SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - NAIROBI

Marxuum Rashiid Axmed Sidee Kudhintay

November 6, 2003


Marxuum Rashiid Axmed

Warar hodhac ah oo ka soo baxaya isbitaalkii la geeyey maydka Rashiid Axmed Rashiid oo kamid ahaa ergada shirka Soomaalida ee nairobi ayaa daboolka ka qaadaya in la ogaaday in Marxuumka dhintay uu ka jaban yahay gacanta, dhuuntuna ay ka dillaacsan tahay dhinaca garka oo dhiig badani uu caloosha ku hoobtay. Waxaa kaloo wararka hordhaca ahi qeexayaan in Rashiid laga jebiyey qoorta, laguna jiiday dhulka oo loo kexeystay dhinaca kushiinka cunnada lagu kariyo.

Maxamed Xaaji (Ingiriis)
Mbagathi, Nairobi
E-mail: Ingiriis@yahoo.com

<><><>

Walaac Laga Muujiyay Nabad Galyada Wadanka Kenya

Waxaa isa soo taraysa hadal haynta ah in wadanka kenya si sahlan laguu khaarajin karo haddii aad isqabataan cid aan naxariis iyo diin lahayn,laguuna adeegsanayo dad reer kenyaan ah iyadoo la siinayo dhagarqabayaal(Gangs)lacag lagu qiyaasay 300kun shilin kenyana una dhiganta 4000$, Faahfaahin... Guji

<><><><>WARBIXINTII Cabdikarim Aadan<><><>

war-1-6-Novembar,2003.Mbagathi,Nairobi.

Danjire John Luyusunya :-IGAD iyo KENYA kama caajisi doonto baarista Maydka Marxuumka..............

Kaaliyaha Arrimaha Bulshada iyo Maamulka Guddoomiyaha Guddiga farsamada IGAD iyo balaarinta Shirka
Ambassator John Layasunya ayaa tacsi tiirayo leh u diray dhamaan Ergada Soomaalida ,Qoyskii iyo Ehelkiisa isagoo ku hadlaya magaca guddoomiyaha shirka dib uheshiisiinta Soomaalida Mbagathi,kandib markii saakey 7- aroornimadii maydkiisa lagu arkey Allaha u naxariiastee Marxuun Axmed Rashiid Mohamed wado lugeedka ku timaada holka cuntada ee hotelka KCCT,Mbagathi.


Qaraamada Marxuum Rashiid Axmed oo aad uga tiiraanyasan geerida marxuumka.
Sawirka: Daily Nation

Qoraal uu soo saarey ayaa kagacodsadey Ergada shirkainay gacanku siiyaan baarista maydka marxuumka geerida marxuumka ayaa ilaa iyo hadda loo heyn sabab loo heyn ,shaqaalha hotel oo isugu jiray dumar iyo rag ayaa soo wargaliyey booliska xerada Mbagathi,ee uu shirkaka socdo.

Wareysi aan layeeshay ayaa mid kamid shaqalaha ayaa ii sheegtay in markii ay arkeen isku dayeenin ay garab siiyaan isagoo afgambi u jiifa waddada,ka dib markii ay soo gadiyeen oo ay la hadleen kana tirtireen dhiig yar oo garka hoostiis ka yaaley ayey ogaadeen in uu geeriyoodey. gabadha aan wareystey oo magaceeda Marry oo ka mid shaqaalaha la shaqeeya jikada amma qolka raashinka lagu kariyo ayaa waxa kale oo ay ii sheegtay in markii hore u carareen qolka uu degena isaga iyo saaxiibkiis faroole kadibna laga furi waayey markii ay garaacdey dhamaan qolalka Ergada Soomaaliyeed.

saxiibka Axmed Rashiid ayaa kula kulmay barqadii baxada hotelka isnawaxa uu ii sheegay in ay jirin cid uu og yahay oo ay saaxiibkiisa colaad ka dhaxeysay,waa igu kalsoonaa saaxiibkey mana aaminsani in uu sir iga qarsadey ayuu hadlkiisa ku gabsadey.

Alla u naxariistee marxuumka ayaa ka mida ahaa Soomalida ku nool wadanka Keneda,saakey markii la isgu yimid dhamaan qaybaha booliiska iyo safaarada keneda ,dhaqaatiiriyo wariyayaal ayaa taliyaha ciidanka booliiska ee xaafada langata ooka tirsan xertda Mbagathi Cabtan peter ayaa sheegay in aysan jirin dhaawac jirkiisa soogaarey markalaga reebo nabarkafinkaoo kaleoo kuhoos yaala garkahoostiisa, kaasina makeeni karo dhimasho ,oowaadu jeedaan jirkiisa wali dhiig waa uu leeyahay,markii aankahadlo aqoonta iyo cilmiga baarista meydadka waxaan idin sheegayaa in ay ku soo boodey dhimashodegdeg ah oo ku timaada dadka qaba cudurka dhiig karka ,in kastoo marrarka qaar uu jiro dhiig kar markii uu ku soo boodo durba aadu dhimaneyso,laakiin baaristiidsa kama hareyno ilaa intii kaarayaga ah.

safaarada keneda ee kenya ayaa maydka marxuumka qaadey oo sheegtay in ay baareyso sababta kadib la aasidoono.

Marxuumka ayaa ka tirsanaa Ergada RRA-shaati gaduud kuwa ugu firfircoon .
dhamaad .
Abdikarim Aden Hussein.
Mbagathi,Nairobi.
abdikarimhussein@hotmail.com

 

WARARKII Subaxnimadii Nov 6

Ergay cusub oo ka mid ahaa ergooyinka shirka Soomaalida oo geeriyooday
Maxamed Xaaji (Ingiriis)
Mbagathi, Nairobi
E-mail: Ingiriis@yahoo.com

Waxaa xalay ku geeriyooday xarunta shirka dib u heshiisiinta Soomaaliya ee Mbagathi oo ku taalla duleedka magaalada Nairobi ergay ka mid ahaa ergada Soomaalida ee ka qayb galaysa shirka.

Ergaygan, Rashiid Axmed Rashiid, waxaa maydkiisa laga helay baarka ergooyinku cunnada ay ka cunaan ee ku dhex yaalla xerada Mbagathi wax yar kaddib markii la saxuurtay.

Dad goobjoog ah ayaa waxa ay suxufiyiinta saakay u sheegeen inay arkeen Rashiid Axmed oo sidii qof saqraansan dhac-dhacaya oo tabartu ku yar tahay, kaddibna ku dhex dhacay miisaskii raashinka lagu cunayey.

Waxa ay sidoo kale goobjoogayaashaasi ku warrameen in ergayga dhintay uu garka kaga yiillay dhiig. Police-ka degmada Langata oo maydkiisa qaaday waxa ay tibaaxeen inaan dhiiggaasi lala xiriirin karin in wax lagu dhuftay ama lala dhacay.

Taliyaha saldhigga Langata Police Station, Naftalie Bed oo weriyeyaasha la hadlaya, waxa uu yiri "geerida ergayga Soomaaliga ah waa dhimasho kedis ah, waxaana u maleynaynaa inuu wadnuhu istaagay ee aanu jirin dhib kale."

Maydka Marxuumka waxaa la dhigay isbitaalka Kenyatta, halkaasoo daboolka laga qaaday in galabta lagula sameyn doono qalliin lagu baarayo sababtii uu u dhintay, si loo xaqiijiyo shakiga ay qabaan ergooyin badan oo ah in la sumeeyey ergaygaas.

Second Somali talks delegate dies mysteriously
MSNBC - 
... to ascertain whether the late Ahmed either died of natural causes or otherwise,''
said a statement issued by John Lanyasunya, Kenya's special envoy for Somalia ...
 

Somalia peace talks delegate dies
Washington Times, DC - 
The cause of the death of Ahmad Rashid Muhammad, a Somali with Canadian ... The statement,
signed by John Lanyasunya, Kenya's special envoy to Somalia and chairman ...

Rashiid Axmed Rashiid oo ahaa 38 sano jir, wuxuu haystay dhalashada waddanka Canada, waxaana uu ka mid ahaa ergooyinka wakiilka ka ah Col. Xasan Maxamed Nuur (Shaargaduud). Nin af-gaaban oo qunyar socod ah ayaa lagu tilmaami jiray.

Ergada Shaargaduud nin u hadlay, waxa uu u sheegay dadka wararka fidiya inaysan jirin cid ergaygoodu uu la dirisanaa ama uu muran kala dhexeeyey. "Nooma sheegin cid uu cabsi ka qabo, sidaas darteed ma jirto dad aan ku tuhmayno hadda" ayuu yiri.

Rashiid Axmed, waxa uu xubin firfircoon ka ahaa Guddigii u xilsaarnaa sameynta distoorka KMG ah, kaasoo ku guuleystay inay is jiidjiid kaddib soo dhiraandhiriyaan distoor cusub oo la ansixiyey September 15.

Bannaanbax ergooyinku uga cabanayaan dhimashadiisa ayaa saakay hareeyey xarunta uu ka socdo shirku. Guddoomiyaha Guddida Farsamada IGAD, Bethuel Kiplagat, waxa uu ergooyinka weydiistay inay dulqaad lahaadaan inta laga soo baarayo ama laga soo xaqiijinayo asbaabihii geeridiisa dhaliyey.

Hal bil wax ka yar ayaa laga soo joogaa markii la dilay Sheekh Ibraahim Cali Cabdulle oo loo yiqiinnay Xuub-Xaaro oo ahaa xildhibaan miisaan leh oo ka tirsanaa dowladda KMG ah. Dilka xildhibaankaas waxaa u xiray Aadan Keynaan oo ka tirsanaan jiray Baarlamaanka Kenya.

Dhimashada sii kordhaysa ee ergooyinka Soomaalida ayaa waxa ay tusaysaa beesha caalamka iyo dadweynaha Soomaalida in dowladda Kenya aysan is xilqaan weyn oo badan iska saarin ammaanka ergooyinka siyaasadda u jooga waddankooga.

Dilkii Sheekh Ibraahim Cali Xaashi ka akhri halkan.....


Maxamed Ingiriis  

 Qore:

Maxamed Xaaji (Ingiriis)

Mbagathi, Nairobi

E-mail: Ingiriis@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 6, 2003

.. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....

 


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD