SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Taariikhdu, waa jire Marqaati leh

A A Waaberi
awaaberi@yahoo.com

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

Sideedaba waxa taariikhda loo qoraa in aanu ka tusaale qaadano,oo hadii ay ahayd waddadaa la maray mid horseeday dhabaha liibaanta iyo wanaaga waa la raacaa oo la mahadiyaa luguna guulaystaa , isla markaana loo mahadiyaa kuwii jideeyey wadadaa kheyrka iyo badhaadhahaba leh, balse hadiii ay ahayd dhabahaa waddada halaagga iyo baaba’a waa laga leexdaa, oo la isaga digaa hadii la raaco dariiqaas oo ku gaynayo wado lama galaan ah, aadna waayeyso meel aad kaga baxdo iyo meel aad u ciirsato, waxaad dhaxashaana ay noqonayso oo keliya ay tahay halaag iyo darxumo aan kaa harin, dibna kuu dhigta, taasoo ku gayeysiisa in aad la saan qaadi weyso kheyrkaaga.

Taariikhdu waxay noqotay maado ka mid ah maadooyinka lagu qaato Dugsiyadda waxbarashadda heerarkiisa kala duwan oo ilaa iyo heer jaamacadeed leh oo aan harin, kana mid noqotay maaddo, ka madax banaan culuunta kale, oo iyada isu taagtay in lagu taqasuso goonideeda. sida loogu taqasuso culluunta kale oo ay kamidka yihiin: Barashadda cilmiga caafimaadka, Kan Muhandisnimada, Kan xidigiska, Kan Bulshada, kan Xisaabaadka iyo waxa la hal-maalo maamulka iyo maaraytaba leh kan iyo kuwo kaloo badan oo aan halkan lagu soo koobi karin barashadooda.

Akhrisdtoow, hadii aad nasiib u heshay in aad daawato barnaamijyada soo daayo telefishinadda aduunka qaybihiisa kala duwan qaar ka mid ah, waxaad arkaysaa barnaamijyo loo bixiyo "History", amase Taariikhda, kuwaasoo ka hadlayo dhacdooyin waayo hore dhacay. oo aad loogu baahanyahay in dib loo xasuusto, casharna ay unoqoto inta aan goob joog ka ahayn xiligaas. waa barnaamijyo aad loo xiiseeyo oo midba midka kale ka daran, iyadoonan la qarinin wax allaale wixii ay wanaag lahayd iyo xumaanba. waa taariikh is daba yaal laga soo bilaabo ilaa iyo inta uu aadmiga xasuusto oo qoraal ama sheekaba lagu hayo. waxaad mar mar aad odhanayso dadkii xiligaa joogay waa ay ka karti badnaayeen kuwa eega joogo, waxaa tusaale yar kugu filan adigoo dib u fiirsada filin soo baxay Lixdameeyadii ama kontomeeyadii amase afartameeyadiiba, ka dib bar bar dhig Matalayaashii waagaa iyo kuwa eega joogaba.

Akhristaha sharafka mudanoow/mudaneey, sida aanu wada ognahayba Ummadda Soomaaliyeed waa ummad wax isugu gudbiso qaabka hadalka oo la odhan karo waa UMMAD hadal "Verbal Society" kuwaasoo in badan oo taariikhdooda ka mid ahi ay jiilba jiil u gudbiyaan hadaladaas dhaxal galka ah, kuwasoo intooda badani ah kuwo la rumaysan karo oo loo soo gudbiyey sida la isaga dhexlay, walow uu ku jiro bidcooyin fara badan aysan ahayn kuwo la rumaysn karo. hadii la weeleeyeyna uu yahay waxa lagu weeleeyey Maskax Aadame, oo aan ka marnayn Hilmaamid iyo u fahmid qaab kale oo aan ahyn qaabkii xaqiiqda, iyo weliba jeclaansho sida uu qof kastaba u jecel yahay inuu u gudbiyo. Sababtuna waa cadahay oo lama hayo raad raaac sax ah. Hadii maanta la yiraahdao halaga sheekeeyo Axmed Ibraahim "Gurreey", Allaha u naxariistee iyo Mujaahidiintii la soo halgantayba. Waxaa dhab ah in inta badan ee aanu ka hayno ay tahay ku tiri ku teen iyo waa la lahaa oo aanan hayn meel loo noqdo oo qoraal ah, saba! btoo ah ma jirin qoraal aanu ku dhaadano oo aanu nidhaahno ha loo noqddo qoraalkii hebel uu qoray ee ahaa hebel sida dunida qaarkeed ay maanta leeyihiin. ( waloow uu jiro qoraalo yar yar oo ka hadlaya arimaah). Balse waxaa xaqiiq ah in hadii al yiraahdo ha laga sheekeeyo Doorkii ay Daraawiishta ku lahayd halgankii Taariikhda Soomaliya, waa dhab, in wax badan oo ka mid ahi la hayo raadkooda saxda ah, waloow uu in badan oo ka mid ah ay duugmeen, balse waxaa mudnaan mudan inta u guntatay in ay ka qayb qaataan soo saarida raadkaa boorka iyo habaaska ku lumay, "waa laa shugran calaa waajib". Waxaa kale oo la helayaa maanta haba yaraadeene, dad noolaa xiligii daraawiidshta amaseba aabayalkooda ahaa Daraawiishta oo laga helayo taarikh hufan oo saliim ah, isla markaana dhexal gal ah, ha fiicnaato amase ha xumaato dhacdadaas. waxaa iyana la mid ahi in la helayo intii goob jooga u ahayd halgankii xornimo doonka ahaa, ee ummadda Soomaaliyeed u soo geshay halgankooda. iyo Kacdoonadii ay wadeen Halgamayaashii naftooda qaaliga ahi u huray Wadankooda laga soo bilaabo xiligii Daraawiishta iyo Sayd Maxammed Cabdulle Xassan, kii Xisbiyadii Wadaniyiinta, Sheikh Bashiir, Faarax Oomaar, Sheikh Xassan Barsamme, Leegadii, Daaqiligii, Xornimadii ilaa iyo Xiligii Bur burka Qaranka Soomaalida waa bilowgii Sagaashanaadkiiye

Aan u soo noqdo sababta igu xanbaartay in aan is la helo khadda iyo qalinka, oo ahayd Taariikhda oo laga waraysto cid aan munaasib u ahayn in laga waraysto loona gudbiyo Malayiin qof oo u badan makas aan helayn meel kale oo ay ka doontaan war sugan, oo sida aan horey u sheegayba ah bulshadaas, kuwo hadal wax isugu gudbiyo, oo waxaa dhacaysa in hadalkaa beenta ahi uu marin habaabiyo taariikh jirtay oo sax ah. Soomaliya, oo ay maanta nool yihiin in badanoo ka mid ah dadkii u soo dagaalamay xornimada , amase la soo shaqeeyey xukuumadihii soo maray laga soo bilaabo ilaa iyo daaqiligii, ayaan ahyn mid laga been sheegi karo, waayo marqaati waxaa la raadiyaa marka la waayo cid wax sheegta laakiin qofka marqaatiga ahi ma noqdo qof raadiyo sida ay wax u dhaceen, maadaama uu isaga yahay kan goob-jooga ahaa amase ficcilka suubiyey amse uu waydiiyo cid aan wax ka ogeyn qaabka uu falka u dhacay. taasi waa meesha ay Soomalid aku maah maahdo Hadal Marqaato leh iyo hilib seef le! h midna laguma margado. oo dhacdooyinkaa intooda badani waxay leeyihiin marqaatiyaal nool oo la weydiin karo.

Waxaa ayaan daro weyn ah in maanta Bulshada Soomaliyeed oo uu halaageeyey Col guriga, laga soo bilaabo dabayaaqadii Sideetameeyadii ilaa iyo maantadan, aysan haysan meel ay kaga baxdo dhibkaas badan, dhacdana in loogu daro taariikh been ah oo aad is leedhay waa loogu talagay uguna tala galeen Rag bareerahooda aan muujineyn balse boorka isku qarinaya oo uu dhabarkoodu muuqdo. oo danta Ummadooda ka hormariyey Tooda gaarka ah ee Qabiilka leh iyo shaqsiyadeedba. Hadaba, akhristoow waxaa xaqiiq ah in inta baddan oo Soomalida ahi meel ay joogaanba, ay ku wada taxan thay Casharka laga akhriyo BBCda laanta Afka Soomaaliga, oo aad moodayso hadii aanan la dhagaysan galabkaas amase habeenkaas uu wax badan dhaafay dadka, waxayna yiraahdaan marka ay is waraysanayaan 'war heedhaha maanta yaa BBCda dhagaystay, oo maxay sheegtay', haddii aysan Soomaliaya ka hadlina waxa la yiraahdaa, maanta waxba ma sheegin, Waxaa dadkeena ka maqan oo aysan ogeyn Ujeedada loo furtay Laanta afka ! Soomaliga ku baxda ee idaacada BBCda ay leedahy, oo waxay moodaan in BBCda ay gacaltooyo ay u qabto Ummadda Soomaliyeed ay u furtay Laantas qarashka iyo waqtigaba kaga baxda Boqortooyada Ingiriiska. oo ay isku marqaati gashtaan hadii aysan jirin ay maanta waxba kala socdeen aduunka daafahiisa, waana ognahay in maanta BBCda tahay Iskuulka ay ka soo wada baxeeb in badan oo ka mid ah dhagaystyaasha oo markiiba tacliiq ku suubiya meeshay doontaba ha ka hadashee aduunka, min Jili ilaa iyo Newsland, xukun aan jirina ku ooga dadka ay BBCdu ka hadashay Samaan ama Xumaanba meel kasta oo ay dunida ka joogaanba. waxaad kaloo arkaysaa hadii aanan BBCda laga sheegin warkaa uu noqonayo mid aanba jirin amase aan lagu kalsoonaan karin maadaama aysan BBCdu sheegin. tusaale fiican hadii aanku siiyo ( Anagoo joogno xeradii qaxootiga ee Utanga,'KENYA)' ayaa waxaa ina qabsaday dab aad u weyn oo halaageeyey in badan oo ka mid ahaa dadkii qaxootiga ahaa, markii aanu dabkii daminay oo ay casar gaab noqotay ! ayaa anagoo meel fadhina kana xun dhibka nagu habsaday, lagana sheekeesnayo qaabka uu dabka u bilowday iyo waxa kelifay inuu heerkaa ina gaarsiiyo, ayaa waxaa noo yimid nin meel dhexaad ah hadalkiisiina ku bilaabay: "war heehdhaha BBCda ma sheegin maanta dabkii ka dhacay Utanga" mid naga mid ah ayaa yidhi adeer maxay BBCddy kuu sheegaysaa oo aadan ogayn? Markaasuu yidhi Adeer waxaan rabay in aan ogaado sida uu dabka ku bilowday iyo qaabka uu u dhacay,! Waa caajaa'ib, ninkaa waxa uu ka mid ahaa dadka wax ka deminayey Dabkaasl, balse waxa uu kalsooni buuxda u qaaday BBCda. Waana arin lala yaabo in heerkaa Idaacad Gumaysi loo dhisay loo qaato. Hadaba aaminaadaa maba xumee maxaanu ka helnay oo faa’ido ah amase qasaaro ah Laanta afka Soamaaliga ah ee BBCda. Taasi waa mawduuc kale oo aan horey ugu qoray shan sano ka-hor oo xagaas ayaa marjac loo noqon karaa.

Shaqsiyan waxaan aaminsnahay in BBCda ay beryahan ka mid noqotay dumiyeyaasha Qaranka Sooomaaliya, oo waxay u diiday ummada Soomaliyeed in yegleelato qarankeedii ay iyada iska dumiyeen, Su'aashaas ayaa waxaa ku hantaatacay mid ka mid Qab-qablayaasha Soomalida Haadaanta ku riday oo aan anigu is idhi hadii ay waraysan lahayd saa ma dhaheen qiyaastayda oo wax uu odhan lahaa BBCda waa idaacad madax banaanoo runta sheegta balse, ma noqon, siday doontaa ha ahaatee BBCda waxay Ku soo caanbaxday in ay sheegto warar aan munaasib ahyn, iyadoo ay waraysato dad aan wax rasmi ah ka sheegi karin taariikhda Soomaliya. marka aan leeyahy ma ahan in aan leeyahay Da’ ahaan uma sheegi karaan lakin hadii uu qofka been sheego taariikhda waa danbiile aan hadalkiisa la qabanin, loogana digo inta kale ee rumysata hadalkiisa. waxaa iyan la yaab leh qaabka ay u waraysato qarka mid ah qaribeyaasha Dalka ay u waraysato hab u salaxid ah, oo aadba leedahay saan warysi maahanee Ninku ma waxauu ! is leeyhay armuu beri Xukunka qabtaayoo maanta abaal gashataa.

Waxaan dhagaystay barnaamijyo ka mid ah kuwa ay sii dayso Laanta afka soomaliga oo ka hadlaye Taarikhad Soomaliya iyo qarnigii tegay, waxaad akhristoow qiyaasi kartaa heerka ay kala taagnaayen dadka ka hadlaayey arimaha Soomaaliya, balse uma aaba yeelin BBCda dadka ay ka waraysatay dhacdooyinkaas, Run nimadooda iyo kalsooni hadalkooda iyo taariikhdooda shaqsiyadeed, waxaa igu maqaalo ah in Imaam Shaafici Raximulaahi calayhi, loo sheegay in ninka hebel la yidhaado ee degan meel heblaayo uu hayo dhowr Sheeko ah oo uu ka maqlay Nabiga CSW, iimaamkiina uu u soo biyeysat buraashadiisii, masaafo aad u fogna ay ku qaadatay inuu soo gaaro ninkaas, markii uu u yimid ayuu sooryeeyey habeenkii oo la beryey, markii waagii baryey ayuu arkay Imaam Shaafici ninkii oo mihinaayo neef u joogay guriga, Iimaankii markii uu arkay ninkan xoolaha beenta u sheegayo ayuu gar waaqsaday in aan ninkani wax laga qaadan karin oo hadalkiisa uu been ka marnay ayuu goobtii ka noqday yidhina naba! d gelyo saaxiib, saan ku moday ma tihid, hadaba maxaa laanta afka Soomalig ahi u diiday in ay miisan saaraan dadka ay waraysanayeaan ogaadaana shaqsiyadooda, Xaqiiqdooda iyo dadnimadoodaba. mise waa guri ba'oow yaa ku leh ana dhinac ii banee aan ka dumiyee.

Waxaa barnaamijkaas BBCda ku soo qaadatay oo keliya dhaliilihii uu geestay dawladii Kacaanka, iyadoo Daboolka saartay Guullihii ay gaartay dawladaas noocay doonto ha ahaatee, sideedana waxaad cadaalad u dhawaanysaa marka aad ka hadasho shay wanaagiisa iyo xumaantiisaba, waxay aad u waraysatay oo lagu soo cel celiyey waraysi ay BBCdy ka qaaday Generaal Maxamed Nuur Galaal oo ahaa isagoo ka hadlayo Dagalkii 77, waxyalaha uu ku hadlayna ay yihiin wax yaalo aan ku hadlin nin mas uul ah iska dayaee nin cadow kuu ah. wayaalaha uu Generaalka ka war bixiyey waxa ka mid haa mar laga warsaday qaabkii uu u dhacay dagaalkii soomaaliya iyo Itoobiiy, oo uu la soo booday hadalka ah : War ninkan Maxamed Siyaad la dhaho wax uu belo ku dhigay Lugooyo, oo aanan Daacad ka ahayn qaabka loo qaaday dagalkii Amxaarada, uuna hagardaamooyin iyo lugooyooyin u gaysan jiray Ciidamiisa, kuwaasoo ciidanka Soomaaliya ku soo jabeeen! Waxa uu kaloo Generaal Galaal Daacad daradii Madaxwene Siyaad ! ku sheegay inuu xataa la hari jiray Fuustada Naftada ah oo had iyo goor jeclaa in uu soo jabo ciidankiisa lana laayo. Rasaasta iyo saanada ciidankana kala reeban jiray, iyo qaar kaloo badan oo uu uu soo salaxay Yuusuf garaad Axmed tifaatiraja Laanta Aka Soomaliga, isku soo duuboo Jeneraal Galaal waxa uu leeyahay madaxweynihii Jamhuriyadda oo u dagaalamayey xoraynta Dadka iyo dalka Soomaaliyeed waxa uu ahaa Qaa'inul wadan, isagana uu yahy WADANI ! .

Raga la waraystay waxaa kaloo ka mid haaa Madaxweynha DKMG ah Dr C/qaasim, waloow uu run sheegay, hadanase waxay ahayd mid loo soo salaxay inuu ka hadlo Mowduucaas. oo waxay ahayd mid aan ku iman wareysi caadi ah waayo cid kasta waa ay garan kartay qaabka uu C/qaasim u dhiibayey war bixinta, waxa uu ka akhrinayey Buug oo uu horey ugu soo tala galay inuu ka akhriyo go'aanadaa uu gaaray Golihii dhexe ee X.H.K. Soomaaliyeed. Siday doontaba ha ahaatee C/qaasim ka siyaasisan Jeneraal Galaal. kana xog ogaalsan.

Akhristoow waxaa meeshaa kaaga cad inuu Genertaal galaal ahaa mid la soo qorsheeyey oo loogu tlaa galay in lagu baro ummdda soomaliyeed laakinnse waxaa ka dhacsan qolyaha BBCda u horboodayo oo uu ugu horeeyo Yuusuf-garaad Cumar Axmed, oo ku caan baxay Baryahan inuu manapoly ku suubsado Laanta afka soomaliga oo ay noqotay xataa in taarikkhdaa Beenta ah, oo uu ku kacay Ninka aan Rabi iyo Rag toona aqoon ee Jenanka ah. waxaa la yaab leh iyana in lagu soo celiyo waraysigaas dhowrjeer iyadoo aad moodo in lagu barayo dadka Inta aanan aqoon Jeneraal Galaal, loona tusayo inuu yahay WADANI. waxaa la yaab igu reebtay ma Generaal Galaal keliya baa haa xog ogaaladi dagaalkii 77.

waxay sidoo kale waraysatay Cismaan MAxamed Jeele oo runtii aad moodaysid inuu hadaladiisa inta badan xaqiiqda u dhawa balse uu iska leexinayao waxa dhacay oo isaga noqday goraydii tiri hadii ay ciyaarta hagaagtana waxaa iiga jirta lug hadii ay dhabaqdana waan kala baxay lugtii, marka Jeele waxa uu aad ugu hadlay qaabkii kacaanka ku kelifay in ay dhaliyaan iya wax jiray xiligaas, isla markaana waxa uu is qilaafay markii uu yidhi anigu waxba kama ogayn arintaas balse fariintii waan qaaday oo waxaan ahaa adeege, waa yaabe ma adeegaaa loo noqdaa waxaadan raali ka ahayn, oo lagu ceesha mudo badan. balse ogolaanshana ma qof kasta ha la waydiiyaa mise waa inta ban iyo cod dheeri marka waxaa u fiicnayd jaale Jeele, inuu sida uu u aaminsanaaba waagaas eegana u aamino sida ay tahay.balse waxaa xaqiiq ah in uu Jeele yahay Siyaasi ruug cadaa ah oo Soomali ah .

Waxaay soo daysay Laanta Afka Somaliga ahi Warysi hada ka hor lala yeeshay Madaxeweynaha xukuumadiisa adag tahay ee dalka Kuuba Fidel Castro oo ka sheegay xaqiiqda dhabta ah ee dagalkii Soomaliya iyo Itoobiya dhexmaray, oo sheegay Mr Castro in Mabda'a keliya amase dagalka keliya ay isku raaceen iyaga iyo xulafadooda ay ahaayeen Kii lagu qaaday Soomaliya oo u sheegay in ay gudbiyeen Itoobiya ciidamo iyo taageero joogto ah oo xataa oo ay keeneen ciidan gaaryo ilaa iyo 17000 oo kuubaan ah. kana soo hoyey guulo dhaxal gal ah dagalkaas. sidoo kale waxaa la wareystay Sarkaal sare oo ka tirsanaa Midawgii Soofiyeeti isna sheegyan xaqiiqda dhabta ah oo ahayd, in ay dagalkaas uu ahaa dagaal ay wacdaro ka muujiyeen iyaga iyo xulufada kele sida KUUBA, YEMEN, LIIBIYA iyo MIDOWGII SOOFIYEETIBA. oo ay xaqiijieen in xitaa hadii midowga soofiyeeti lagu daro uu waxba ka qaadeen Ciidamadii Soomaliya, balse kooxda sida aadka wacdarada u muuiisay ay ahaayeen Ciidamada KUUBAANAKA.kuwa! asoo naafeeyey Xoogii qaranka Soomaalida, waloow uusan Ruushanka waxba la harin oo ayba go’aan ku gareen Saraakiishii dagalka in ay gebi ahaanba u gacan geliyaan Soomaaliya dalka Itoobiya , oo amar ka soo baxay Dawladii Soofiyeetuga ay diideen in ay qabsadaan Soomaliya Gebi ahaanteed una gacan geliyaan Itoobiya, sarkaalakas Runta sheegay wax uu yidhi waa ay ku sax sanaayeen Dawladooda, oo ahayd in aan la qabsan Soomaaliya sababo jiray awgood. sabahaas waa moog yihiin yuusuf Garaad iyo Jeneraal Galaal, oo maanta Soo gashtay Shaati Wadani iska yeelid ah.

Generaal Galaal wax uu ahaa Nin ka mid ahaa saraakishii Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed soo maray, waxa uuna u guntaday baryihii danbe inuu ka qayb qaato dagaalada qabaliga ah isagoo la sheegay inuu ka danbeeyey dil badan oo aan la soo koobi karin, iyo baa ba'a badan oo u gaystay ummada soomaaliyeed meel kast aoo ay joogaane haba ugu darnaadeene kuwii kunoolaa Muqdisho dagaalakii 1991. sidoo kale Jenraal Galaal waxa uu ku yidhi hada ka hor inuu wadanka Soomaaliya ka sifayn doono waxa uuugu yeeray qabiilka Daaroodka iyo wax alaale wixii ka soo hor jeesta danahooda u gaarka ah Generaal Galaal wax uu madax u ahaa Cidamii ku soo duulay Gobolada Koonfur ee SOomaliya isagoo balan qaaday inuu ka sifeeyo daka dagan halkaas sida uu qoray Buugii Qaran jabkii Soomaliya ee Aw jamac Cumar Ciise Boga 151

Sidoo kale aniga shaqsiyan waxan dhagaysatay barnaamij hada ka hor lagu soo qaaday dagaalkii qaboobaa, 'Cold war" oo la soo geliyey qaybo ka mid ah Soomaliya iyo Itoobiya dagalkii dhexmaray in la waraystay madaxwenihii xiligaas Wadnka Marykan Jimmy carter oosi cad u u shegay in Madaxdii Soomaliya oo uu ugu horeeyo Madaweeynahooda Maxamed Siyaad barre ay ahaayeen kuwo madax ka dar dartay wadaniyad aan loo ogayn oo sheegay in nimankaas kacanka hogaminayo ay radinayaan waxaysan liqi karin iyo meel fog, balse uu shaaca ka qaaday in Mingiste oo ka soo jeestay dnaha Maraykanka ee geeska Afrika xirayna in badana oo ka mid ahaa kaniisadihii Diinta Masiixiga, oo wadankii ku soo rogay nidaamka shuuciga aha, hadana aanu qasab ku noqonay in aan taageerno isaga sababo jira awgood! Sababhaas aniga ma garan. Balse waa wax wal baale.waxa uu kaloo sheegay inuu ku gacan sayray baryadii ay la soo shir tageen madaxdii Soomaliya oo uu ku yiri sii socda waan idinka war keenaynaa ka di! bna ka aamusay oo yidhi tomorrow, Tomoorow never.

Waxa nasiib leh in Generaal Galaal, hadalkiisii hal bacaad ku lis ka dhigay wasiirlii gaashaandhiga S/guud Maxamed Cali Samatar una warmay sida xaqiiqda ah ee uu u dhacay dagalka iyo sababta keentay in uu soo jabo ciidanka Soomaaliya, iyo tirada kaga dhimatay Soomali iyo Itoobiyaba , Jeneraalka waxa uu si xarakaad leh ugu hadlay dhacdada runta ah oo uu soo maray dagaalkaas iyo wax yaaliii ku kelifay in laga hiilayo oo hadalkiisii ku soo koobay in loo arkayey Soomlida in ay yihiin kuwo weerar ah oo wax saa'id ah doonayey oo aduunka intiisa kale ka hiilayo, balse xaalka uu sidaas ahayn oo la inagaga dheereeyey siyaasdaha caalamiga ah.

Akriste anigoo hadalka badiyey ayaa hadana waxaa xaqiiq ah in hadii Shay la caburiyo uu dilaaco oo gaarsiiyo qasaaro ka fog inta hore ee laga baqayey, taas waxaan ugu dan leeyahay hadii BBCda ay ku talo gasho in ay mooro duugto taariikhda dhabta ahi ee dagalkii anaga iyo Amxaaro ina dhex maray aysan ka helayn waxaan ka ahayn iyadoo sumacada ka halawdo, hadii Beri Qaran jira aanu noqonana ay noqon doonaan kuwo lala beegsado Maxkamada ku shaqada leh. Waxaan aad ula yaabaa oo ila iyo iminka maskaxdayda ka gudbi la' war BBCdu ma waxay rabtaa in ay in ay na barto taariikh aanan ahayn taarikhdeeda, mise waxay doonaysa in ay na barto mid uu Generaal Galaal la qal qalay oo ku kelifay inuu u guntado qabyaalad iyo dilka ummad soomaliyeed iyadoo la ogyahay in uu Galaal ka midka ahaa dadkii mindida u listay maadatada Somalida ahayd ee ku halagsamay Muqdisho horaantoo Sagaashaneeyadii haba ugu badnadeene kuwii ka dhacay Xamar. oo uu Galaal ahaa goob joogo ku faraxsanaa dumint! a iyo baa binta, qaranka lagana hayo hadalo duubanuu ku hadlayo galaal oo leh waa fasaxantahay in hantida dadka Soomaliyeed ee deganaa xamar noocay doonto ha ahaadene marka laga reebo inta uu isaga u taliyo.

Waxaa nasiib u ah in General Galaal ku hadaaqo waxa uu doono, waase nasiib badan yahay Jeneraal Galaal. waayo wax uu ka Dhashay Soomali,Soomalina waxii horey u dhacay dib uma raacdo.

Waxaan salaan kal iyo laab ah u irayaa inta jecel in ay wanaag hesho ummddatadan Soomliyeed meel kasta oo ay joogaanba, waxaan dhaleecanayaa inta had iyo goorba neceb xasilooni iyo nabad ka dhalato Soomaliya, Laanta afka Soomaliga ah ee BBCdana waxana leeyahy ha inagu noqonina qab qable dagaal oo wax baa bi'iyo waayo Afka waxa uu la xoog yahay magliga xawda kaa jare’e, marka u adeega ummadiina anigoo og in aadan ka gudbi karin danihii la idiin abuurtay ee ahaa u adeegida guamysiga balse noda kuwa u adeega kana adeegta.oo wax u qabta Qarankooda.

Waxaan qoraalkayga ku soo koobayaa tixdan yar oo aan ka soo qatay Abwaan Clmi Barrow Jimcaale oo yidhi:

Nimankii Qaskiyo hooga iyo Qowmamda beeray.
Qandaraas qudh gooyo ah kuwii Qabay dhamaantooda
Qaranimo la sheegtiyo kuwii Qayrkeen inaga reebay
Qatartooda dunida kuway nagala Qiirootay
Qaanuunka Nimankii Jebshee Qoom dhan daxaleeyey
Qosol iyo Farxad waa hadaad Qaban lahaydeene
In ay weli qadarin sii mutaan sow Qarracan maaha?

WAAD MAHADSAN THIIN

A A Waaberi
awaaberi@yahoo.com

 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 1, 2003

 

.. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]