaaqdaba in uu xin iyo nacayb culus ku sito. Wuxuu shaki geliyey wanaagga ay dadku dhaqankiisa muuqda ka arkaan, taas oo gaadhey in uu munaafaqnimo isku tuhmo. Wuxuu la yaabay dareenka sidaas u macnaha iyo waxtarka daran sababta uu uga adkaan waayey. Maalmo dhawr ah oo uu arrintaa joogto uga fekerayey waxay ku noqotay xanuun nafsadeed iyo cuqdad.

– Raage, sidee ayey ragannimadaadu kuu siinaysaa in aad tolkaa iyo cid kale xumaha iyo samaha u sintid? Sidee ayaad ugu fekertey xumaanta ay qoladaasi leh yihiin, ee dabcigooda ah, in aynu innagu lahaan karno? Ama wanaagga aynu leh nahay, ee dabcigeenna ah, in ay iyagu lahaan karaan? Raage, ma waxaad doonaysaa in uu shisheeyuhu kugu wiirsado tolkaana kaa naxo? Maxaad sidii ilmo afbarad ah ugu hadaaqaysaa: Isku isir baa la yahay, isku af baa la yahay, isku diin baa la yahay, isku dhaqan baa la yahay iyo isku dal baa la yahay? Waxaasi ma wax uu nin dhiig iyo uus lehi dad isla soo hor taagaa?

– Adigu miyaadan la yaabayn aafadan dadkii wax dhintay iyo wax gumoobay ka dhigtay? Miyaadan arkayn in ay dadnimo dhimatay, oo ummadnimo dhimatay, oo dawladnimo dhimatay, oo sharafi dhimatay, oo ilbaxnimo dhimatay, oo nabadgelyo dhimatay, oo nololi dhimatay? Haddii aan qabiilkayga wax gooni ah u doono sow wadajirka iyo danta guud lumi maayaan? Sidaas wax aan ku waayayo mooyee wax aan ku helayo bal ii sheeg? Qabyaaladdu waa sanam Ilaahay ka sokow la caabudo. Markaa qofkii ka kufriyaa wanaag mooyee xumaan miyuu sameeyey? Haddii aad daacad tahay adiga oo daacad ah “maya” ku jawaab! Haddii aad munaafaq tahayna adiga oo munaafaq ah “maya” dheh!

Ibraahin Yuusuf Axmed
Hawd99@hotmail.com

MAQAALADII HORE EE IBRAAHIM YUUSUF

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 19, 2003

.. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]