SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Janaraal Caydiid iyo Kornayl Jees!

Ali Shire Jamac
Sharmaake@hotmail.com

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

21 oktoobar 1969 ayaa ciidamo ku-sheegii Soomaaliya waxay mireen dawlad ku-sheegtii dalka ka jirtey. Cidaankaas waxaa hor socday Janaraal Maxamed Siyaad Barre, oo kolkii danbe isagu sheegtay in uu badaley madaxweynehii uu toogtay. Markii geeljirihii ciidamada loo bixiyey soo galeen baladyada ayaa la dareemay culays weyn oo aan magaalooyinka horay looga aqoon. Culaysyadaas waxaa ka mid ahaa ciidamada oo guryaha u dhacayay ka dibna tuugo iyo kufsi ku bilaabay dadweynihii soomaaliyeed. Raadiyaasha waa laga mamnuucay in laga sheego wararkaas argagaxa lahaa, laakiin waxaa kufsigii iyo tuuganimadii amar ka soo saaray Maxamed Siyaad Barre. Jaalle Siyaad waxuu ka baqayey in sumacadiisu hoos u dhacdo maadaama uu xukunku ku cusbaa, sidaas ayuuna u joogiyey kufsigii iyo tuugnimadii ay ciidamadii uu duurka kala soo galay dadka ku hayeen.

Labada askri oo ciwaanka noo ah mid ka mid ah ayaa ka mid ahaa cidamadii Siyaad xeryihii lagu quudin jirey ka soo dareeriyey saqdii dhexe 21/10/ 1969, waana Maxamed Faarax Caydiid. Kan kale dib ayaan ka xusi doonaa, laakiin haddaan sii raacno Janaraal Caydiid taariikhdiisii ayaan oran karnaa waa mid yaab iyo amakaag badan.

Kolkii Maxamed Siyaad xukunkii gacantiisa ku hubsaday ayuu waxuu jaleecay labadiisa garab, mise waxaa ku gamaamadan ciidamo kali ah. Markaas ayaa baqdin awgeed harag dhurwaa loo tuuray. Waxuu bilaabay in uu raadsado dad aan tabaha ciidanka waxba ka aqoon, ee ku badalo kornayladii iyo janaraaladii ay xabada isla gaadayeen. Hab guud uma uusan raadsan dadkii uu ku badali lahaa saraakiishii ciidanka, ee waxuu isticmaalay qaab qabiil. Falsafado waxay ahayd in la soo helo dad dhaganugul oo saraakiisha ay isku qabiilka yihiin lagu badalo. Dhamaan waxii la isku shaandheeyey ma tixi karno, laakiin waxaan ka raacaynaa u jeedadeena, oo ah qaabkii kacaanku Caydiid u silicdilyeeyey. Jaajuusyadii uu Siyaad diray si ay u soo helaan qof badala Caydiid ayaa iyaga oo faraxsan ku soo saalaabtay, waxayna u sheegeen in uu jiro wiil Alle maceshaa oo Cabdiqaasim Salaad Xassan la yiraahdo. Maxamed Siyaad magaca loo sheegay kuma cusbayn, oo horay ayuu u maqlay, maadaama uu wax ka baxiyey magtii Salaad Boy. Maalin gaar ah ayaa loo qabtay in la isu keeno dhamaan dadkii la soo helay, ee lagu badali lahaa saraakiishii ciidamada. Kolkii xafladii la isugu yimid ayuu Maxamed Siyaad indhaha qac ku siiyay wiilkii loo sheegay, ee Alle maceshaha ahaa. Siyaad waxuu ku qaabilay dareen macaan aad iyo aad looga dareemay dhamaan xafladii. Xataa galbtaas haddii Cabdiqaasim gabar ahaan lahaa hooyooyin Khadiijo iyo Dalaayad waxaa gali lahaa maseyr aad u daran.

Markii lagu kala dareeray casumaadii ayuu Siyaad waxuu la faqay Cabdiqaasim waxuuna dhagta ugu sheegay in ay caawa ku sheekaystaan guriga bah Khadiijo, Cabdiqaasimna waa aqbalay balantii isaga oo u sujuudaya madaxweynaha. Waxii quud ahaa oo habeenkaas Khadiijo diyaarisay markii ay fuuqsadeen ayaa la isku xirtay qolkii hanuuninta, waxaana xan loogu dhaqaaqay ciidanka qalabka sida, siiba Janaraal Maxamed Faarax Caydiid. Maxamed. Siyaad waxuu ka dhaadhiciyay Cabdiqaasim baahida uu u qabo la shaqayntiisa, maadaama ciidamadu aysan daadcad u ahayn kacaanka. Waxuu aad ugu nuux nuuxsaday in Maxamed Faarax Caydiid kacaandiid khaa’in ah yahay, booskii reerkuna banaan yahay haddii Cabdiqaasim buuxinayana uu gacan qabanayo. Cabdiqaasim aad iyo aad ayuu ula dhacay arrinka madaxweynuhu u soo jeediyay, waxuuna u gubiyey sir uu Caydiid ka hayey. Cabdiqaasim waxuu u sheegay Jaalle Siyaad in Caydiid dhowr jeer uu ula yimid codsi ku saabsan in uu ka helo taageero si uu Siyaad uga takhaluso. Markii shirkii Siyaad iyo Cabdiqaasim dhamaaday ayaa Siyaad teleefoon wareejiyey ka dibna ciidanka nabadsugida ayaa u dhacay gurigii Caydiid waxaana loo taxaabay xabsi daa’in.

Shirkii Caydiid looga takhalusay kii ku xigay waxaa lagu qabtay guriga Cabdiqaasim. Shirkiiksi ma ahayn mid siyaasad iyo jaajuusnimo looga hadlayay, ee waxuu ahaa mid Cabdiqaasim reerka iyo carruurta ku barayey madaxweynaha. Waxaana loo qaabilay Siyaad qaabkii Kashku” ka dayriyey, markii uu arakay Xusni Mubaarak iyo xaaskiisa oo qaabilaya madaxweyne kale. Guriga Cabdiqaasim waxuu noqday meel Maxamed Siyaad kaga nastay buuqii badnaa, ee guryaha hooyooyinka ummada soomaaliyeed. Guriga Cabdiqaasim waxuu ahaa mid laga maleego dhibta iyo lugooyada Janaraal Maxamed Faarax Caydiid, guriga Cabdiqaasim waxuu ahaa guriga Jaalle Siyaad u jecel yahay dhamaan guryaha saaxiibadiis. Guriga Cabdiqaasim waxuu ahaa isha maaxdaa ee kacaanku ka cabbo. Guriga Cabdiqaasim waxuu ahaa hooyadii saddexaad, ee ummada soomaaliyeed.

Intii uu xirnaa Caydiid lagama harin, ee waxaa laga duufsaday reerkii iyo carruurtii, waxaa soo xiray shirqoolkaas Cabdiqaasim. Waxaa reerkii iyo carruurtii lagu harqiyey dhaqaale aad u fara badan, si Caydiid reerkiisa loogu diro. Markii uu xabsiga ka soo baxay ayuu la kulmay carruutiisii, oo guulwade Siyaad qaadaysa. Maxamed Siyaad ma booqan jirin carruuta Caydiid, laakiin waxuu lacag joogtaa ugu dhiibi jirey saraakiil ay qaraabo ahaayeen, waana kuwa Janaraal Caydiid dugsigii ka saaray. Kolkii xabsiga laga soo daayay ayaa waxaa lagu sii wadey dibindaabyadii. Maxamed Siyaad inta uu ka naxay ayuu damcay in uu iska cafiyo, laakiin Cabdiqaasim Salaad Xassan ayaa qaadan waayey arrinka madaxweynuhu maleegayo, waxuuna u arkay in aabbe Siyaad balintii ay ku kala saxiixdeen guriga bah Khadiijo uu ka baxay. Maxamed Siyaad wuxuu gartay in uu balan galay ka dibna silicii iyo bahdilkii ayuu u laba jibaarey Caydiid.

Dadka waxmagartadaa waxaa ka dhaadhacsan in Maxamed Siyaad dadka silcinayey, laakiin runtu waxay tahay qof kastaa waxuu gadanayey walaakiis. Haddii qofku soo jaajuuso qof qabiil kalaa, waxaan ka hari jirin faqriga iyo gaajada, laakiin markii qofku ina adeerkiis war ka soo qaado, waxuu xoori jirey dhiisha faqriga.

Xabsigii dheeraa ka dib hal mar ayuu Caydiid ku sigtay in la xiro. Markaas labaad waxaa dad ay qaraabo yihiin ku soo jaajuuseen in uu dhageysto raadiyihii Kulmis. Waxuu aad u jeclaa tix Khaliif Shiikh Maxamuud si fiican ugu luuqaynayey, oo ka turjumaysey sida Siyaad reeka Cabdiqaasim iyo Caydiid ka dhasheen u maamulayey.

Waraaq uu Janaraal Caydiid u diray saaxiibkiis Cabdullahi Yuusuf Axmed ayaa sawir fiican ka bixinaysa waxii uu xiligii Siyaad iyo Cabdiqaasim bahdilayeen soo maray waxuuna ku yiri:

”Reerka aan ka dhashay annaa kacaandiid ka ah, xataa carruutaydii waxay xafideen heesaha lagu amaano ninka aan isla garaneyno. Adigu waxaad ku cayshtay reerkaaga kacaandiidka noqday. Haddaad adduunka kale aadidna waxaa kuu jooga Aw-Jabaano, Kaarshayaal iyo ilma Nuur Xassan Bidde, laakiin aniga Cabdiqaasim, Maaryaa iyo ilma Bulaalle mucaarad ay ii abaabulaan ha joogee, saaxiibkeenii hore ay si joogtaa igu diraan koob shaah ahna iima dhiibaan, oo waxay iga xirteen albaabada. Saaxiib xiligaan kacaandiidka ayaa sharaf ku nool, dhibkasta ha qabeene, waxaana horay loo yiri: Noloshii dhibaato leh dad baa dhimo ka doorta.”

Dhibaatada Caydiid kala kulmay kacaaknii waxaa ka nastahnaa kornayl Axmed Cumar Jees. Axmed waxuu geel ku raaci jirey duleedka Dhagaxbuur ka dibna waxuu magaalada Dhagaxbuur ka bilaabay shaqo. Shuqulkaas oo ahaa in uu raashinka u kariyo ciidamadii Itoobiya ee fadhigoodo ahaa Ogaadeenya. Kolkii uu shaqadaas sanado wadey ayuu waxuu u tilaabay dhanka Soomaaliya. Xamar ayuu ugu yimid walaakiis Maxamed Cumar Jees oo ka mid ahaa saaxiibada Siyaad iyo Cabdiqaasim. Maxamed Cumar Jees waxuu u tagay Siyaad Barre si uu shaqo uga qalqaaliyo walaakiisa cusub. Labo Maxamed waxay isku afgarteen in waraaqo faalsaa, oo caddeynaya askarinimada Axmed laga soo sameeyo Itoobiya si ay ugu fududaato in uu shaqo ka helo ciidanka. Markii waraaqihii faalsada ahaa yimaadeen ayaa subax jimcaa markii muslimtiintu salaada jimcaha u dareereen, waxaa Axmed loo qaaday in la soo tuso meeshii uu shaqada ka bilaabi lahaa, xeradii dadka lagu toogan jirey ayaa irida laga soo galiyay. Waxaana maalintaas la siiyey cashar ku saabsanaa in aan loo nixin kacaandiidyada iyo saaxiibadood, masaajidana waxay wadaadado ka jeediyeen khudbado ay mid ahaayeen suuradaha munaafiqiinta.

Ilaa dagaalkii Burco iyo Hargeysa lagu qaaday ka hor waxuu Axmed Cumar Jees ka ahaa Xamar kawaanlaha Siyaad dadka u qala. Markii uu bilowday dagaalkii ka socaday waqooyiga ayaa loo badalay halkaas si uu u noqdo kawaanalaha qala shacabka goballadaas. Wadamada danbiilayaasha dilka ku fuliya sida Sacuudi-Caraabiya ayaa waxaa dilka u qaabilsan niman xoogag waaweyn, oo aan caqli iyo cilmi mid la hayn, aan ka ahayn in ay dadka seef qoorta kaga gooyaan. Reer miyigii hore ee soomaalida ayaa laga heli jirey dad faqri ah oo dadka kale u qaabilsan in ay xoolaha u qalaan. Dadkaas haddii qofkii ay xoolaha u qali jireen dhinto ama uu cayriyo, waxay doonan jireen qof kale, oo ay xoolo qalidii ugu shaqeeyaan. Axmed Cumar Jees markii Siyaad meesha ka baxay ayuu shaqo dad qalid ah waxuu ka helay Janaraal Caydiid. Dadkii uu isku meesha ku qalay Axmed Cumar Jees waxaa ugu badnaa xabaalihii laga helay agagaarka Hargeysa iyo xasuuqii Kismaayo, ee Soomaaliya caanka ka noqday.

Koonfurta Soomaaliya loogma yaqaan magaca Axmed, ee waxaa loogu yeeraa ”Caasha Caydiid.” Markii uu Janaraal Caydiid dhintay ayaa waxaa Axmed dhaxlay wiilkiisii Xusseen Maxamed Faarax Caydiid. Xusseen waxuu u xilsaaray Axmed in uu dhamaan ka takhaluso dadka dagen Bay iyo Bakool iyo Shabeelaha Hoose.

Alle ha u naxariistee mudane Janaraal Maxamed Faarax Caydiid waxaa xabad dhabarka kaga tuujiyey Cusmaan Xassan Cali ”Caato”, Axmed Cumar Jeesna waxaa mar dhaweyd magaalada Balcad shaqo dad qalid ah ugu balan qaaday mudane Al-Xaaji Muuse Suudi Yalaxow.

Ali Shire Jamac
Sharmaake@hotmail.com

 QORAALAIDII HORE EE CALI SHIRE

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 1, 2003

.. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]