SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - GURMAD

WAR SAXAAFADEED

Abdirisaq Mohamoud Saleiman (Mingiste)

Xafiiska Manchester

Emailka abdi_saleiman@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 21, 2003

 

GURMAD DEG DEG AH

  • KU. Dhamaan Warbaahinta Madaxa Banaan.
  • KU. Dhamaan dadweynaha reer Somaliland
  • KU. Dhamaan ururada Somaliland Dibad iyo Gudaba.
  • KU. Ganacsatada Somaliland Gude iyo dibadba.
  • KU. Dhamaan Xawaaladaha
  • OG. Gudiga Gurmadka Abaaraha ee Somaliland.

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

 

sida aad la wada socotaan qaar ka mid ah gobolada Somaliland waxaa ku dhufatay ABAAR ba,an ,abaartaa oo si xoog leh u wax yeelaysay Xoolihii,Daaqii ,Biyihii iyo dadkiiba,sidoo kale waxaa la socotaan in xaaladu ka sii daraysay maalinba maalinta ka ka dambaysa. Haddaba waxaan soo jeedin lahaa arimaha soo socda:-

1. In dadka reer Somaliland ee dibadaha joogaa si degdeg ah isu abaabulaan ,bilaabaana qaadhaan deg deg si loo samata bixiyo dadka iyo xoolaha faraha badan ee dhimashada qarka u saaraan.

2. Waxaan ka codsanayaa in dhamaan ururada iyo Xafiisyada reer Somaliland ee ka jira dibadaha in ay la socodsiiyaan dowladaha iyo ururada ay xidhiidhka la leeyihiin xaalada abaareed ee ka jirta qaar ka mid ah Gobolada Somaliland waqtigan .

3. Waxaan ka codsaneynaa dhamaan Xawaaladaha in ay koonto deg deg ah u furan guddida Gurmadka abaaraha Somaliland si wixii qaadhaan ah halkaa looqu soo hagaajigo.

4. Waxaan kula talin lahaa in dhamaan XAWAALADAHA ka ganacsada Somaliland ay 1$ (one dollar) dheeraad ah ka jaraan faaiidada ay ka qaataan dadka lacagta ka dirta amase 1$ (one dollar) saran dadka lacagta ka diranaya,lacagtaasna loogu deeqo dadka abaaruhu wax yeeleen.

Waxaan hadalka ku soo koobayaa in in dhamaan dadweynaha Somaliland,ururada Somaliland,wakiilada Somaliland iyo ganacsataba Somaliland-ba loo howl galo sidii loo samata bixin lahaa xoolaha,dadka iyo degaanka inta ,guddigga Gurmadka Abaaraha waxaan ka codsanayaa in ay ku dadaalaan sidii ay u gaadhsiin lahaayeen dadka ABAARTU waxyeelaysay wixii loogu dhiibo.

CEEL WAA LOO QODAYAA CIDINA WAA U MAQAN TAHAY

ALLAA MAHAD LEH

Abdirisaq Mohamoud Saleiman (Mingiste)

Xafiiska Manchester

Emailka abdi_saleiman@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 21, 2003

.. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD