SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
QARAN BURBURKII SOOMALIYA. pilot

Cali diiriye nuur pilot:::::::london
liibaan33@hotmail.com

 

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

 

Waa hagaaag, Sidda taaariikhdu xustay safaradii ugu horeeyey ee biimaha ahaaa waxaaa sameeyey Soomariyiintiii reer ciraaaq 5000, oo sanno Dh.n.c.ka hor. Hadaba iyadoon la hayn raadraac taariikheeed oo sugan lana odhan karro, Waqtigaaas baa soomaliya ilbaxnimaddu ka bilaabantay, Hase yeeshee kutubta qaarkeed waxaay tibaaxeeysaa in qarnigii 8aad dh.n.c.ka hor, Boqorrada carabtu lahayeen ganacsi xeebaha afrikadda bari(somaliya) Raadraacyo taariikheed iyo sheekooyinka iyane la kale dhaxlo waxaaay sugayaan

In meello kale duwan oo soomaaliya ah ay ka jirtay ilbaxnimooyin aad uu sareeyey, Hase yeeshee aan wax qoraala ah laga hayn. Qoraalo tariikheed oo ay qoreen qorayaashii hore

Ee reer konfurta jasiiradda carabta waxaay sheegeen in dowladdii cimyar bin sabba ee(konfurta jasiirada carabta ka jirtay 115 dh.n.c.ka hor ilaa 525 sano dh.n.c.ka dib) ay xariir ganacsi oo joogta ah la lahayd xeebaha afrikadda bari, ayna ka qaadan jireen, faradaha, dahabka, fool-maroodiga, geed kuleylka cuntada iyo udugga, Joqoraafi yahan reer faariss ahaa oo magaciisa la odhan jiray cabdalla mowlaa iyo baadhitaano kale oo iyana la sameeyey

Waxaay sheegayaan in ay faraacinadii reer masar xidhiidh ganacsi iyo mid dhaqanba la lahayeen soomaliya lana hayo tariikh sugan....

Hadabba soomaliya oo ku taal meel istaraatijii ah oo uu dhaxeeysa sadex badood:::Badweynta Hindiya, Badda cass(gacanka cadmeed) iyo gacanka khaliijka oo ku soo forora ayaa ilaa iyo weligeed marin joogta ah uu ahayd doonyaha iyo maraakiibta uu kale gooshaya Afrikadda bari, Afrikada galbeed, Asiya iyo yurub iyadoo ay qeyb ka qaadanaysey

Habka dabeeylaha ee doonyuhu raacaan iyo soomaliya oo dhinaca kale ku haysa dhul aad uu baxad weyn ilaa iyo Afrikadda dhexe, Waxaay ka dhigtay meel muhiim ku ah ganacsiga oo aan maalina dab ka bakhtiyin, Waxaana ka abuurmay ilbaxnimooyin badan oo kale danbeeyey, Mid gobol iyo mid guudba, Waxaana maanta raadkooda ama tibaaxdooda la hayaa 34 dowladood ama boqortooyo oo ay uu danbeysay dowladii kacaanka ahayd 1969-1991kii, Siddaa daradeed lama garan karro marka la degay magaalooyin badan oo ku yaala soomaliya kuwaas oo ay ka mid yahiin, Muqdisho, buuloburte,Saylac, barawe, maydh, Qaw, iyo kuwa kale .....Ganacsiga geeska afrika waxuu si baaxad iyo xowli leh kor ugu kacay bilowgii qarnigii 2aad ee hijriyada(bilowgii qarnigii 7aad). Markii uuu islaamku si xoog leh ugu fidaayey geeska afrika.

Sidda taariikhda lugu hayo inkastoo aanay soomalidu yeelan dowlad dhexe oo dalka oo dhan ka talisa, Hadane marka la eego dhaqan goboleedyadii soomaliya ka jiri jiray boqolaal sano oo kuwii ugu danbeeyey qarnigii 19aad dabayaaqadiisii gumeysigu baa,biyey waxaa soomalida dhaqankooda ku saleysnaa sharciga islaamka,. Waxaayna lahaayeen xeer qaynuun loo simanyahay oo sida dastuurka loogu dhaqmi jiray, Xeerkaasu waxuu uu qeybsanaa xeer guud iyo xeer hoosaad goboleed, Mid kastaaa oo xeer guud ah ama xeer hosaad ahina waxuu uu kale qeysanaa sidan......1-xeer miyiga oo ahaa xeerka guud 2-xeer magaalo oo ahaa xeer hoosaadka 3- xeer-beereedka oo ahaa kii beralayda ama qodaalka beeraha...

Hadaba dalkii soomaliya oo loo kale qeybiyey shan qaybood waxii ka danbeeyey 1884, Ayaa waxaa caado uu noqotay inuusan ka damin dagaalka gobonimo doonka, Sidaa daradeed markii ay gobonimada qaateen labadii qeybood ee waqooyigga iyo konfurta 1960, Ma ahayn wax lala yaabo in dowladdii soomaliya ilaa waqtigaa uu kale danbeeyey ay halkii ka sii wadaan, Halganka xoreyta sadexda qeybood ee kale si loo hello soomaali oo dhan...

Hadaba iyadoo lagu guuleystay 1976 in jabuuti laga xoreeya gumaysigii fransiiska ayaa dowladii xisbigii kacaanka hantiwadaaaggga ahayd oo markaa meel sare mareysay tageero wanaagsan ka heli jirtay dowladahii reer barigga. Waxaay dagaal la gashay 1977 dowladii kacaanka itoobiya...Sababtaasna waxaay ahayd iyadoo itoobiya gacanta ugu jirtay dhulka ugu balaaran ee soomaliya ka maqnaa lana goaansaday in werer lagu qaado itoobiya, Magaciina la-labeeyay laba jeer, Sababtii soomliya ku kaliftay iney itoobiya weraraan waxaay ahayd iyagoo tageera balaaran ka helayey dowladahii shuuciga ahaa ee reer bariga, Taasina markii danbe waxaay keentay iney wareegto dowladii itixaadka hayd una wareegto dhinacii itoobiya iyadoo ku taageeraysa hub casri ah iyo ciidamo.Soomaaliya oo arintaa qaadan la, ayaa howl wadeenadii soofiyeedka dalka kaga saartay muda ka yar 24 saac guduhood, Ugu danbeeyntiina waxaa soomaliya qasab ku noqotay iney ka soo baxdo gobolkii somali-galbeeed oo ay qabsatay 95%.. Dagaalkaas waxuu soomaliya gaarsiiyey qasaare balaadhan oo xagga dhaqaalaha ah, Arintaas waxaay dhalisay 1978 ilaa 1991 iney soo food saar dowladii kacaanka ahayd dhibaata tii ugu xumeyd ee abid soo marta.

Sidda la ogyahay dhamaadkii dagaalkii kowaad ee aduunku, Markii caalamku uu qeybsamay Bari iyo galbeed waxaa soo if baxay siyaasado cusub oo ku saleysan beretan iyo kale jiidasho umadaha aduunka degan taasina waxaay dhalisay dagaalkii qaboobaa hadba dhinaca aad la jirto mooyeee dhinaca kale uu ku boqono goynayo, Tusaale ahaan 1962-1977 soomaliya talaabada ay qaadaba waxaa turun-turo iyo hagardaamo ku hayey dowladahii reer galbeedka iyo mareykanka oo soomaliya ku eedaynayey dhinaca shuuciyadda iney wax la qabsatay.Arintaasna waxaay sii kordhay 1977 markii soomaliya ka soo bayrtay dhinacii reer barigga, Dowladii xisbigii kacaanka hantiwadaaga ...Iyagoo adeegsanaya magacii itoobiya oo ka aargoosanayey dulaankii 1977 liibiya iyo masar oo iyana xulufo la ahaa waxaay soomaliya ku soo qaadeen dulaan dhinac kasta ah, Iyagoo ku eedaynayey iney dhinaca kale wax la qeybsatay. Hadaba qaar ka mid ah dowladahii reer galbeedkuna waxaay uu badheedheen markii danbe fara-galinta tooska ah arimaha gudaha ee dalka soomaliya, Si ay xukunka ugu tuuraan markii siyaad bare dheeraaday xukunkiisii meeshana ka sareen,

Waxaayna bilaabeen iney uu gacan haadiyaan shaqsiyaad xukun doonna, Taasina waxaay keentay in dadka iyo dowlada layska hor keeno iyadoo loo adeegsaday hab qabiil, Kana faaiideysanayey god-daloolooyinkii dowladii diktaatooriga ahayd ee siyaad bare waxaana la sameeyey jabhado hab qabiil ku dhisan oo xukun doon ah, Taageerana ka hela dowladihii horey soomaliya uu gumeysan jiray oo ahaa cadawga umadda soomaliyeed..... Aqriste maanta intaa ha inoo joogga ee bye

Qore

Cali diiriye nuur pilot::::::::::London

liibaan33@hotmail.com

ama tigaana_52@hotmail.com 

 QORAALADII HORE EE PILOT

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 20, 2003

.. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  

 

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]