SOMALI-NIMADU MAXAY LA QEYMA TAHAY MAANTA?
VER.12345

Qore cabdullahi Gulled Ali
Abdullahigulled@hotmail.com
19.11.2003

Si kastaa oo aad isu aragto qurux iyo
fool xumaba waxaad tahay waxa aad matasho, nina qof uusan aheyn ma noqdo.
Hadaad ku faani laheyd, iyo hadaad ka faani laheydba waakaa dhaxalkii
ubadkaaga!!!!!!!!! Oraahdeyda A. Gulled Ali |
SOMALIYA !!!!!
Noolaha Allah abuurtay marnaba
dal la’aan ma noolaan karo, hadiiba kalmada Dal ay timaadana waxaa abuurmaya
tilmaamo badan oo gaarsiisan heer dhaxaltooyo, oo ay waajib tahay in la kala
dhaxlo. Waxaa kamid noqon kara fekerka guud ee bulsho laga qaadan karo hab
dhaqameedkooda, taas oo ay tahay mid laga heli karo shaqsi kastaa oo
bulshadaasi ka mid ah, Tusaale ahaan haday noqon laheyd muuqaalka, hadalka
taranka taariikhda sheekooyinka gabayada murtida iwm.
Waxaa badanaaba laga reebaa
intaa aanu sare kusoo sheegnay dhowr qeybood oo iyagu lagu tilmaamo in kala
duwanaanshaha waqtiga la nool yahay uu sababo, waxaan kamid ah tusaale ahaan
xaga labiska, cuntada, deegaanka iwm. Hadaba waxaan uga gol leeyahay qoraalkan
wejigiisa hore ee aan tilmaamaha ku qoray in wadanku uu yahay midka dareensiiya
qofka ku nool wadaniyad jaceyl iyo qofka oo dareema in uu wadankaa kamid yahay
asal ahaan.
Marka qofka ay ka daadagto
macnaha uu wadankiisu u leeyahay ayaa uu fahmi karaa heerka uu ka taagan yahay
wadankiisa.masawir kastaa oo laga sameeyo somaliya waxaa hubanti ah in siyaabo
badan loo kala arko, hase ahaatee cidna iskuma diidana in meeshu ay somaliya
tahay dadka masawirka guud laga bixinaya ay soomaali yihiin. Horumar kastaa oo
uu qofku gaaro, waxaa uu yahay ambassador ama wakiil matala wadankiisa, qofka
soomaaliga ahna waa wakiil matala somaliya, waloow ay dhici karto in uu
shaqsigaasi isagu isu arko reer hebel ama jinsiyad kale.
Waxa hada ka hor ka dhacday
meel xero qaxooti ah oo ku taal wadanka Denmark in dada ad u fara badan oo
somali ah lagu hayey xerada qaxootiga mudo ka badan intii ay filayeen in ay ku
helidoonaan aqoonsi qaxootinimo, waxaa ay dadkaasi noqdeen kuwo raag saday
qolooyinkii gacanta ku heysay amaba maareynetsay codsigoodii qaxootinimo. Iyada
oo ay arini sidaa u cakiran tahay ayaa dagaalkii sokeeye ka qarxay wadankii,
waxaana dhammaan idaacadihii caalmku ku wada mashquuleen tebinta dagaalada ka
socda wadankeenii hooyo.
Waxaa dadkii xerada ku jiray
iyana ay ku wada yaaceen dhageysiga idaacadaha, iyaga oo la yaaban waxa
wadankoodii laga soo sheegayo. Maalmo markii uu dgaalku socday ayaa waxaa laga
dareemey xeradii gudaheeda yaacan tirada badan ee ay soomaalidu ku yaacayaan
Television-ada ku baxa afafka ingiriiska iyo carabiga, oo iyagu si aanan kala
joogsi laheyn u soo deynayey warbixin masawiro wadata. Waxaa hadaba shaqaalihii
cadaanka ahaa ee ku sugnaa xerada gacantana ku hayey qaxootiga somalida iyo
kuwa kale ee xerada ku sugnaaba ay iyana ka soo qeyb galeen daawashada
dhibaatada somaliya laga soo sheegayo.
Waxaa nasiib daro ah in
cadaanka goobjooga ah marka Tv-yadu tebinayaan wararka noocaas ah ee somaliya
laga sheegayo ay la yaaban yihiin sarwaxanka buuqa iyo qosolka u badan ee
somalida ka yeeraya. Hilmaamsho dhawaa somalida, waxaa isla markiiba ay iska
dhaadhiciyeen in nasiib daradan wadankoodii ku habsatay ay u soo dedejindoonto
aqoonsi qaxootinimo. Gabar kamid ah shaqaalihii goobta joogtay ayaa ka codsatay
in somalidu ay u xaqiijiyaan wadanka laga hadlayaa in uu yahay kooda iyo in
kale, waxaana ay tiri ”hadii meesha laga hadlayaa ay somaliya tahay idinka
ayaanan somali aheyn, hadii” iyada oo gabadhaasi la yaaban qaab darada somalida,
iyo sida ay u fekerayaan darteed.
Hadaba waxaa naxdin leh qofka ay
heerkaasi ka gaartay dareenkiisii wadaniyadeed, waxaa cad in uu ka tarjumayo
waxa ay ku sugan yihiin inta badan somalida dibeda ka joogta wadankii, iyaga oo
wax walbaa u sameeynaya in au ka fogaadaan wadankoodii hooyo. Waxaa kaloo yaab
leh ninka doonida ku dhimanaya ee badweynta saaran halka uu u socdo iyo halka
uu ka socdo. Waan garan karaa kuwa Libiya iyo wadamada ay yurub ka soo geli
karaan isu tijaabinaya halmar, waxaase yaab leh kuwa Puntland doonta ka raacaya
ee yemen u socda oo iyagu badanaaba shareysta hadii socdaalkoodaas laga hor
istaago una arka in si naxariis daro ah loola dhaqmo. Yemen oo haatan ilaahay
ogyahay waxa ay nagu heyso oo dhibaato ah marka loo fiirsho qaxootiga
wadankeeda ku sugan, waxaa la yaab leh dadka u cararaya oo halkaa tuugsiga iyo
bahdil nimada lagu hayo.
Qofka baahan meelna uma roona,
waa dhici kartaa in uu qofku ka waayo nabad goobaha qaarkood somaliya, hase
ahaatee ma aha wax lagu qanci karo gebi ahaan somaliya ayaan ka cararayaa
waxaana nabad ku helayaa wadan shisheeye. Ilaa iyo hada waan jeclahay in aan
ogaado sababta wadanka loo nacay….. Waxaan ka cudur daaranayaa in aanan
qoraalkeygan loo fahmin in aan garan la’ahay sababta dagaalka sokeeye uu u
dhacay, maamul xumidii wadanka ku habsata, amaba aragtiyada qabiil ee kala
duwan. Waxaan badanaaba jecleystaa in aan wareysto qowmiyadaha kala duwan ee uu
iyana dagaalka sokeeye naafeeyey. Waxaan inta badan kala kulmaa waxyaabo badan
oo kala duwan oo aanu isaga mid nahay, balse inta aanu ku kala duwan nahay ayaa
ciidaa ka badan.
Ilaa iyo hada ma helin jawaab
i kaafisa, waxaanse hubaa in wax gaar ah ay soomaalida laabtooda ka buuxdo,
taas oo ku kalifeysa in ay ka fogaadaan wax walbaa oo wadaniyada sal u ah. Ku
dhex wareega yurub ee ay dadku hadba meel u guurayaan ayaa lagu saleeyaa reer
guuraa-nimo, hase ahaatee armeey wax kale ku lamaanan yihiin?
Waa socotaa.....
Qore cabdullahi Gulled Ali
Abdullahigulled@hotmail.com
QORAALADII HORE EE A. GULLED
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 19, 2003
..
FOGAANTA U DHEXAYSA
MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....
....
Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com