SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Qurba joogga oo ku soo qulqulaya waxbarashada magaalada Muqdisho

 

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

Waxbarashada magalada muqdisho uma nasiib xumayn sidii ku dhacday adeeggii kale ee dadweynaha oo 13ki sanoo la soo dhaafay waxaa magaalada aad ukobcayay tayada waxbarashada iyo adeegyadeeda kala duwan.

tiro koob ay sameeyeen daladaha waxbarashada ee magalaada muqdisho waxay ku qiyaaseen in ka badan 180 000(boqol iyo siddeetan kun) arday inay subax walba ukalahaan dugsiyada hoose dhexe iyo kuwa sare halka in ku dhow 5000na ay dhigtaan labada jaamacadood ee ka jira magaalada muqdisho ayadoo muddo dhawayd jaamacadda muqdisho university ay heer master iyo PhD ku kordhisay waxbarashadeedii. taasoo ay ku dhiiradeen aqoonyahano badan oo u hamuunaa inay aqoontooda cilmiyeed uga faaiideyaan jiilka soo koraya ee mustaqbalka dalka.

Waxaa kaloo waayadan dambe aad usoo badanayay dadka dibadda kasoo noqonaya oo isugu jira ubad yaryar oo waalidkood ka door bideen inay caruurtooda wax ku batraan dhulka hooyo si aanay uga lumin diintii iyo dhaqankii suubanaa ee ummadda soomaaliyeed lagu yaqaanay iyo dhalinyaro ka door biday waxbarashada magaalada muqdisho kuwa wadamada qurbaha oo badi isku raaceen in tan wadanka ay ka fiicantahay kuwa wadamada ay ka yimaaden.

waxaad arkaysaa iskuulada magaalada muqdisho kuwa wax ku bara luqadda carabiga kuwa wax ku barta ingiriisi iyo xitaa waxa jira iskuulo lagu taqasuso barashada luqadaha sida farnsiiska iyo jarmalka. mid ka mid ah dhalinyarada kasoo noqday wadanka mareykanka gobalka arizona oo aan wax ka weydiiyay sababaha ugu weyn oo uu udoorbiday inuu wax ku barto muqdisho oo aan nabadeeda la isku halayn karin waxuu ku jawaabay waxaan hadda bartaa cilmiga dhakhtarnimada sandkiina waxaa la iga qaadaa 1500$ kaliya halka gobalka aan ka immid aana haweysan karin inaan galo jaamacad dhaqtarnimo oo dadka taajiriinta ah ilmahooda ayaa hela sababtoo waa qaali aan la gooyn karin waxaan kaloo udoorbiday xagaa baridda(fahamka) oo profeserada soomaalidu si hagar la,aana ayay wax kuu barin kuuna fahamsiin halka profeserka amerika intuu istaago hortaada buug uun kuu akhrinayo oo uuna isku ka taxalujinayan,teeda kale qofkii tiisii gasho ayaa dhinta oo meelaan dil ka jirin dhammaan gobalada mareyka kuma arag tusaale ahaancasimadda mareykanka ee washington bishii waxaa lagu dilaa in kabadan 45 qof ayuu yiri wiilkaas ka soo noqday dalka amerika una soo laabay dalkiissi hooyo hamuun waxbarasho awgeed isagoo ku taamaya inuu noqdo dhaqtar daweeya dadka.

waxyaalaha cajiibka ah ee ku tusinaya tayada waxbarasho ee magaalada muqdisho waxaa ka mid ah in gabar dhigata fasalka siddeedaad ee qaybta carabiga ay qortay maqaal dheer oo af carabi ku qoran kaasoo dadka khabiirka ku ah maadadaas ay qireen inayan xabad laaxina ku jirin qoraalka gabadhaas 15jirka ah waxaad kaloo arkin iskuulada afka ingiriska arday ku hadlaysa rufdada(accent) America amase tan Britishka taasoo ku xiran macalinka udhigaya hadba meeshuu wax ku bartay .


Cabdi Xasan Cali somalitalk.com/Muqdisho
abdi172@hotmail.com  

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 1, 2003

.. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD