SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - UK
Amaanka Qasriga Boqortooyada Oo Jilicsan.

Isha warka: Daily Mirror
Waxaa isku soo duwday;
Ikraam Cali-kaar
ikraam@journalist.com 

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

Sida uu sheegay weriye ka tirsan wargeyska la yiraahdo Daily Mirror oo warbixintan diyaariyey ayaa sheegay inuu aad u liito amaanka qarsiga boqorada dalka Ingiriiska ee Buckingham Place, kadib markii weriyaahaasi u suuragashay inuu gudaha qarsiga ku gallo waraaqo been abuur ah, qarsigaasoo uu ku sugan yahay waqtigan xaadirka ah madaxweynaha ugu cabsida badan dunida ee Goerge W Bush.

"Hadaan ahaan lahaa argagaxiso oo fursada aan maanta helay heli lahaa waxaan awoodi karay inaan dillo Bush-ka la sheegayo in amaankiisa adag yahay oo cidi aaney ku dhici karin iney disho" ayuu Ryan Parry oo ah weriyaha wargeyska Daily Mirrori oo sheegay iney aheyd arin aad u sahalaneyd inuu gallo gudaha qasriga isagoo kaalmeynayey shaqaalihii ku howlanaa diyaarintii quraacdii loogu talagay madaxweyne Bush.
Waxaana maanta bogga hore ee wargeyskaasi looga dhigay cinwaan "Fadeexadii ugu weyneyd abid ee amaanka boqortooyada" oo weriyuhu sheegay iney aheyd mid wadno xanuun ku aheyd dadka reer Ingiriis inuu si fudud ku gallo meel kamid ah meelaha ugu amniga badan ee dalkaasi.

Sida sawirka ka muuqatana waa Ryan Parry oo hortaagan balakoonkii qolkii uu seexan Bush lahaa,"intii aan halkaasi joogay waxaan awooday inaan sumeeyo boqorada Elizabeth" ayuu yiri weriyaha oo weli ay maskaxdiisa ka guuxeyso sida xirfadeysan ee u qiyaameeyey ragga u qaabilsan sugida amaanka Qarsiga Boqortooyada dalkaasi ee Buckingham Place.

Madaxweyne Bush ayaa lugu wadaa in maanta uu jeediyo qudbad siyaasadeed oo kaga hadli doono guud ahaan isbadalada siyaasadeed ee caalamka gaar ahaan arimaha Ciraaq oo ay dad badani aamisan yihiin inuu u jeedo fog lahaa ee aaney dalkaasi laheyn hubkii la sheegay inuu 45 daqiiqo wax ku gumaadi karro Sadaam Xuseenkii la afgambiyey.

Sidoo kale waxaa uu Bush maalinta berito ah la kulmi doonaa ra'iisal wasaaraha dalkaasi Tony Bliar oo ah saaxiibkiisa koowaad ee ay isku gaashaan buureysteen dagaalkii lugu qaaday dalka Ciraaq, waxaana lugu wadaa iney labadaasi nin ka hadli doonaan howlaha mellateri ee dalka Ciraaq iyo xirriirka sii xumaanaya ee u dhaxeeya Mareykanka iyo Midowga Yurub taasoo salka ku heysa baratanka awoodeed ee u dhaxeeya kuna wajahan caalamka iyo bariga dhaxe.

Isha warka: Daily Mirror

<><><>

Soodhoweyntii Bush ee UK

 

Madaxweynaha dalka Mareykanka Goerge W Bush, ayaa shalay si rasmi ah waxaa loogu soo dhaweeyey qasriga bqortooyada dalka Ingiriiska ee Buckingham, waxaana halkaasi si diiran ugu soo dhaweysay boqorada dalkaasi ee Elizabeth.

Soo dhaweyntii madaxweyne Bush ayaa loo sameeyey salaan sharaf, gaado ka ciyaar iyo iyadoo loo riday madfacyo tirro badan. Waxaana lugu wadaa inu qudbad qiimo badan uu maanta halkaasi ka jeediyo taasoo guud ahaan kaga hadli doono siyaasada adduunka. Markaa kadib waxaa uu la kulmi doonaa qoysaskii ay eheladooda ku dhinteen weeraradii 11 septermber 2001.

Guud ahaan amaanka magaalada London ayaa aad loo adkeeyey cabsi looga qabo iney weeraro ay kaga yimaadaan kooxaha kasaoo horjeeda siyaasadiisa ku wajahan dalka Ciraaq iyo guud ahaan barriga dhaxe.

Booqashada Qaran ee madaxweyne Bush ayaa noqotay tii labaad ee loo fidiyo madaxweyne Mareykan ah islamarkaasina seexdo qasriga boqortooyada ee dalkaasi. Iyadoo madaxweynihii ugu horeeyey ee Mareykan ah oo seexda qasriga boqortooyada dalkaasi uu noqday madaxweynihii la oran jiray Woodrow Wilson oo sanadkii markuu ahaa 1918-kii booqasho yimid markaasoo uu marti u ahaa Boqorkii la oran jiray George V.

Waxaase dad badan oo siyaasada indho indheeyo isweydiinayaan iyadooo guud ahaan caalamka aad looga soo horjeeda siyaasada Mareykanka waxa loogu soo aadiyey booqashadan qaran, iyo waxa uu kaga duwan yahay ,madaxdii kale ee reer Mareykan ee isaga talada dalka kaga horeeyey.

Madaxweyne Bush ayaa dagaal ba'an kula jira waxa uu ugu yeeray argagaxisada dalkiisa ku soo duushay, taasoo uu Bush gebi ahaanba argagaxisadaasi baadigoobkeeda ka bilaabay dunida Islaamka oo dhan waxaana muuqata inaanu argagaxisadaasi aan muuqan farro ka qodneyn ladagaalankeeda balse la dhowrayo waxa ay taariikhda ka qorto siyaasada madow ee Bush uu dhex dabaalanayo. 


Waxaa isku soo duwday;
Ikraam Cali-kaar
ikraam@journalist.com 

 QORAALADII HORE EE IKRAAM

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 20, 2003.

» C/waaxid Waa Bishii Sheydaanku Xiraan Jirey [Baydan]
 

 


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  

. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD